SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaybsiga Gumeysigu Waa Khiiyaamo Qarsoon oo aan la Qaadan karayn.‏

Dhulkeenii Soomaaliya ayaa waxaa gebi ahaanba uu gacanta ugu jiraa Ciidamo Shisheeye oo ku yimi si aan Sharci ahayn Shacabkiina ku haya Xasuuq iyo Xarrig Sharci darra ah sida ay Wallaaca uga muuinayaan Hay'adaha u Dooda Xuquuqda Aadanha ee Adduunka iyo kuwa ka howlgala Dalka Soomaaliya gudihiisaba Tusaale ahaan "Halyey Axmed Diiriye Cali"
iyo kuwa kale oo fara badan oo ku Xiran Xabsiyada Dalka Soomaaliya gudihiisa iyo kuwa kale oo aan la garanayn ilaa iyo hadda meesha ay ku Xiran yihiin taasina dow ma ah.

Haddaba waxaa Xusid mudan Halgankii Haleyadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Axmed Gurey oo ahaa mid Xabishida baday inay Cunaan Hilibka Cayriin hase ahaatee Halganka maanta aannu kula jirno Ciidamada Maxaysatada ah ee Itoobiya waxaad moodaa inay u Sahlayaan joogitaankooda kuwa innaga inaga mid ah oo u adeegaya Gumeystaha Soomaaliya weligayd way la Colleysanayd Itoobiya ,hase ahaatee waxay maanta ku timi Muqdisho waa Khiyaamo Qaran oo Shirqool ah taasina waxaa la weydiin doonaa Cidii Mas'uuliyadeeda lahayd Sharci iyo kala Dambayn way imaan doontaa goor dhow.

Markaad dib ugu noqoto taariikhda Dunida ee soo jireenka ahi ayaad waxaad arkaysaa in Dadka Qaxootiga ah ee u dhashay Falastiin meel walba oo dunida ka mid ah maanta waxaa Dunida ku badanaya Qaxootiga ugu badan ee Adduunka Soomaalida ,Sababtoo ah Dalkoodii ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamo Gumeysi ah oo weliba kuwii ay Colaada ka dhaxaysay Shacabkiina Xasuuqaya qaarna ku Xiraya Xabsiyo ka baxsan Dalka Gudihiisa
Gumaad aan joogsi lahayna ku haya Dhallinyarada Xaq u dirirka ah ee Soomaaliyeed.

Geedi socodka Nabadda ee Soomaaliya maxaa hortaagan ?waa Su'aal muhiim ah laakiin aan qoraal lagu soo koobi karin Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu soo maray Xaalado iyo Marxalado kala gedisan oo la soo dersay tan iyo intii uu socday Dagaalkii Sokeeye kaasoo Qabqablayaashii Dagaalku ay ku adeeganayeen Quwado Shisheeye oo ugu dambeyntii keentay inay Dalkii oo dhan ay gacanta ku dhigaan Ciidamadii Gumeystaha ee hortaagnaa Geedi socodkii Nabadda ee ay Shacabka Soomaaliyeed doonayeen inay nabad ku helaan.

Markii nabaddii la waayey waxaa bilowday Qax,barakac, iyo Tahriib oo ay ilaa iyo maanta socota Dad fara badan oo Soomaali ahina ay ku Dhammaadeen oo u badan Dumar iyo Carruur, kuwaasoo la Cararaya inay ka badbaadiyaan naftooda Xabadaha iyo Rasaasta hase ahaatee ku sii Halagmaya Badaha Waaweyn ee u Dhexeeya Soomaaliya iyo Waddamada ay Badaha Xuduudda kala wadaagto Hay'ado badan oo ka mid ah kuwa Xuquuqda Bani'aadanka u dooda iyo Qaramada Midoobay Qaybteeda Qaxootiga oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNCHR ayaa waxay soo saaraan Warbixino la Xiriira Tirada Dadka ee ku Dhammaatay Badaha Xuduuda la leh Soomaaliya kuwaa oo sii badanaya .

Hoggaaminta Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa haboon oo kaliya inay noqdaan 10-Qofood oo ah Guddi Fullin ah oo Dalka oo dhan nabadda ku soo Celiya , Sababtoo ah Magacaabidda Wasiir ama Wasiir ku Xigeen ayaa waxay noqotay Cudur aan Daawo lahayn ,waxayna noqotay mid ay Beel waliba ku tirsato inta Wasiir ee ay ku leedahay Dowlad walba oo la dhisayo , waxaase ka sii daran in ay Beelaha qaar yiraahdaan anaggu Wasiir ma helin ama meel aan Haboonayn ayaanu helnay waxaase wanaagsan in la helo Tanaasul iyo is jacayl Guddiga Fullintana lagu soo Xulo oo keliya Aqoon Diineed iyo Mid Maadiya labaduba si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed oo Nabadda u baahan.

Ummadda Soomaaliyeed waa kuwa nabadda jecel hase ahaatee waxaad moodaa waxa ku dul ugaaranaya Ciidamo Shisheeye oo dana gaar ahi ka leh gobolka geeska Afrika oo ay Itoobiya ugu horeyso Khiyaamooyinka ay Dalkeenii ku Qabsatayna Qof waliba wuu ogyahay kaddib maray ogaatay in ka badan 2-Milyan oo Soomali ah inay ku sugan yihiin Qurbaha kuwaasoo oo aan warba u hayn Dalkoodii iyo Shacabkoodii ay u dhasheen ayey goosatay inay Shirqool ku Qabsato Dalka iyadoo ay Hor kacayaan kuwa Sheeganaya Magaca Soomaali hase ahaatee aan garanayn Dhibaatada uu Gumeystuha Madaw leeyahay .

Maqaalkani waxaannu ku soo koobayaa Soomaliya waxay gashay Qaybsi Gumeysi kaasoo ahaa Khiyaamo Qarsoon oo Shacbkii baday Qax, Qurbe , iyo Qaxootinimo aan dhammaan waxaana maanta la mid nahay Shacabkii Falastiin oo Dhagxaanta tuuraya ,inaguna haddii aannu maanta iska tuurin Heeryada Gumeystaha Dhax inaannu tuurno ama ay Ubadkeenu Tuuro ayaan lanaga sugayaa , Midnimadu waa Xaq Ciidamada Shisheeye waa inay ka baxaan Dalkeena hooyo iyagoon wax Shuruud ah aanu ku Xirnay ka bixitaankooda ,isla markaana waa in si deg-deg ah Xabsiga looga siidaayaa Dadka Siyaasadda u Xirxiran oo Dhan gaar ahaa Halyey Axmed Diiriye Cali , iyo Dhammaan Suxufiyiinta Xaq darrada u Xiran

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com