Dagaalka labada fac kii hore iyo kan casriga
ah ama qadiimka iyo jadiidka :
haddaba dhibaatada iyo burburka soomaaliya haysta ayaa inkstoo
siyaabo badan oo aan cilmiyaysnayn looga hadlo,iyadoo ay cidiba ay dhibaatadaas
iyo sababteeda iyo xalka wax looga qaban karo,ay si uga hadasho cid walibana ay
si u aragto ayaa haddana waxaan innagu halkaan uga hadli doonaa si waafaqsan
sida cilmiga bulshada iyo qawaaniinta bulshooyinka iyo isbaddaladooda xukuma iyo
sababaha ay ummudahu u burburaan iyo sababaha ay ku dhismaan uu qabo.iyadoo ay
bulshooyinka oo idil ay jiraan cawaamiil iyo sunan taariikheed oo ka dhaxeeya oo
sababa burburka iyo dhismaha ummadaha hadba ku dhaca iyon waxa sababa,iyadoo aad
mooddo nasiibdarro in aqoonyahanka soomaaliyeed uusan ka hadal marka laga
hadlayo burburka soomaaliya ku dhacay cawaamisha iyo sunnanka bulsho iyo
taariikheed ee noocaas ah oo aan oran karno sababta ugu weyn ee ka danbaysa
burburkaas,iyadoo aan innagu jecelnahay in burburka jira aan dhinaca cawaamisha
iyo sunnanka bulsho iyo taariikheed aan ka fiirinno,iyadoo aan quud darraynayno
in uu baal iyo bog cusub u furo doodda iyo falanqaynta marka laga hadlayo
burburka iyo dhibaatada soomaaliyeed iyo sida burburkaas xal iyo dawo loogu heli
lahaa,iyadoo la tixraacayo lagana shidaal qaadanayo cawaamisha iyo sunnanka
noocaas ah ee aan halkan ku lafa guri doonno.Waxaa marka laga hadlayo burburka
iyo dhibaatada soomaaliyeed asaas u ah loona baahan yahay in fiiro gaar ah la
siiyo halkudhagga iyo baaqyada uu dadku markasta hadalhayo oo soo
noqnoqda,kuwaas oo ah baaqyo iyo halkudhagyo aad mooddo in la iska horkeenay la
isna qabadsiiyay oo lid la isaga dhigay islamarkaana colaad iyo dagaal joogto ah
la dhex dhigay.
Baaqyadaa waxaanan ka soo qaadan karnaa baaqyadaas oo tusaale u ah baaqyada
casriyaynta iyo dhaqanka(modernity vs tradition)iyo sidoo kale waqtigii hore iyo
kan haddeer(past vs present)iyo sidoo kale tolka iyo waddanka(clan vs
countary)iyo sidoo kale qiyamka qabaliga ah iyo qiyamka dawladeed ee qaran(tribe
vs nation) fikirka iyo qiimaha casriga ah iyo fikirka iyo qiimaha
dhaqameed(modern idea and value vs traditional idea and value)iyo sidoo kale
hoggaaminta dhaqameed iyo hoggaaminta siyaasadeed(traditional eldership vs
political leaders)iyo sidoo kale jadiidka iyo qadiimka(old vs new),sidoo kale
jiilka cusub ee dhallinyarada casriga ah iyo jiilkii hore ee odayaal ee
dhaqameed. Waxaanad mooddaa nasiibdarro in aqoonyahanka iyo hoggaamiyaasha
siyaasadeedba ay ku guuldaraysateen in ay xal iyo afgarad u helaan ayna maslaxo
dhex dhigaan lammaanayaashaas is diidan ee lidka isku ah,iyadoo taas
baddalkeedii aad mooddo in garwadeenka siyaasadeed iyo aqooneed ay hormood u
yihiin ayna masuul ka yihiin iska horkeenka iyo isku dhaca loogu dawgalay ee
lagu mashaqeeyay lammaanayaashaas isdiidan ee aan soo tilmaanay. Waxaana xalka
iyo dawada dhibaatada soomaalidu ku xiran tahay ayna u rahman tahay si xal
dhibaatadaas loogu helo in afgarad iyo heshiis iyo isutanaasul loo sameeyo loona
helo dib u heshiisiin iyo isfaham wada noolaansho lammaanayaashaas. Waxaana
waajib ah oo si weyn loogu baahan yahay in aan arrintaas aan xoogga saarno una
hawlgalno ka mira dhalinteeda iyo ka gungaarideedaba.
Lammaanayaal isdiidan oo iska horjeeda lidna isku ah:
Haddaba dhibaatada jirta ayaa ah, iyadoo baaqyadaas iyo
halkudhagyadaas laga dhigay loona sawiray muuqaalka ah kuwo isdiidan oo lid isku
ah,waxaana aragtiyada horumarineed iyo casriyayn lagu saleeyay aragtida noocaas
ah ee iska horjeedda kuna salaysan casriyayn lid ku ah dhaqanka(modernity versus
tradition)iyadoo casriyayntu tahay haddii ay noqoto hay’ado wacyi waayo iyo
qiyamka casriyeed oo lid ku ah kana horjeeda hay’ado, wacyi,waayo iyo qiyamka
qadiimka ah ee dhaqameed. Waxaana aragtida habka noocaas ku salaysan la iskana
horgeeyay ee bahalka la isaga dhigay casriga iyo dhaqanka ay taasi markaa ka
dhigtay in hawlgalada iyo dadaalada casriyayn iyo horumarin(modernisation and
progress),ay noqdaan kuwa dhaliya cirkana ku shareera in colaadi iyo cadaawadi
ay ka dhexooganto ayna isku dhacaan iskuna kacaan, oo uu dhasho dagaal iyo
xasarad u dhaxaysa jiilasha kala duwan,kan casriyeed ee magaca dawladeed iyo
qaran wata iyo, kan qadiimka ah ee dhaqameed ee qabaliga ah oo
toleed(generational conflict). Waxaana sababtu tahay in jiilka iyo hay’adaha
qadiimka ah lagu eedeeyo lana yiraahdo waxay u janjeeraan ilaalinta iyo
difaacidda hay’adaha iyo qiyamka qadiimka ah ee dhaqameed iyo habnololeedka
wacyiga iyo waayahii qabaliga ahaa ee toleed iyo bulsho ee beeleed. Waxaana
iyana sidoo kale lagu eedeeyaa laguna sheegaa oo la yiraahdaa in jiilka casriga
ah ee magaalo iyo dawladeed uu isna u janjeero isbaddalda kacaameed iyo fikirada
aydhiyoolajiyooyinka aan horay loo aqoon oo qalaad, soo galootigana ah ee cusub
ee aan dhaladka ahayn. Haddaba marka loo macneeyo in casriyayyntu iyo horumarku
yahay in tiknaloojiyada iyo habnololeedka galbeedka la qaato,iyadoo si
habnololeedka iyo tiknaloojiyadaas loo dabaqo loona hirgaliyo loo baahan yahay
in dadka ahliga u ah ee iyagu leh aqoonta iyo waxbarashada casriga ah ee
galbeedka ay iyagu halbeeg iyo hormuud u noqdaan hirgalinta habnololeedkaas
casriga ah ee dawladeed iyo socodsiinta iyo meelmarinta howshaas iyo barnaamijka
casriyayn guud ahaanba. Haddaba doodda iyo dacwada noocaas ah sida looga dheehan
karo ee taas laga fahmi karo ayaa ah,in taasi ka dhigayso in su’aasha iyo
barnaamijka isbaddalku ay noqdaan kuwo ku jihaysan islamarkaana leh muuqaal iyo
waji macnihiisu yahay ama tilmaamayo isku dhac iyo colaad iyo dagaal jiileed(set
the question of change in terms of generational colflicts)laba jiil u
dhexeeya,iyadoo ay taas weheliso in qadiimka lagu takooro loona arko in uu yahay
wacyi iyo waayo hore oo gaboobay oo qabiileed oo laga ilbaxay dib u socodna
ah(excluding the old as traditionalist),waxaana ay dabaqadda iyo garwadeenka
aqooneed iyo siyaasadeed ee casriga ahi(modern educated elite)ay ku
shaabadeeyeen dhaqanka iyo hay’adaha qadiimka ahba, in ay yihiin kacaandiid dib
u socod ah iyo xoogag iyo quwado wax burburinaya waxna kharibaya, iyagoo
walibana dusha ka saara eedda in ay xoogagaasi iyo quwadaha dhaqameed ay iyagu
sabab u yihiin dib u dhaca haysta bulshada soomaaliyeed, sababtoo ah
marnaanshaha iyo macnadarada fikradaha iyo aaraadooda dhaqameed ee qabaliga ah
ee habsanka ah ee liita ee danbeeya.
Haddaba fikradaha iyo ra’yiga noocaas ah ee ku jaango’onaya kana dhigaya in ay
casriyayntu tahay ama la mid tahay oo macnaheedu yahay(latinisation)iyo, sidoo
kale in la rumaysto lana yiraahdo oo biyo kama dhibcaan laga dhigo in bacdamaa
iftiinka aqooneed iyo ilbaxin(enlightenment)ee ay bixiyaan iskoolada iyo
dugsiyada casriga ahi ay helaan aqoontaasi ayna bartaan oo kaliya dabaqadda
waxbarashada casriga ah ee galbeedka iyadu leh,ayna iyagu taas darteed yihiin
wakiilka iyo horjoogaha isbaddalka cusub ee casriyayn iyo dawladeed ee
qaran,iyagoo ka dhiga una muujiya oo isbaddalka iyo casriyaynta u qaabeeya una
tarjuma in dhallinyarada iyo jiilka cusubi(the young)uu lid ku yahay kana
horjeedo qadiimka iyo jiilka faca hore ee dhaqameed,iyadoo aan taasna sawir iyo
tusaale cad uga soo qaadan karno halgankii ugu horreeyay ee ay ururada qawmiga
ahaa(nationalist party)iyo garwadeenkii aqooneed iyo siyaasadeed ee ururadaas
hoggaaminaiyay uuna ka mid ahaa ururkii SYL AY URURADAASI IYO garwadeenkooduba
ay si ulakas ah oo cad ay astaan iyo tilmaanba ka dhigteen una qaateen summadda
dhallinyaranimo(youth)taas oo muujinaysa islamarkaana u taagan oo tilmaan cad ka
bixinaysa in ururku ku gadooday kuna caasiyay oo ka horjeedo taariikhda iyo
waqtigii hore iyo waayaha waxii jiray ee hore(the past)iyo hay’adihii qadiimka
ahaa ee dhaqameed iyo toleedba ee beeleed. Haddaba takooridda noocaas ee ay la
timid ayna keentay waxbarashada casriga ahi iyo in laga faano waxii hore ee
jiray iyo dhaqankii toleed iyo bulsho,ayay waxay taasi suuragalisay ayna daw ka
dhigtay oo waddo u furtay taasi in loo qaato lana rumaysto oo la ictiqaado in
jiilka cusubi iyo dhallinyarada oo kaliya ahi ay yihiin ayna u taagan yihiin
horyaalka iyo guulwadayaasha(vanguard),marka la yiraahdo halganka iyo kacdoonka
lidka ku ah nidaamkii hore ee dhaqameed(old order)iyo hay’adaha qadiimka ah ee
toleed iyo bulsho ee beeleed,iyo halganka iyo kacdoonka lagu dhalinayo laguna
asaasayo bulsho iyo nidaam cusub oo casri ah oo qawmiyeed iyo qaran. Haddaba
sida cad waxaad moodddaa in markasta fikradaha iyo aragtiyaha casriayayn iyo
horumarin ay ku qeexaan una dhigaan in casriyayntu tahay barnaamij ku salaysan
kuna qeexan oo macnihiisu yahay in casriyayntu ay lid ku tahay kana horjeeddo
dhaqanka,ayna hay’adaha iyo qiyamka casriyeed ay lid ku yihiin qiyamka iyo
hay’adaha dhaqameed ee qadiimka ah ,iyadoo taas macnaheedu yahay in qabiilka oo
qadiimka matala iyo qaranka iyo dawladda oo casriga matalaa ay lid isku
yihiin(clan vs countary),waxaana xusid mudan in ka sokow abuuridda iyo shididda
xasaradda iyo colaadda noocaas ee jiileed,ayay aragtiyada noocan ah ee casriyayn
waxay abuuraan ayna ku dhiiran yihiin oo u heelan yihiin in ay baro bixin ku
sameeyaan ayna meesha ka saaraan oo ay weydaariyaan saamayntii iyo awooddii ay
lahaayeen hay’adaha qadiimka ahi ee dhaqameed ayna u weeciyaan oo u weydaariyaan
awooddaas iyo saamayntaas si aan xalaal ahayn, jiilka cusub ee casriga ah ee
dawladeed iyo magaalo ee fursadda u helay islamarkaana wax ka soo qaatay
dugsiyada iyo aqoonta galbeedka ee casriga ah.
mahad herse
london uk
htrmah@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2007


|