SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan shacabka checheniya (sheeshaan)?.

checheniya waa boog aan bogsanayn weligeedna dhiig ka daadanaayo ilaa askariga u dambeeya oo ruushka ahi uu ka huleelo dhulkaas.

Shacabka checheniya waa shacab ku sifoobay xoog sabur iyo awood iyo karti wadaninimo iyo qowmiyadeed oo aad u sareeysa. Shacabkaasi ma yaqaan jabka iyo is dhiibka iyo guuldarada midna. Laga soo bilaabo 1772 iyaga iyo ruushka herdan ayaa ka dhexeeyey iyo dagaalo joogta oo ka bilaabmay 1785 kuwaas oo uu hogaaminaayey hogaamiyihii imaam Mansuur oo ahaa aasaasihii dhaqdhaqaaqii mariidiyiinta waxa uu ahaana nin aan waxna qorin waxna akhriyin  sidaa ay tahayna jab ayuu u geystay ruushka guulo waaweyna wuu ka soo hooyey waxuuna markii dambeeyey woqooyiga dhulka loo yaqaan bilaadul qoqaaz isagoo waday calanka jihaadka ilaa laga qabtay oo ay xcireen markii dambena uu jeelka ku dhintay. Halgankoodii iyo dagaalkii halkii kama uu joogsan ee waa sii socday kacdoono ayaa intaa lagaga soo horjeeday ruushka waxaana ka xusi karnaa kacdoonadaas:

Kacdoonkii uu hogaaminaayey imaam Shaamil kaasoo socday 1831 ilaa 1865  iyo kacdoono badan oo dhacay xiliyadaas kuwaasoo socday ilaa 1917 sanadihii ka dambeeyeyna weli way sii wadeen dagaalka waxaana ugu muhiimsanaa kacdoonadoodii dambe kii 1928-1935 oo uu hogaaminaayey Shiikh SHiitaa Istaamilov waxayna ku dhamaatay in la toogto culimo badan iyo hogaamiyayaal diineed iyo kuwo shiyuuciin ahaa oo badan.

1940 ayaa haddana halganka checheniya dib u sii bilaabmay kaasoo sababay in diyaarado dusha lagaga weeraro. Dagaalkii labaad ee dunidana boqolaal kun oo checheniyaan ah ayaa dhulkoodii laga eryay oo dibada u cararay 100,000 na waa la dilay.

Markii uu dhintay Stalin ayeey badidood ku soo noqdeen dhulkoodii ka dib markii uu KHuraashoof la wareegay talada soofiyeedka.

Sanadkii 1991 markii soofiyeetkii kala daatay ayuu hogaamiyihii Jowhar dodeyov ku dhawaaqay in checheniya ay tahay jamhuuriyad madax banaan waxaana bilowday dagaal ka dhexdhacay ruushka iyo iyaga oo bilowday 1994 dhamaadayna 1997 kaasoo ruushka loo geystay khasaare lixaad leh. Dagaalkaasi mar labaad ayuu dib u bilaabmay isagoo ilaa maanta socda.

Checheniya oo ah shacab muslim ah islaamkuna soo gaaray xilligii hijradii koowaad ayna diinta ku qaateen si caadi ah iyo qanaacad ay ku qanceen wanaaga islaamka ayaa waxaa aad loogala dagaalamay dhaqankii islaamka , waxaadna arkaysaa inaanay dadka badidiisu diinta sidaa aqoon ugu lahayn laakiin markaad barato ama la sheekaysato waxaad ku arkaysaa ama dareemaysaa jacaylka ay diinta u qabaan.

Mar uu masaajid yar oo magaalada aan joogo aanu ka aasaasnay uu nagula tukaday inan dadkaas ka soo jeeda oo 17 jir ah ayuu salaadii ka dib intuu ii soo dhowwday waxuu isagoo aad u qushuucsan igu yiri adeeroow masaajidkan yar yuu inaga xirmin aniga waxii igu soo hagaaga waan bixinayaa bil walba isagoo markaa ii soo taagay lacag u dhiganta 40 doolar uuna ballan qaaday inuu bil walba bixin doono.

Xagga dhaqanka dadkaasi waxay leeyihiin dhaqan aad ugu dhow kii reer miyiga soomaaliya , dumarkooduna waa kuwo aad raga u ixtiraama .

Isku soo duuboo si aad wax badan uga sii ogaataan shacabkaas waxaan idiin soo gudbinayaa qaarka mid ah miraha heesta wadaniga ah ee checheniya oo aan soo turjumay :

Habeenkii dhurwaagu dhashay baan dunida u soo baxnay
Markii libaaxu reemay aroortana magcyadaa naloo bixiyey
Hooyooyinkana waxay nagu nuujiyeen buulasha galaydhada
Yaraantiina aabayaasho waxay na bareen fardo fuulka
Iyo inaan isaga dhex gooshno buuraha adahg ee dhulkayaga
             Laa ilaaha ila laah
Dhulkaan iyo umaddan islaamka ayaa hooyooyinka noo dhaleen
Weligayana geesiyaal baan ahayn u taagan dhawaaqa dhulka
            Laa ilaaha ila laah
Sharaf iyo karaamaan weligaya ku soo taagneeyn
Cadowgana waanu hor istaagnaa dhib kastoo jira
Weligaya is dhiibi mayno labada wanaagsan baan mid helaynaa
                           Guusha ama Shahiidnimada
                   Laa ilaaha ila laah
Hadday doonaan inay na gaajeeyaan geedaha jiridoodaan cunaynaa
Haday na haraadiyaana  waxaan cabaynaa dhabaqa geedaha ka da,a
Weligayana waxaan daacad u ahaanaynaa ilaah iyo dalka iyo umadda
 Laa ilaaha ilalaah.
 
Hadaba warbixntaas kooban oo ku saabsan shacabkaas muslimka ah ee halganka dheer ku jira waxaan filayaa inay idin anfacday ayna inoo tahay dersin iyo cashar aan ka faaidaysano waxna ka baranay kuna xusuusanay  walaaleheena checheniya ilaahyna dhibka ha ka saaro iyaga iyo inagba.

Gumaysiga cad iyo kan madow mid uu yahayna waxaa hubaal ah in aanu ku gam,ayn dal aanu lahayn kun qarnina ha ka soo wareegtee.

 Maxamad Bashiir Jaamac
 gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com