SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 December 2007.

Dagaallo cadowga lagu waxyeelleeyay.

Dilal iyo waxyeellooyin kale oo gumaysigu u gaystay dadka.

Hay’ado samafal ah oo Ogaadeenya laga caydhiyay.

Xoghaya arimaha dibada ee Maraykanka Condaliza Rice oo ka hadhashay Ogadenya.

======================


Dagaallo cadowga lagu waxyeelleeyay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada gumayisga Itoobiya oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

06/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Qamuuda, waxaana weerarkaas lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

05/12/07 waxaa weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Dhabba-jiirise, oo BIrqod ka tirsan, waxaana ciidammada gumayisga weerarkaas lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.

04/12/07 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Abu-Balad, oo Xudur-Eyle u dhaw, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla ciidammadan ayaa mar kale lagu weeraray Kawaanka, oo isla nawaaxigaas ku yaalla, waxaana mar kale laga dilay 6 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.

03/12/07 weerar gaadmo ah oo loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Maraacaato, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

01/12/07 dagaa isaguna ka dhacay Wabi-buur, oo Ceel-Ogaadeen u dhaw, waxaa gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 01/12/07 dagaal ka dhacay Kooge, oo Caado u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/11/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Qarjajabo, oo u dhaw Barmiil, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 9 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/11/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee ku sugan Barmiil, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Dilal iyo waxyeellooyin kale oo gumaysigu u gaystay dadka.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dad shacab ah ku laayay meelo kala duwan, qaar kalana xidhxidhay.

Markii ay taariikhdu ahayd 04/12/07 waxay ciidammada gumaysigu Bir-dheeti, oo Baabili ka tirsan, ku dileen nin lagu magacaabi jiray Muxumed Axmed Xuseen. Waxay sidoo kale la tageen oo meel ay ku sugan yihiin aan la ogay dadka kala ah;
1- C/wali Maxamed Maxamuud
2- Cabdi Yuusuf Gangaale
3- Mustafe C/qaadir Aaden
4- Cabdi Muxumed Abiib iyo
5- Mujaahid oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale dadkan ka dhaceen 2 Qori.

02/12/07 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada Caado ee gobolka Doollo ku dilay labo nin oo shacab ah oo lagu kala magacaabi jiray;
1- C/xakiin Faarax Gurey iyo
2- Shukri Gaarane Wayrax
Labadan nin ayay ciidammada gumaysigu mirrijiyeen, ka dibna ay hogeeyeen, waxaana si lama filaan ah maydkooda u helay dadka deegaankaas ka u dhaqan.

04/12/07 magaalada Shaygoosh waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah oo fara badan, waxaanan magaciisa helnay nin waayeel ah oo lagu magacaabo Deeq Sabaale, oo 70 jir ah.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Fiiq ayaa sheegaya in sargaalka u sarreeya ciidammada gumaysiga ee Fiiq ku sugan iyo xulufadiisu ay gateen ilaa iyo 5000 oo Jawaan oo ka mid ah raashiinkii hay’adaha gargaagrku keeneen.

Waxaa sidoo kale meelo badan oo dalka ka mid ah uu khilaaf wayni u dhxeeyaa saraakiisha ciidammada gumaysiga iyo masuuliyiinta hay’adaha gargaarka, iyadoo saraakiisha ciidammada gumaysigu ay ku dadaalayaan sidii ay iyagu gacanta ugu dhigi lahaayeen raashiinka, taasoo ay shaqaalaha hay’aduhuna diiddan yihiin.

Ciidammada gumaysiga ayaa markii ay ku guuldarraysteen inay raashiinka si buuxda gacanta ugu dhigaan waxay billaabeen inay caqabado kala duwan u dhigaan hay’adaha. Magaalada Shaygoosh waxay ciidammada gumaysigu mamnuuceen in raashiinka la dhigo Bakhaarradii raashiinka dhigi jiray, taasoo keentay in raashiinkii la dhigo meel bannaan.

Ciidammada gumaysiga ayaa markaas ka dib isku dayay inay dadwaynaha ku dhiirri galiyaan in la booboo, iyagoo arrintaas uga jeeda inay masuuliyiinta hay’adaha ku qanciyaan in raashiinku baylahayo haddii aan iyaga loo dhiibin, hase yeeshee nasiib wanaag dadkii ayaa diiday inay fuliyaan shirqoolka gumaysiga.

Hay’ado samafal ah oo Ogaadeenya laga caydhiyay.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa dalka Ogaadeenya ka eriday laba nin oo u shaqaynayay Hay’dda Save the Chlidren. Labadan nin waxay u kala dhasheen dalalka Australina iyo Britain.

Labadan nin, oo Ogaadeenya ka shaqaynayay, ayaa loo diiday in loo dheereeyo fiisihii ay ku joogeen, waxaana lagu amray in Itoobiya ka baxaan, sidaas waxaa jimcihii sheegay masuul ka tirsan Hay’adda Save the Children oo diiday in la magac-dhabo.

Hay’adda Save the Children waxay Ogaadeenya ka waday mashaariic kala duwan oo isugu jira, waxbarasho, xannaanada xoolaha iyo adeegyo caafimaad, lamana garanayo sababta ay Itoobiya labadan nin u caydhisay, balse dhawrkii bilood ee u denbeeyay waxay xukuumadda gumaysiga Itoobiya Ogaadeenya ka eriday hay’ado badan oo aan xukuumi ahayn, kuwaasoo mashaariic kala duwan Ogaadeenya ka waday.

Xoghaya arimaha dibada ee Maraykanka Condaliza Rice oo ka hadhashay Ogadenya.

Xoghayha arimaha dibada ee maraykanka Condaliza Rice ayaa si ad ah ugala hadashay kaligii taliye malez Zenawi qadiyada Ogadenya iyo ku tumashada xuquuqda bini adanimo ee ay xukuumada gumaysiga ee Zenawi ka wado ogadenya.

Waxaa kale oo ay si xoogan uga hadashay Condaliza Rice arinta Congreska hor taala ee H.R. 2003 oo ay ku nuux-nuuxsatay in dowlada Itoobiya ay ku xiran tahay hirgalka arintaas loona baahanyahay inay muujiso itoobiya fur-furnaasho dheeri ah si taas looga maarmo.

Tvga gumaysiga Itoobiya oo waraystay xoghayaha arimaha dibada ee maraykan Condaliza Rice ayaa suaalihii uu weydiiyey waxaa kamid ahayd arinta Congresska hortaala ee H.R.2003

-Waxa ayna kaga jawaabtay siyaasad ahaan maamulku ma raacsana in arinta la keeno Congreska hoortiisa sidaasna wax loo wado

waxay kaloo intaas raacisay, eeg iyadoo markaas xiganeysa mooshinka loogu magac daray H.R. 2003 culeyskiisa , madaxdii aan la kulmay waxaan u sheegay in ay wax weyn ka tareyso in arimaha xaaladda bini'aadanimo iyo dhibaatooyinka ka taagan Ogaden iyo gobolada kale in wax laga qabto oo la fududeeyo ay wax ka tareyso si markaas looga kaaf-toomo arinta Congreska la hordhigayo, waxay ku nuux-nuuxsatahay in maamulka Itoobiya ay la yimaadaan fur-furnaan iyo arimaha keeni kara in go'aan laga gaadho in ay wax ka qabtaan, si siyaasad leh ayeyna arimahaas uga hadashay.

waxaa kaloo la waydiiyey : Wax ma kala socotaa xaaladda Ogaden iyo wararka halkaas laga soo tabinayo?

waxay ku jawaabtay Haa, waan la socdaa wararkaasna waan helaa, waxaana kuu sheegayaa in ay aad muhiim u tahay in la furo iridaha/wadooyinka samafalka ee gobolkaas , sidoo kale in ay suurtagal noqoto hawshaasi hirgalkeeda iyo sii socodkeeda iyaduna waa mid aad muhiim u ah ayey tiri, iyadoo hadalkeedii sii wadatana waxay tidhi, waan ognahay xaalada nabadgelyo xumo ee halkaas ka jirta, laakiin hadana aad ayey muhiim u tahay in ururada samafalka kuwa dowliga ah iyo kuwa kaleba in halkaas ay ka howl-galaan waxaana iyana loo baahanyahay wada shaqeynta dowladda Itoobiya// muhiimaduii waa sidaas.

Ugu dambayntiina waxaa la weydiiyey ma fileysaa in ONLF uu yahay urur argagixiso ah?
waxay su'aashaas uga jawaabtay si taxadar iyo siyaasinimo ka muuqato waxayna tiri, arintan waxay ka mid tahay kuwa aan ku tilmaano (xoogaga negative:ka ah) oo u taala xoogaga dagaalka ku jira... waxayna sii raacisay waa mid u baahan in si aad ah loo eego, waa xoogag jira oo keenaya in nabad-galyo daro ay ka jirto gobolka, saakana arimahaas si wanaagsan ayaan uga wada hadalay, runtiise hadii xaalka si qoto-dheer loo eego, waa arimo salka ku haya dhibaatooyin hore, una baahan in jawaab runta ku saleysan loo helo xal siyaasadeed oo suurtogalinaya in kuwa raba in ay ka qeyb-qaataan dhisida aayahooda in loo ogolaado in ay ka qeyb-qaataan taas, isla markaasna kuwa diida lala xaaltamo markaas// muhiimadu waa sidaas.

Waraysigii Rice, xoghayaha Arrimaha Dibadda USA, ay siisay ETV: oo ay kaga hadashay arrimaha Soomaaliya, dhulka ay Itoobiya gumaysato (Ogaden) iyo jabhadda ONLF iyo Ururka Isbahaysiga "Casmara" iyo Xeerka HR 2003...
Dhegeyso
Halkan (m3u) ama Halkan (MP3) ama Halkan (Real)


08 December 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com