Nabadda iyo Midnimada Soomaaliya: Waa Dariiqa
Mustaqbalka Afrika
Si aan u waadixino wacyiga dhabta ah iyo dhibaatooyinka
qarada weyn ee aan muuqan ee ka taagan Geeska Afrika. Waxaan garanay in aan
fursad siino Soomaalida dhabta ah ee rayigoodu wax soo kordhin karo, kuwaas oo
ka bixin fikrad dhaxalgal ah dhibaatada wadankooda. Saxaafadda adduunweynuhu si
weyn ayey ugu dheceen in ay qadiyadan ay dadweynaha adduunka u ban-dhigaan,
iyago had iyo jeer ku mashquula dhacdo aan ahayn xaqiiqo faahfaahsan (dhacdo
sibibixasho ah).
Haddaba, dhibaatooyinka ka taagan Geeska Afrika oo wajiyo
badan ayaa nasiib daradu waxay tahay in akhristayaasha reer Galbeedku waxba kala
socon. Sababtaasi awgeed ayaanu go’aansanay in aanu waraysi la yeelano
madaxweyne ku-xigeenka ururka World Somali Congress md. Cabdullahi Axmad.
Ujeedooyinka ururkaasi ka akhri halkan iyo waxyaabaha kale ee uu mustaqbalka
hiigsanayo. Waraysiga Cabdullaahi oo saddex qaybood ah qaybtii kowaad waa tan:
S 1 – Md Cabdullaahi sharaxaad yar akhristayaasha ka sii
naftaada iyo waxbarashadaada?
J 1- Waxaan ku dhashay Jibuuti kuna dhamaystay dugisgaygii,
waxaan ka qalinjabiyey dugsiga tababarka macalimiinta ee Jibuuti, ka dibna
waxaan noqday macalin dugsi. Waxaan la shaqeeyey axsaabta mucaaradka ee jibuuti
ilaa aan u hijrooday Kanada arimo siyaasadeed awgeed.
S 2 – Wax yar faahfaahi waxbarashadaada iyo meheradaada?
J 2 – Waxaan shahaadada hore ee xidhiidhka caalimiga ka
qaatay jaamacad ku taal Quebec oo la yidhaa Outaouais, haddana shahaadada labaad
(masters degree) ayaan ku dhamayn rabaa anigoo ku takhasusay xidhiidhka
caalamiga qaybta horumarka Afrikada Bari, isla mar ahaantaana waxan ku shaqeeya
maareeye ahaan.
S 3 – 16 sanadood Soomaaliya way kala qaybsanayd iyadoo marmarna isku kacsanayd,
maxay tahay sababtu? Ma gacan gumeysi oo qarsoon ayaa ku jirta? Ilaa xadkee
ayaa laga yabaa in dhibaatada Soomaaliya kala qaybintii gumeystayaashu ku
leedahay?
J.: Xaaladda maanta waa mid laga dhaxlay cadaaladaradii
colonial Partition-ka iyo dagaalkii Ummadda Soomaaliyeed ugu soo jirtey muddo
100 sano iyo in ka badan ah xoriyadda iyo midnimo (Quest of National Unity).
S 4 – Haddaan ku soo dhowaano waqtigan, ku yara noqo 70kii ama 80kii, ma jireen
waxyaabo tilmaami kara dhibaatooyinka dhacay? Cidise ma
filaysey?
J 4 - Ha!. Watan dhowr arrimood.
a) Ku-gargaarkii Guumeystayaasha reer Yurub ay ku gargaareen
(hub iyo taageera siyaasadeed...) gacan-ku-dhigiddii gobolka Herer (1882)
c) Qaybihii Dalka Soomaaliyeed ee Ingriiska, Talyaniga iyo
Fransiisku ay u dhiibeen Xabashida iyadoo aanay Soomaali ogeyn, ogolayn
(1897-1954).
d) Taladii iyo go'aanadii cilmi-baarista ku salaysna ee ay
gaareen Guumeysta yaasha reer Yurub (1950-1960) ee ahayd in laga celiyo Soomaali
inay xorowdo, haddii Gobanimo gaartana lkaga celiyo inay ka baxaan colonial
Partition-ka, sidaas awgeedna loo qaybiyo qabaa'il...
(arag Omar Osmaan Rabeh: Republique de Djibouti ou roue de secours
d'...Ethiopie, Silex, Paris, 1985. L'Etat et le Pansomalisme, Editions le
Derwish, Paris, 1987, etc.)
d)Ku-salayntii qabiil ee Xukunka Trusteeship-ku markuu
dhammaaday (1958). Taladaasoo ay diidanaayeen waddaniyiintii SYL oo uu ka mid
ahaa Cabdirazaaq Xaji Xuseen, PMkii hore ee Soomaaliya.
S 5 – Soomaali badan oo “Somaliland” ah ayaa sheegta in dhibaato
ka soo gaartay xukunkii M. S. Bare; waxay qabaan in la laayey, xukunka dalkana
aan laga qaybgelin, arintaasi ma la qabtaa?
J.: Waa arrin qotadheer oon runta laga wada sheegayn sababna u
ahaayeen qaladda ka soo jeeda
a)siyaasaddii guumeysiga ee ahayd qaybin qabiil, iska horkeen
ummadda Soomaaliyeed.
b)Qaladdadii Xukunkii MSB (Maxamad Siyaad Barre).
c) Ka-faa'iideysigii uu ka faa'iideystey Cadawgii Xabashidu.
Waana wax u baahan badhis iyo waqti si xaqiiqada loo
ogaado...
S 6 – Maadaama dad badani xumaan ka sheegtaan M S Bare, adiga ra’yigaagu muxuu
yahay madaxweynihii ugu danbeeyey ee Soomaali wadajirta? Maxayse ahayd xumaan
mise wanaag tuuridiisu?
J 6 – Wax la dhahaaba, waqtigu wuxuu muujiyey in MSB uu ka
fiicnaa Kuwii ridey ee ka dambeeyey; kuwaasoo baday Soomaali dil, silic iyo
dulli aanay weligeed horey u arag... Wax xal ahna haba yaraadee keeni waayey
balse dalkii oo dhan, indhala'aan iyo aqlila'aan cadowga gacanta u geliyey,
ummaddi lagu xasuqay, Dowladnimadii halis u tahay inay ku lunto dadkuna ku
dabargo'o...
Somali Galbeed way ka soo Go’i’ doonta Kakabka
“Itoobiya”
S 7 – Ma dhamaystirnayn xornimadii Soomaaliyeed (1960) iyadoo
Soomaali Galbeed ay haysto Abisiiniya, muhiimad intee le’eg ayey dowladii
Soomaaliyeed siiyay xoreynta Soomaali Galbeed (1960 – 1977)?
J 7 - Arrintaasi waa ta keentay in nabad xaq ihi ay ka dhici weydo Geeska
Afrika. Halkagankii xorriyaddoonka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeedna waa
sababta keentay in Dowladdii Soomaaliyeed ugu dambeyn ku burburto markii iyo ku
guuleysetay (1977) ay reer Bari Sofetiga iyo reer Galbeed isugu tegeen ee
annagoo Xabashi jebinay Guushii si "artificial" iyo dulun ah la nooga
gundhiyey...
S 8 – Awood aan la qiyaasi Karin ayey Soomaalidu 1977 isugu
geysay xorayntii Soomaali Galbeed, inkastoo ciidamadii Soomaaliyeed ku
dhowaadeen Finfinne magaalo madaxdii hore ee Oromada ee Amxaarku ugu wanqalay
Adis Ababe, haddana Soomaalidu dagaalkii kuma guulaysan ka dib markii Soofetigu
u hiiliyey Abisiiniya, Maraykankuna caawimaad diiday Soomaalida, dhibaato intee
le’eg ayay arintaasi Soomaalida ku abuurtay?
J 8 – Waan ka adkaanay Abisiiniaya laakiin, guushii aan
dhibka badan u soo marnay ayaa cadow naga xoog weyne si gardaro ah nooga qaaday,
ka dib Xabashi la siiyey. Waa runtaa waan ku dhowaanay Finfinne weligayana waan
jebin jiray, runta iyo xaquna wuu soo bixi, iyagana dib ayaanu ugu celin doonaa
buurihii ah ka yimaadeen. Arinta dhib badan ayey Soomaalida ku reebtay waase
laga bixi insha Allaah.
La soco qaybta labaad ee waraysiga Cabdullaahi
Haddaad rabtid waraysga oo Ingiriis ah riix
http://www.somalicongress.org/article1306.html
Tarjumadii Bashir Salah
bashiris@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 08, 2007
![](/terry/arrowleft.gif)
![](/terry/arrowright.gif)
|