Aragtayee Ma Barateen: Gumaysiga
Itoobiyaanka!
Innagu ma isnaqaan?
Maxamed Jaamac
USA
ASC Soomaalaaaaay,
Muddo dheer ayeey shacbka Ogaadeenya ku
hoos jireen gacanta itoobiyo. Ummada Soomaaliyeed waxay u hureen naf iyo maalba
sidii looga hoos bixin lahaa gacantaas. Taariikhyahanadu waxay gaarsiiyaan
doodaas ilaa ay Soomaaliya u burburtay, walow la oran karo xoogaa waa’ay ka
badbadiyeen haddna waxbaa ka jira taas. Waa xaq inaan xuso una mahad celiyo
dadkii naftooda iyo maalkooda u huray xoraynta dhulka innaga maqan.
Anigoo taariikhdaas markhaati u ah waxaan
isu keeni waayey in Jenanadii, professoradii, xildhibaanadii, waxgaradkii,
kornayladii, afleydii iyo wax ma garataddii ay u yeerteen in Itoobiya u soo
gurmato sababtoo ah dowladii ayaa rabta in la caawiyo.
Ma runbaa in dadka Soomaaliyeed aysan
heshiin karin? Ma runbaa in Soomaaliland goosan karto? Ma runbaa in Puntland
madax banana tahay? Ma runbaa in baarlamaan uu xor yahay? Ma runbaa in
madaxweyne iyo ra’iisul wasaare aanu leenahay? Ma runbaa in shacabka habeen iyo
maalin la gumaado? Muxuuse Cadde kordhin karaa?
Jawaabtu ma tahay Haa mise waa maya?
Ku daa sidaas.
Mala socotaan Soomaalaay
Shilinka dhanka kale u rog, Gobolka
soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato waxaa ka dhacay kana socoda waxayaabo aadan
rumayn karin oo xadka ban’aadamka ka baxsan dil, xariga, baro kicin, hoog aan
dhamaanayn. Waxay ciidanka Itoobiyaanka ku dhaqmeen in dadka ay dilaan ay
wadooyinka dhigaan, soo dhaafe taas, inay maasjidka hor dhigaan, soo dhaafe
taas, inay dukaanada hor dhigaan, soo dhaafe taas inay dhagax weyn dul dhigaan
ruuxa, soo dhaafe taas, inay dal dalaan oo soo lalmiyaan ruuxa.
Dadku maxay sameenayeen? Waxay ku
barayootamaan aanu xaabalano maydka; wey ka talaabsanaan maydkooda, ma yaqaanaan
qofku uu yahay, kan deldelan wey hoos maraan kan gurigooda horyaal uma ooyaan,
wey isku riixriixaan cida uu yahay. Waxay ku hadaaqaan Geeridu waxay ku fiican
tahay geel jire iyo nimaadan aqoon, ma run baa taa?
Aqoonyhan iyo webpageyada gobolkaas u dhuun
daloola maxay ka qoraan gobolka; ONLF waa qabiil. ONLF ayaa wada xasuuq. Onlf
ayaa dadka ka hortaagan horumarka. ONLF ONLF……… miskiinbaa misko la fuulo leh.
Maxaa diiday inay u hadlaan shacabkooda? Maxay ugu mashquuleen ONLF? Maxaa
shacabka loo weydiinayaa inay bixiyaan kharashka waxbarasha? Awey dowladii laga
rabay horumarinta gobolka? Ma qodid shidaal baa horumarinta ah? Muxuuse Geedi u
galbadey?
Dowladnimada la siiyey gobolka ayaa ah mid
dhalanteed ah oo qurux badan laakin waxaaba ka sii daran habka ay u shaqayanayso
oo ah hab shaydaan. Itoobiya waxay yeelatay hal ra’iisul wasaare, Soomaaliyana
labo ra’iisul-waraase, gobolkuna wuxuu yeeshay malaha darsin madaxweyne mid
kastaan arrin gaar ah ayaa lagu fuliyey deedna waa laga takhalusay. Sida
qaalibka ah dadku isku dareen ma wada aha waxaa dhici karta waxyaabaha qaarkood
inaadan samayn karin marka aad heerkaas gaartid waxaad la iman iska cabin ama is
adkayn, bilcaksi meeshaas ku hakisay oo damiirkaaga kuu diiday ood dhaafi weydo
waxaa jira ku walaalkaa ah oo dhaafi kara oo dardar cusub galin xiisana u haya
usha shaydaanka inuu isagu sido; nasiib daro falsafadaas qaawan ayaa wax lagu
maamulaa. Zinaawi ragga uu bebedali muu ka caqli badan yahay?
Qaab dowladeedkeedka noocaas ah in la
raadiyo ragga bah dillan oo qaameeysan deedna loo magacaabo xil sare iyo mid
hoosaba, lana soo tijaabiyey ilaa iyo xadka uu ordi karo lagana fiiranhayo xag
qabyaalada, dilka, dhac, lunsashada, kufsiga, horumarin, damiirka iyo arrimo
nafsi ahoo badan ayaa xil loo magacaabaa.
Soomaaliya waxay baryahan dhadhamisay
dhibaato laga hor joogay, waxay aragtay Hooyadii in wiilkeedu noqon karto
shaydaan meel gaaban ama dheer u fuuli kara inuu hooyadiisa nuugo isagoon ka
waji qarsanayn kana naxayn illin hooyada dhowrahaysa.
Soomaaliya waxay bartay faanka kala
qaybsanaanta, wanjalaada iyo tan ugu daran ee ah kana sib kana saar; hadaad
eegto Warlords, waxaa lagu bedelay baarlamaan waxaa lagu garab waday wasiiro iyo
ra’iisul wasaare dabcan waxaa jira madaxweyne.
Cododkii iyo wajiyadii na soo maray Muse……
Jeele… Barre….Geedi aaway maanta? Kan saar! Lagbuur …. Cadde maxay?
Qaabka Cusub ee Dagaalka Iskashif iyo
Qabyaalad Qaawan
Markii layska caabiyey oo xoogag diidan
dulinmada iyo arxandaran ay xoogaysteen waxay qaateen nooc dagaal cusub oo baro
kicin, go’doomin magaalooyinka, xayiraada quutul daruuriga iyo inay u dhex
raaciyaan gubid deegaanka taasoo uga dan lee yihiin baro kicin. Waxaa garab
socotay wax la yiraahdo is kashif. Magaalooyinka Ogaadeenya ama killilka ama
Soomaaligalbeed marka ay madaxdu soo booqoto waa Tigraayge e waxaa loo shiriyaa
dadweynaha waxaan la weydiiyaa yaa is kashifahaya?
Akhri dhacdadan; Ma doonayo inaan farta
godo, bal si fiican u akhri dhacdadan; shir baa loo soo ururuiyey dadkii waxaa
booqasho magaalada ku yimid nin sare oo Tigraaya ah deedna waxaa shacabkii oo
dhulka fadhiya la weydiiyey yaa is kashifahay? Guux la’aan waxaa istaagay nin
meel dhexaad oo jira 40+ deedna wuxuu yiri anaa is kashifayahaya hadladiisii
waxaa ku jirtay, “… maalin dhaweyd waxaan jabhada u geeyey loor bariis ah iyo
nus loor sonkor iyo labo adhi ah… waxaana ii dhiibatay sodohdeey oo tiri u gee
xaq….” Guux la’aan deg deg ayey sodohdii isku difaacday waxay tiri, “ iimaanka
lagaa qaadayey ma anigaa nabad diidka wax kuugu dhiibay waxaad igu tiri
caruurtii ayaa baahi u dhimanaysa oo kugu sii dhiibay hadaad adigu nabad diidka
u geysay maxaad aniga iigu soo qaloocin..”
Is kashifkii intaas kuma harin, ragga la
shaqeeya waxaa loo sameeyey WEBPAGE howshooda wax weeye borbogaandka dowlada
inay fuliyaan iyo/ isla mar ahaantaan inay ka shifaan shakhsiyaadka laf dhabarta
u ah halganka shacabku ku jiro.
Tan kale ee xoogga la saaray waa qabyaalad
qaawan; ragga madaxda inay ku qayliyaan qabyaalada oo yiraahdaan reer hebel oo
halkaas degan iyo reer hebel oo halkaas degan wey iska celiyeen jabhadii.
Siyaasadii iyo ciidamadii markii ay guulaysan weyday ayaa reerihii lagu
khasbayaa in ay masuul ka noqdaan deegaankooda haddii kale in iyaka deegaan
ahaan ay masuul ka yihiin khasaaraha halkaas ka yimaada.
Soomaaliya ma ku aragteen qabyaaladaas
qaawan? Wali ma fahantahay istiraajiyada dagaalka ee ka socda Xamar? Hadaadan
fahmin sida Xamar loo xarxariiqay sideed u aragtaa in Dayniile seddex casho ka
badan ay ciidamada Itoobiyaanka kor fadhiyeen si ay u godoomiyaan? Maxayse
ogolaadeen reer Dayniile inay fuliyaan si aan loo xasuuqin? Ma garanaysaa
sababta madiina aan loo duqayn ama ugu yar tahay? Dowladnimada Soomaaliya qabiil
ma ku salaysan tahay? Itoobiya qabiil ma laga isticmaalaa? Madaxda Soomaaliyed
meel walba ha joogeene qabyaalad ma ku ceesheen?
Kol hadaad fahantahay Soomaaleey qormadayda
oon idin ku lifaaqay dhacdo gaagaaban oo run ah maxaad aragtaa oo kuu bidhaamay?
Mar hadii ay Qabyaaladu noqon karto baasiin
hurin kara burbur deedna waxaad u baahan tahay in lagugu saacideeyo adigaa jira
leef waxaad leefi karto.
Qabyaaladu kuma tusi karto dhibka iyo
rafaadka ay reeruhu ku jiraan waxaa kuu muuqda malo awaalka madaxnimada. Waxaa
intaa kuu dheer isticmaalka magaca Soomaaliyeed.
Maxaa kaa galay marka adiga gurigaagu yahay
kan shidan raashin, gawaari, dadka saboolnimo beerka dhulka ugu hayaan, markaad
kacdaba uu cabdi bille xiimahayo.
Kala gurka dooda
Anigoo salka qoraalkaygu uu ahaa Soomalida
degta Ogaadenya iyo dhibaatooyinka loo gaystay shacabka ayaan waxaan ku dhex
fasiray qaab maamuleedka ka socda dhulka Soomaaliyeed in laga soo min guuriyey
kan Ogaadeenya.
Soomaliya hul qurmuun ayey ku dhacday waxaa
ka rajo fiican Soomaalida degta Ogaadeenya. Waxaa is hirdinaya kala doorshada
Soomaalinimada iyo qabyaalada, saaxiibtinimada iyo calooda Itoobiya, falsafada
xagirnimada iyo islaamnimada, qaybsanaanta iyo wadojirka.
Dhiig kasta oo daata himiladu shacabku waa
nabada iyo dowladnimo laakin darbi gaaban oo qabyaalada ah ayaa lagu gudbay mana
ah mid ay Itoobiya kaliya wadato ee waa mid dunidu nagu dhowranyso. Waxay ku
taageeraan inay soo eegaan wixii ay gaysteen waxay tilmaamaan baro kaca iyo
dhibka kolba waxay soo saran istaatiskada iyo tirade inta baro kacday, waxay
sheegaan inay ka xun yihiin tacdiga shacabka loo gaystay. Maamulkii waxay ku
wareejiyeen NGO ilaa kii la shaqeenayey ay u magaacbeen kan maamuli Soomaaliya.
Aloow na bixi sharka uu soo wado CADE. Aamiin
Innagu ma is naqaan (Soomaaliyeey)
SoomaaliLand maxay u dalbtay inay wariyaashii Xamr ka soo cararay inay ku
yirrahdaan naga baxa? Walise ma dhiibeen?
Maxamed Jaamac
mohjama1@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 07, 2007


|