BARBAARINTA UBADKA
BAR XUQUUQDA WAALIDKA
قَالَ اللهُ تَعَالَى:
{وَقَضَى
رَبُّكَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا إِمَّا
يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاَهُمَا فَلاَ تَقُل لَّهُمَآ
أُفٍّ وَلاَ تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلاً كَرِيمًا 23 وَاخْفِضْ لَهُمَا
جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي
صَغِيرًا}
{سورة الإسراء:23-24}.
(Rabbigaa wuxuu go'aamiyay in aydnaan cid
aan isaga ahayn caabbudin, labada waalidna u sama-fashaan, haddii midkood ama
labadooduba agtaada ku gaboobaan, haku oran ereyo xurmo darro ah, hana hariifin,
waxadna ku tiraahdaa hadal xurmo iyo cisayn leh. Uguna raarici
"labadaada waalid" garabka nuglaanta si naxariis leh, waxaadna
dhahdaa: Rabbiyoow ugu naxariiso siday markaan yaraa iisoo koriyeen)
(Al-Israa': 23-24).
Waxyaabaha ugu mudan ee barbaariyuhu inuu ubadka
baro looga baahan yahay waxa weeye xuquuqda ay labadiisa waalid ku leeyihiin, si
uu baarri ugu noqdo, warkooda u maqlo, ugu sama falo, ugu adeego, kolkay
gaboobaan u daryeelo, codkiisa aanu codkooda ka kormarin, markay dhintaan keddib
usoo duceeyo, iwm., oo xuquuq waajib ah iyo edeb waalidnimo oo lama huraan ah.
Bal aynu dardaarankii Suubbanuhu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) uu ummaddiisa kula dardaarmay, kuna saabsanaa baarri u
noqoshada waalidka wax ka taabanno. barbaariyaha iyo waalidku waa inay carruurtu
intay yaryihiin dardaarankaas baraan say dusha uga qaybaan, talooyinka la
socdana u raacaan.
Raallinimada Alle raallinimadooday ku jirtaa.
- Cabdullaahi ibnu Camr
ibnul-Caas (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka
weriyay: (Raallinimada Alle waxay ku jirtaa
raallinimada waalidka, carada Allena waxay ku jirtaa carada waalidka).
Abuu-Hurayra (RC)
wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay:
(Ubad abaalka waalidkiis ma gudi karo in isagoo addoon la
leeyahay ah intuu arko uu iibsado dabadeedna xoreeyo mooyee).
U baarri
noqoshadooda ayaa ka horraysa Jihaadka.
- Cabdullaahi ibnu Mascuud
(RC) waxa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ayaan weydiiyay shaqa la qabto tee Alle ugu jecelyahay?. Wuxu yiri: (Salaadda
oo waqtigeeda la tukado). Wuxuu yiri: Maxaa xiga?. Wuxuu yiri: (Labada
waalid oo baarri loo noqdo). Wuxuu yiri: Maxaa xiga?. Wuxuu yiri:
(Jidka Alle oo lagu jihaado).
- Mucaawiye ibnu Jaahima
Al-Sulami (RC) waxaa laga weriyay: Jaahima (RC) ayaa Nabiga
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u tegay kuna yiri: Rasuul Alloow waxan
doonayaa inaan duullaan galo, waxanan kuugu imid inaan kula tashado. Wuxu ku
yiri: (Hooyo ma leedahay?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri:
(La joog iyada, Jannadu labadeeda lugood ayay ku ag taalle).
- Cabdullaahi ibnu Camr
ibnul-Caas (RC) wuxuu yiri: Nin baa intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) u yimid, ku yiri: waxaan Axdi kugula gelayaa inaan haajiro oon
jihaado anigoo ajar Alle uga doonaya. Wuxuu (Nabigu) yiri: (Labadaadii waalid
mid ma ka noolyahay?). Wuxuu yiri: Labadoodii ayaaba wada nool. Wuxuu
(Nabigu) yiri: (Mana ajar baad Alle ka doonaysaa?). Wuxuu yiri: Haa.
Wuxuu yiri: (Labadaada waalid u laabo oo iyaga wanaag
kula joog).
Werin kale waxay leedahay:
(Laba waalid ma leedahay?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri:
(Iyaga ku jihaad).
Isla Cabdullaahi ibnu Camr
ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: (Nin baa Nabiga (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) u yimid, kuna yiri: Waxaan u imid in aan Jihaad Axdi
kugula galo, waxanan kasoo tegay labadaydii waalid oo ooyaya. Wuxuu
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Noqo oo
sidaad uga oohisay uga qosli).
Usoo
ducee, saaxiibbadoodna soo dhowee:
Waxa taladaas laga tixraacayaa
Aayadda Qur'aanka ah:
{وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ
ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا}
{سورة الإسراء: 24}.
(Ugu raarici
"labadaada waalid" garabka nuglaanta si naxariis leh, waxaadna dhahdaa:
Rabbiyoow labadooda ugu naxariiso siday markaan yaraa iisoo koriyeen)
(Al-Israa': 24).
- Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay:
Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Allaha sarreeyaa
addoonka suubban Jannada dhexdeeda darajo ayuu kor u qaadaa, markaas buu
yiraahdaa: Alloow tanna xaggeen ka helay?. Wuxu yiraahdaa: Ubadkaagii
dembi dhaaf uu kuu weydiiiyay "baad ku heshay").
- Cabdullaahi ibnu Cumar ibnul-Khadhaab (RC)
wuxuu tusaale wanaagsan inoogu yahay wiil wanaagsan oo baarri ah, Cabdullaahi
ibnu Diinaar baana qisadiisa ka sheekaynaya isagoo leh: Cabdullaahi ibnu Cumar
oo Makka kusii jeeda ayaa waxay waddada isku heeleen nin. Ninkii buu markaas
dameerkiisii ku qaaday, cimaamad madaxa ugu duubnaydna wuu siiyay. Ibnu Diinaar
wuxuu yiri: Markaas baynu niri: Alle ha ku hagaajiyee, waa dad reer baadiyaa,
waxyar bayna raalli ku noqdaan. Cabdullaahi wuxuu yiri: Ninkaan aabbihiis baa
aabbahay Cumar ibnul-Khadhaab saaxiib la ahaa, waxaanan maqlay Rasuulka
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo leh:
(Baarinnimo ta ugu baarrisani waa in ninku
saaxiibbada aabbihiis reerohooda xiriiriyo).
Hadday Gaalo yihiin
xariiri:
- Asmaa' bintu
Abii-bakar (RC) waxa laga weriyay: (Hooyaday oo dan iigu socota ayaa
waqtigii Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyadoon weli islaamin ii
timid. Markaas baan Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inan
xiriiriyo iyo in kale weydiiyay. Wuxuu yiri:
(Haa, hooyadaa xariiri).
Baarrinimada Hooyadaa
ka horraysa ta Aabbaha:
- Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Nin
baa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, kuna yiri: Rasuul
Alloow dad yaa in aan wanaajiyo ugu xaq leh?. Wuxu yiri: (Hooyadaa). Wuxu
yiri: Keddibna?. Wuxu yiri: (Hooyadaa). Wuxu yiri: Keddibna?. Wuxuu yiri:
(Hooyadaa). Wuxu yiri: Keddibna?. Wuxu yiri:
(Aabbahaa).
Werin kale waxay tiri:
(Hooyadaa, keddibna hooyadaa, keddibna hooyadaa, keddibna aabbahaa, keddibna
kan kuu xiga, kan kaasii xiga).
- Caa'isha
(RC) waxa laga weriyay: Waxaan iri: Rasuul Alloow naagta yaa dad ugu xaq
badan?. Wuxuu yiri: (Ninkeeda). Waxaan iri: Ninka yaa dad ugu xaq badan?.
Wuxuu yiri: (Hooyadiis).
Diinta Islaamku laba sababood dartood bay
baarrinimada hooyada tan aabbaha uga hormarisay:
- Hooyadu waxay dhallaanka kasoo martay dhibaato
ka badan tan aabbuhu kasoo maray maadaama ay sagaal bilood caloosha ku sidday.
Waxa weliba intaas u dheer; dhaliddiisii, nuujintiisii, daryeelkiisii iyo
barbaarintiisii. Waxa taas si saraaxad leh uga hadashay Aayaddan:
{وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ
وَهْنًا عَلَى وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ
إِلَيَّ الْمَصِيرُ}
{سورة لقمان: 14}.
(Aadanaha waxaynu kala dardaarannay
labadiisa waalid "inuu baarri u noqdo", hooyadiis
tabaryari tabaryari ladul saaray bay ku qaadday, naas ka gooyntiisuna laba sano
ayay qaadatay, igu mahadi labadaada waalidna ku mahadi, xaggayga "aniga
Eebbaa" ayaana ugu dambaysta loosoo noqonayaa) (Luqmaan: 14).
- Hooyada wuxuu
Eebbe ku beeray naxariis iyo turid dheeraad ah, iyadoo ilmaha aabbaha ka
daryeeli og. Haddaba waxa laga yaabaa inuu iska sahashado xaqa hooyadiis ku
leedahay, markuu arko sida ay ugu naxariisanayso, uguna turayso. Sidaas darteed
bay shareecada Islaamku ubadka kula dardaarantay inuu hooyada u roonaado, si
aanu xaqeeda u sahlan, u baarri noqoshadeeda iyo daryeelkeedana u fududaysan.
Hooyada naxariisteeda waxa aad ka garan kartaa in
ubadku si kastuu caaq u yahay, ugu jeesjeeso, ugana jeesto, waxaas oo dhan way
iska illoowdaa marka uu jirrado amay dhibaato ku dhacdo.
Asluubta baarrinimada
labada Waalid:
Barbaariyaha waxa waajib ku ah inuu ubadka baro
asluubtii ay waalidkood kula dhaqmi lahaayeen, waxayna u habaysan tahay sidatan:
In aanay hortooda socon, in aanay magacyadooda ugu yeerin, in aanay kahor
fariisan, in aanay waanadooda dhibsan, raashin ay eegayaan in aanay cunin, in
aanay meel ka sarraysa korin, in aanay amarkooda diidin, iwm.
Axadiithta Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ee in labada waalid baarri loo noqdo dadka ku tirtirsiinaysa
waxaa kamid ah:
- Waxaa la weriyay: Nin baa Abud-Dardaa' (RC)
u yimid, kuna yiri: (Aabbahay isagaa markii hore khasab iigu guuriyay, haddana
wuxuu igu amray inaan iska furo). "Abud-Dardaa'" wuxu yiri: (Anigu ku dhihi
maayo labadaada waalid ku caasi, kumana dhahayo xaaskaaga fur, balse haddaad
doonto waxan kuu sheegayaa wixii aan Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ka maqlay. Waxaan maqlay isagoo dhahaya: (Waalidku waa
albaabada Jannada kan u dhexeeya ee albaabkaas ilaasho haddaad doontana iska
daa). Wuxu yiri: (Ninkii xaaskii wuu iska furay).
- Ibnu Cumra (RC) waxaa laga weriyay inuu
yiri: Waxaan qabay naag aan jeclaa, Cumar baase necbaa. Wuxuu igu yiri: Iska
fur, ha yeeshee waan diiday. Cumar (RC) intuu Rasuulka (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) u tegay buu u sheegay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) wuxuu markaas igu yiri:
(Aabbahaa warkiisa maqal).
Wararkii dadkii horee suubbanaa haddaynu xoogaa
idiinka tebinno:
- Waxa la weriyay: Abuu-Hurayra (RC) ayaa
nin uu aabbihiis daba socdo ka daba yimid. Markaas buu weydiiyay: (Waa ayo
ninkaan ku daba socdaa). Wuxuu yiri: Waa aabbahay. Wuxuu yiri: (Xaqii waad
geftay sunnadiina ma aadan haleelin. Aabbahaa ha hor socon ee ama midigtiisa
soco ama gadaashiisa soco, cidi yaanay idin kala dhex gelin, cad uu fiiriyayna
ha qaadan waa intaasoo uu rabooday eh. Aabbahaa il qoonsi leh ha ku eegin, ha
fariisan jeer uu fariisto, hana seexan jeer uu seexdo).
- Abuu-Ghassaan Ad-Dabi wuxuu yiri: Maalin anigoo
aabbahay la socda baa waxa igu soo baxay Abuu-Hurayra (RC). Wuxuu
iweydiiyay: Waa kuma kani?. Waxan iri: Aabbahay. Markaas buu yiri: (Aabbahaa ha
hor socon ee ama daba soco ama dhinac soco, cidna ha u oggolaan inuu idin kala
dhex galo "marka aad fadhidaan ama socotaan", meel isaga ka sarraysana haku
socon, laf uu aabbahaa fiiriyayna ha cunin waxa laga yaabaa inuu rabooday eh).
Caasinnimo laga digo:
Caasinnimo micneheedu waxa weeye warka waalidka oo
la diido iyo xuquuqda uu leeyahay oo la gudan waayo. Caasinnimada waxa kamida:
- Kolkuu xanaaqo inuu waalidkiis il kulul ku eego.
- Inuu isu arko inu waalidkiis la
siman yahay.
- Inuu iska weynaysiiyo
dhunkashada gacanta waalidkiis iyo inuusan si ixtiraam iyo qaddarin leh ugu
istaagin.
- Inuu isla weyni darteed ka
xishoodo in waalidkiis lagu garto, gaar ahaan markuu qof boos sare bulshada uga
jira yahay.
- Inuu labadiisa waalid oo faqiir
ah quudin waayo.
- Inuu waalidkiis ka san taago,
dhibsado, ku qayliyo, hadal xun yiraahdo, sharaf darri iyo wax dadnimadooda wax
u dhimayana usoo jiido.
- Abuu-Bakrata, Nufayc
ibnul-Xaarith (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Rasuulku
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (War hooya ma idiin sheegaa
dembiyada waaweyn kuwa ugu waaweyn) "saddex jeer". Waxaan niri: Haa Rasuul
Alloow. Wuxuu yiri: (Eebboo shirko loo sameeyo "wax kale lala caabbudo",
waalidkoo lagu caasiyo), xusulkuu cuskanaaye wuu soo fariistay, markaas buu
yiri: (War hooya hadalka been abuurka ah iyo markhaati beenaadka),
wuxuuna ku celcelinayay ilaa aan is dhahnay mar uun muu aamuso).
- Aanas ibnu Maalik (RC)
waxa laga weriyay: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa soo
hadal qaaday ama wax laga weydiiyay dembiyada waaweyn, wuxuna yiri:
(Eebbe oo shirko loo sameeyo, labada waalid oo caasi lagu noqdo, naf la gooyo
iyo markhaati beenaad la furo).
- Cabdullaahi ibnu Camr
ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dembiyada waaweyn waxaa kamid ah ninka oo
labadiisa waalid caaya). Waxa la yiri: Rasuul Alloow ma nin baa labadiisa
waalid caayaya?. Wuxuu yiri: (Haa, ninku wuxuu caayaa
ninka kale aabbihiis, markaas buu isna aabbihiis caayaa, wuxuu caayaa hooyadiis
markaas buu isna hooyadiis caayaa).
- Waxa kaloo laga weriyay:
Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri:
(Dembiyada ugu waaweyni waa Alloo shirko loo sameeyo, labada
waalid oo lagu caasiyo, naf la gooyo iyo dhaar quudsiiso).
Quudsiiso waxa loogu bixiyay
qofka ayaa ulakac been ugu dhaaranaya markaas bay dembi quudsiinaysaa.
- Abuu-Hurayra (RC)
waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri:
(Waxa sandulloobay oo sandulloobay oo sandulloobay
qofkii labadiisa waalid, labadooda ama midkood gaboow ku gaara keddibna aan
Janno gelin).
- Waxa kaloo laga weriyay:
Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri:
(Saddex baryo shaki ma laha oo waa la aqbalayaa; ducada qofka dulman, ducada
musaafurka iyo habaarka labada waalid ay ubadkooda habaaraan).
- Mughiira ibnu Shucba
(RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
wuxuu yiri: (Eebbe wuxu idinka xarrimay hooyoooyin ku caasin, "wixii
lagugu leeyahay" diid iyo "wax aadan lahayn"
doon, gabdho nolol ku duug, wuxuna idinla nacay kutiri kuteen, weydiisasho badni
iyo maal ku ciyaarid).
Arrimihii aynu soo sheegnay
haddaynu qodobbo kala soo dhex baxno laga doonayo barbaariyuhu inuu ubadka baro
kuna boorriyo, waxay noqonayaan sidatan:
1-
Hooyada
iyo aabbuhu in wax kasta ooy ubadkooda faraan u ka yeelo, waxaan dembi Alle laga
galo ka ahayn.
2-
Si
naxariis iyo edeb leh inuu ula hadlo
3-
Markay soo galaan inuu u
istaago.
4-
Gacanta inuu ka dhunkado
subax iyo galab iyo mararka ay munaasabaduhu jiraan sida ciidaha oo kale.
5-
Sumcaddooda, maalkooda
iyo sharaftooda inuu dhawro.
6-
Inuu sharfo, wax kasta
ooy dalbadaanna uu siiyo.
7-
Arrin
kasta inuu kala tashado.
8-
U
ducayntooda iyo u dembi dhaafid dalabkooda inuu badiyo.
9-
Haddii ay
martiyi u joogto intuu irridka ag fariisto, halkay eegayaanna isha ku haayo, waa
intaas ooy si qarsoodi ah wax u doonayaane.
10-
Wixii ka
farxinaya inuu sameeyo iyagoon xitaa weydiisan ama amar ku bixin.
11-
Hortooda
in aanu codka sare ugu qaadin.
12-
Markay
hadlayaan in aanu warka ka dhex gelin.
13-
Guriga in
aanu ka bixin haddaanay u idmin.
14-
Kolkay
hurdaan in aanu ku buuqin oo hurdada ka qasin.
15-
Xaaskiisa iyo
carruurtiisa in aanu ka hormarin.
16-
Hadday sameeyaan wax aanu
u bogin in aanu eedayn.
17-
Meel ay joogaan in aanu
ku qoslin, haddaanay qosolkaas wax keeni karaa jirin.
18-
Dhinaca iyaga xiga in
aanu raashinka ka cunin.
19-
Gacanta in aanu raashinka
hortood u taagan.
20-
Iyagoo fadhiya in aanu
seexan inay u idmaan mooyee.
21-
Labada
lugood in aanu hortooda ku fidsan.
22-
Meel la gelayo in aanu
hortood gelin, ama aanu hor socon.
23-
Hadday u yeeraan inuu
degdeg uga yeelo.
24-
Saaxiibbadood inuu soo
dhoweeyo intay noolyihiin iyo keddib geeridooda labadaba.
25-
Qof aan waalidkiis baarri
u ahayn in aanu la saaxiibin.
26-
Ducada inuu u badiyo gaar
ahaan geeridooda keddib, maxaa yeelay way ka faa'iideysanayaan. Waa inuu badiyo
dhihidda: (Alloow siday anigoo yar ii barbaariyeen ugu naxariiso)
Qore: Sabriye Musse |
moqokori@gmail.com
__________________________________________
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 07, 2007


|