DHALINYARDA IYO DOWRKOODA DALKA
wadan waliba waxaa dhiso dadkiisa gaar ahaan
dhalinyarada ayaa dawr weyn ka ciyaarto muujinta bilicda
dalkooda hadey ahaan laheed dhinaca waxbarasha ama
dhinac kasta ee hormarineed
SYL IYO DHALINYARADA MAANTA
sooyaalka taariikeed ee wadankeena somalia hadaad dib u
raacdid waxaad ogaaneysaa
in sacabku ahaa mid aad ugu kalsoon ama rajo weyn ka
qabay dhalinyarada waagaas
SYL waxey garbaha is qabsaden waqti uu u baahnaa wadanka
samata bixin dag dag ah
iyagoo hadafkooda 1aad uu ahaa in dhalinyarada
mustaqbalka ey wado ku dayasho mudan u xaaraan iyadoo
aanu wada ogsoonahay horumarka eey inoo horseedeen
balse ey muuqato in dhalinyarada maanta jirtyaayi aad
moodid in ey sanba aheyn dhalinyardii ey SYL u soo
halgantay ama ey rabeen in ey halgankooda sii wadaan
hadaad daba gal ku sameysid dhalinyarada somaliyed ee
maanta joogto ama aad la sheekeysatid qaar ka mida
waxaad dareemeysaa in eysan wax xanuun ah ama dareyn
eysan ku heynin marxaladda cakiran ee dalka uu marayo
,ama ey qaar kood aamineen in oday dhaqameed ama
hogaamiye kooxeed maahane eysan wax door ah ku laheyn
dhalinyarada dib u dhiska iyo dib u walaalenta qaranka
somaliyed.
arintan heysata dhalinyarada somaliyed ayaa waxaad
dareemeysaa marka aad dhaba gal ku sameysid wadamada
nidaamka dawliga ah uu kajiro dhalinyradooda sida ey
isugu xiranyihiin ama wazaaradaha dhalinyarada dawrka ey
ku leeyihhin.
DAWRKA URURADA DHALINYARADA
waxaa soo ifbaxay waayadan danbe dhalinyaro wax xoogaa
dareen ah iska dareemay dhalinyaradaas oo dhisay ururo
ey ku mideysanyihiin ururadaas in kasto oo wax
qabadkooda uu yar yahay iyada oo ey sababta tahay xagga
dhaqaalaha .
hadana ururo badan ayaa ka jiro gobolada somaliya
in kasta oo ey ku guuldareesteen ama awoodi waayen xitaa
in ey sameystaan dalad mideysa ama is dhaxgalka
dhalinyarada gobalada,ama ey hubka ka dhigaan
dhalinyarada, hadeysan awoodine ey isku dayaan kuwa ey
heebyaqaanaan in ey ka dhigaan qoriga qalinkana u
dhiibaan si uu uga baxo jahliga.
balse aad arkeyso in ey xoogga saareen sida ey ula
xariiri lahaayeen hey'adaha samafalka si ey wax xoogaa
sahlo arimahooda uga helaan
RAJO IN TEE LA EG AYEY KA QABAAN IN EY HOGAAMIYAAN
QARANKA
su'ashani jawaabteedi waa mid aad u culus marki si loo
eego hadana fudud marki si kale loo eego hogaaminta ama
jagada ugu sareysa ee qaranka somaliyed yeelan doono
mustaqbla ayaa ah mushkilada keentay in
malaayin somaliyed dhulka ka hoosmaraan qaarna ka qaxaan
dhulkooda hooyo marka
aad arinkaas eegtid waxaad yara dareemeysaa in aanan si
sahlan loo hanan kareyn.
hadii aan si kale u dhigno maanta qaranka somaliyed waxa
uu sugayo waa dhalinyarada somaliyed gaar ahaan kuwa wax
bartay inta dagaalka sokeye socday waayo waxaa la gaaray
waqtigi uu qalinka shaqeyn lahaa qorigana la dhigi
lahaa
waxa inta badan dhalinyarada niyada ka dilayo ama eey
uga gabanayaan dawrkooda dalka waxaa u sabab ah ayaga
oo aaminsan (HOOBIYE NIN HEESTAA WAX HOGAANSHO) waana
arin ey shacabka dhamaan wada aamin samyihiin
SIDEE LOO WACYI GALIN KARAA DHALINYARADA?.
dhalinyarada somaliyed ee maanta badankooda waxaa lagu
tilmaami karaa in ey suuxsanyihhin ama eysanba la socon
dawrka looga baahanyahay
waxaadna arkeysaa dhalinyaro waqtigooda ku luminaya
daawashasada ciyaaraha noocyadooda kala gadisan ama ka
sheekeynta kooxaha .
dhalinyaro kale ayaa jirta kuwaas oo xoogga saaray sida
ey shahaado jaamacadeed gacanta ugu dhigi lahaayeen
kuwaas ayaa dhaamo wax badan kuwa waqtigooda ku lumiyo
faa'ido darada
dhalinyarada wax barata ayaa ah kuwa maanta shacabka uu
ku tashanayo ama ah hogaamiyayaasha mustaqbalka
somaliya waxa ey u baahnatahay maanta dhalinyaro qalbi
saafi ah,wadan jaceyl,qabil la dagaalan,iyo diin jaceyl
uu ku abuuranyahay qalbigooda
waxaana haboon si loo waci galiyo dhalnyarada somaliyed
in marka hore lagala dagaalamo qabiil si xun u adeesiga
ey aaminneen qaar kood .
waana in si loo wacyi galiyo dhalinyarada ey
WEBSITE-yada ama idaacadaha eey sameeyaan barnaamijyo ku
saabsan doorka dhalinyarada ey ku leeyihhin dalka
waxaana allaah ka baryeynaa in dhalinyarada somaliyed uu
dareensiiyo tusana sida dhalinyarada dunida ey uga dhax
muuqdaan shacabkooda dawrkoodana ey ka qaataan dib u
midenynta shacabka gaar ahaan sidi ey isugu keeni
lahaayeen dhalinyarada kala firidhay .
By:
HASSAN ISAM'IL (HASSAN NUUR)
CHAIR ,SOMALI COMMUNITY CENTER
SEATTLE,WASHINGTON
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 07, 2007
|