SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma dhurwaa i haystaan ku bedeli dhurwaa kale, (Maqaal ku saabsan Nuur Cade)

Ma dhurwaa I haystaan
Ku bedeli dhurwaa kale!?

Mise aniga dhiil xoor

Igamaba dhamaadee

Marka dhahar la waayaba

Dhiqlaa soo bedeli jiray!

 

Aniga oo aan qalinka u holan in aan wax badan ka sheego, xaalada murugsan ee uu ku suganyahay wadanka Soomaaliya mudo haatan laga jooga rubuc qarni, oo marka laga hadlayo dhibta xiliga ay bilaabantay qof waliba uu ka bilaabo xiligii isaga ay taabatay, balse ka indho qarsanayo xaqiiqda jirta, tusaale waxay ku bilaabantay dhibtu gobolada waqooyi Somalia waxay ahayd horaantii sidee tamaadkii, weliba aan si gaar ah u tilmaamo 1988 xiligaas oo ahaa wakhti dadka ku sugnaa goboladaas ay kala kulmeen dawladii xiligaas jirtay tacadi iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo si aan lookala aabo yeelin loogu fuliyay, isla sanadkii 1989 waxa ka dhacay magaalada Muqdisho xasuuq loogu magacdaray (Xasuuqii Jazeera) kaas oo lagu dilay 53 qof oo rayid ah oo loo laayay hayb ay ka tirsan yihiin dadkaasi oo isugu jiray arday iyo ganacsato, isku soo wada duuboo dabku waa wada gaaray dalka iyada oo ay ku kala gedisnaayeen markii hore dad dawladii markaas jirtay dhib gaarsiisay iyo dad iyagu dagaal qabali ahi uu dhex maray, laakiin wakhtigan xaadirka ah dawlada maanta ka jirta Somalia waxay xasuuq ba'an ku haysaa dadkeeda oo ay u adeegsanayso quwado shisheeya oo ay hormuud u tahay dawlada Itoobiya oo cadaawad soo jireen ahi ay ka dhexeysay iyaga iyo dadka Soomaalida.

Wakhtigan xaadirka waxa goor dhawayd la magaacaabay xukuumad cusub oo uu hormuud u yahay Ra”iisul wasaare Nuur Xassan (Nuur Cade).

 

hadaba iyada oo si shakhsi ah loo faalaynayo Shakhsiyada Nuur Cade waxa lagu tilmaamaa inuu yahay nin qunyar socod ah isla markaas aan ku dhex milmin dagaaladii qabaliga ahaa ee ka dhex alloosnaa dadka Soomaalida, iyada oo sidaas tahay maxaa ku kelifay in uu hada qaato jagada noocan ah, mase u madax banaan yahay hawlihiisa maamul?.

 

Jawaabtu waa maya waana in uu markasta raali gelin buuxda siiyaa dawlada Itoobiya, kuna shaqeeyaa rabitaanka dawlada Itoobiya, hadaba mar hadii uu Nuur Cade galay xukuumadii waa inuu dawlada Itoobiya ku qanciyaa in aan wax dhibaato ahi kaga imanayn dhanka Somalia isaguna uu damaanad qaado, heshiis buuxana la galaa kooxaha ka soo horjeeda,

 

Hadii kale waxay noqonaysaa halbacaad lagu dhiijay.

 

Aan maqaal kaygan ku soo xiro,

 

Maansadii DHAYALSI oo aan soo koobay kana cudur daaranayo in aanan sidii ay isugu xigtay usoo gudbin,ee uu tiriyay marxuum AXMED GENIUS eebe naxariistii jano Allaah haka waraabiyee soona baxday August 1984

 

Anigaasa dhaayaha

Kaga dhereg lahaa qurux

Dhaadatoo xusuuslehe

Waa dharaare ila soco

Hadba dhamal hadhweyn iyo

Halkaan dhinaca saaraa

Waa dhufayse ila qodo

Taasi waxay ka dhigantahay

Waa habeeno dhiiladu

Ka dhexaysa aadmigu

Dhulkayaga u hoyatoo

Dhiitacabka leebkiyo

Dhuunta qorigu way wehel

Dhanka kalena maansada

Bal inay dhimbiiloow

Halka looga soo dhacay

Soomaali dhugataan

Dhayalsiga udiidoo

Dhaliisheeda hoosiyo

Dhaawaceeda halista ah

Farta ugu dhaweeyoo

Dhiiri gelinta heesaha

Dhawaaqa ugu baahshee

Intay dhestu dihintahay

Dhegaha i amaanee

Taasi waa madhaqatada

Taasi waa madheregtada

Taasi waa ma dhugatada

Ii dherersan meeshee

Ka dhaqaaji leeyahay

Goormaa la dhuuxaa

Hadal dhaayo leeyahay

Goormaa nin dhiidhiyay

Dhagar qabe la doodaa

Goormaa la dhuutnaa

Goormaa la dhaqanyahay

Goormaa la dhaafaa

Laga dhego adaygaa

Oo ay dhunkaal iyo

Xabad dhacaysa noqotaa

Goormaa dhibaatada

Dheef lagu xasuustaa

Waa habeeno dhiiladu

Ka dhexaysa aadmigu

Dhulkayga u hoyatoo

Dharaaraa na soo maray

Shantoo dhaban la saariyo

Ku ekayn dhibaatadu

Inta dhagar la geystiyo

Waxa dhacay ma maqasheen

Waa dharaaro yaabliyo,
Dhacdo waayaheedaba,
Nin kastoo dhegaystaa,
Dhabannada la haystee,
dhawdhawda yaa yidhi

Uma dhicin caduur weli

Dheglay baan su'aaloo

Waxaan idhi dhanaankiyo

Dhay midaydin haysaan

Waxay tidhi dhib mooyee

Dheef malaha xooluhu

Dahqashana cidla u degay

Mooyi dhaystii xoolaha

Wax dhufsaday ayaamahan

Gugan neefafkii dhalay

Iba dhiiqa loo diid

Laga waa dhananaankiyo

Caanihii la dhami jiray

Dhiilkayagu ma buuxsamo

Hadii tooda dhicisiyo

Dhami laysku soo daro

Intay dhibibidee hore

Intay dhididay ee kale

Intay dhaqan xumaatiyo

Intay dhacan maandeeq

Midna kuma dhadhabayee

Yay dhaliili doonaan

Haday dhacanto maantana

Ma dhurwaa I haystaan

Ku bedeli dhurwaa kale!?

Mise aniga dhiil xoor

Igamaba dhamaadee

Marka dhahar la waayaba

Dhiqlaa soo bedeli jiray!

Soo dhawaa iloowshuhu

Ma anigaa dhuglaawe ah

Aaway dhaayaheenii

Inta dhaawac een qabo

Midna aniga oon dhayin

Miyaan hadal ku dhaafaa!?.

 

Muraad Mooge Cabdi

Gundhig@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |Nairobi Kenya | Dec 05, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com