SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab celin Qoraalkii C/Qani Daahir ...

Cabduqani, midda aad ku sheegtay in maqaalka lagu wareerayo, waa mid adiga keli kugu kooban aana cid kula qabin mana xukuntid fekradaha bulshada.Marnaba isuma khaldin Ururka Islaamiga ah ee Al-islax iyo Ururka Sharwade, marka waxaan kaa codsana yuusan kaa hoos bixin qorraalka sida uu yahay ee sii fiican u akhri markaa ayaad garan ujjeedadda. 

Anna haddaan dulmaro horumarka aad ka hadashay iyo wax yaabihii uu dalka ka qabtay intuu dowlad la'aanta ahaa.Cajiib. 

1 :Oo maa horumarkaa maa shacabko ayaad gaarsiisen mise shacab gaar idiin ah? oo wax qabadkiina wuxu ku kooban yahay miyaa dalka halka aad oga doorateen inaad ka howlgashaan oo maa shacabkaas unba    dowlad la'aan ahaa mise Soomaaliyo dhan meel walbaba ay jogaan. 

2: Aniga ma arag in al-islax, ay yihiin kuwa ugu iskuulada badan ee Soomaaliya balse waa aan u jeeday dalka gudahiisa iskuuladii ay dhistay  dowladii militeriga ahaa aad ka howlgashaa. 

3: xaashaa lilaahiye oo tana miyaad u dhigateen dhanka caafimaadka, tana waa dhismahii dowlada aan kor kusoo xusay marka marba haduu yahay dhismaha qaranka miyaa urur gaar ah sheegan karayaa waaba tii shacabka wada lahaa ha noqoto maalgalinta dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka intaba waa wadda canshuurtii shacabka qaarna waa kuwii gumestaha ka tagay dowladii meleterigana  wada  balaariyay. 

4: Waxaan ka xumahay qodobkaaga affaraad aad sheegtay in aad sii toos ugula hadashaan dowladaha  deriska,  markaan akhriyay meelba i lulatay, waayo anagoo somali ah qaran leh ayaan wada tashi ugu aadaynaa miyaa dowlado neceeb inoo leh oo ururku waxaba ma dhaamee oday Cabdulaahi Yuusuf, oo wada tashi u aado asaga iyo xirtiisa Addis Abeba, oo aniga al-islax, waxaan ku ogaa inay wada tashi u aadi jireen Qaahira, ar maxaa inkaari inoogu dhacay. 

Sow waxaa aayo daro ah in aad tiraahid ciddii qori qaadan lagu sheego gaalo raac, fariid islaaxow, waxaa wax laga xumaado ah adigo qorigii garanka ku sita, aad nabadi ka hadashid taana waxaan u leeyahay haddiiba uu jiro cid ama qolo ka hadli karta nabadi iyo qoriga qaabdarada uu leeyahay waa aniga. 

Waxaan kasoo jeeda Qolada la yiraaho Asharaaf,  Qabaa'il ahaana ku midaysanahay  Banaadiri, taana waxay ku tusin inaan qoriga qaab darada aad garabka ugu sidataan aana kula midaysnayn. 

marka ma fillo inaad ka hadli kartid nabadi adigoo urur ahaan hubka sita adigo beel ahaana hubka sita dagaaladii ugu dambaysayna waadba iga xog-ogaal tahay halkaad xabadu ku rideen ama ku tuurteen, waad garan, midban kugu raacsanahay in shacabka aan sii loo aabo yeeleynin dhiiga looga daadsho una sabab ah wax dowlad sheegta iyo xabashida ay u kenen in gumeysi cusub la galsho shacabka.

waxa wax lagu qoslo ah inu kaso yeero in Qamar, ay tahay qof dadka diinta ka saarto cid kaa saarayna ma jiraan Qamar-na kama saarin Al-itxaat-na kaama saarin ee adigaa ku dhagan sidaa aadna fekeradaa raqiiska ah aad  amiin san tahay, midna haday shabaabtu maslaxad u yihiin iyo hadaysanba u ahayn u daa shacabka ayaga sheegi doonee. 

haddii uu islax boqol kun qof xabsiyada Masar, oga buuxo, maa aniga ka masuul ah ama ururkaad sida aayad qur'aan ah afka oga haysid (Itixaad)  aadban oga xumahay in dad urur diini ah xabsiyada la dhigo ayagoon waxba galabsan waana u damqan, balse anna aan ku xasuusiyo in xabsiyada Somaliya, ay buux dhaaf ku yihiin kumanaan qof aan waxba galabsan midda lagula dagaalahayana ama xarega u jiidayna uu yahay inay culumo yihiin ama taagere ama shacabka tuhun loo qaado,sow waxaan ku oran karaa in loo kala soocin urur hebel iyo urur hebel, waana iga talo.Maantadani islaxa, ku xiran xabsiyada Masar, way ka nasiib badan yihiin kuwaxabsiyada  Somaliya, ku xiran waayo waxaa ka mid ah Dumar iyo Caruuro. 

waa sax Jihaadku shoruudo iyo sababo ayuu u baahan yahay anigana  waan u hayaa sharuudo iyo sababo waayo waxaa nagu soo duulay dowlad aan cadaabo isu nahay ahna masiixi, Jihaadku wu banaan yahay umaba baahna sheekh hebel ayaa yiri waa mid furan la soco.Waxaan ku leeyahay ururada diiniga guud ahaan cid ay dacwad u qabaan ma jiraan cid ayna cadaabo u qabaana ma jiraan shabaab tuna la mid. 

waxaad dhowr jeer kusoo celcelisay inaad waxa qabateen, marka wax qabadkiina maa wuxu ku egyahay gobolo aad usoo soocden fool qabiil, waayo aniga dhowr jeer baan socdaal ku aaday SH/Hoose iyo Jubboyinka, xaalada Geddo aan aad ula socdo, ee idinkuma arag halkaad wax barasho aad safka hore kaga jirtaan iyo dhanka caafimaadka, soo dhul Soomaali ma ahan goboladaa aan xusay soo nabadi kama jirin, waxaan kale socdaal ku aaday Muqdisho, oo waan maqlaa un isbitaal hebel iwm, aad ka howlgashaan balse sidaan kor ku xusay waa hantiddii qaranka waxaana ka howlgala dhakhaatiirtii hore soo naas nuugay KACAANKII, oo haatan islax, ah sow meeye waxaad dhisteen iyo waxaad qalabayseen, soo adigiiba caana-boolbarkii  qasnaa lagugu barbaariyay calashaan kacaanka, yaanan ka fogaan hadalka oo xaafadaha oga badan ee caasimadana idiin kuma arag. 

Cabdiqaniyow, mucaaradka ku midaysan Isbahaysiga dib u xoraynta, dagaalka laga wada dalka gudahiisa waxay ugu yeeran HALGAN, runtiina waa la mid waa JIHAAD, halgankuna waa waajib ina saaran anago dhan aana dalkenu ku xoraysano xoriyada waa qaali waxaana lagu helaa xoriyad in laysaga saaro gumeysiga cusub, waxaan ku xasuusin in ururka al-islax, hadafkiisu ama hadafka loo dhisay  waxay ahayd in Masaaridu xoriyad la gaarsiiyo waana miduu aaminsanaa Xassan Al-BAANA, wuxuna ahaa gumeysi neceeb iyo gumeysi diid  balse nasiib daro islaxa, qarnigaan ay noqdayn gumeysi kakaal. 

waxaana la fajacay  markaad tiri xafiisyo dib u heshiisiin ayaan furnay, dee meeye gobolo badan ba u baahanee heshiis iyo nabadi, runtana maan arag xafiisyo la mid ah. Cabdiqaniyow, waxaad tiri mustaqbalka Soomaalida iin uu yahay Manhajka ururka islax, waxba kama qabo balse caalamka miyuu ka jira dal aad xukuntaan aanu anaguna niraahno aan ku dayano xukunka wanaagsan, xaqiiqada waxaan huba inuusan jirin tana waxaay la mid tahay aniga i raac haddadan ila jirin waxba ma tihin ama wax jira ma tihid, marka yaa seef-la-bood ah? aan ku xasuusiyo mustaqbalka dalka iyo dadka waxay  u taala shacabka Soomaaliyed, ciday xukunka u dhiiban doonan ee uma taalo islax, keliya runtana adinko meelahaa caaycaaya un baan idiin arkaa. 

Marka waxaan kaa codsanaaya in aadan mar dambe halkaan kaga soo daliilsan in Mustaqbalka Soomaalida in uu yahay MANHAJKA Ururka Islax. Fiiro gaarna u lahow inay dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku sugan yihiin Cullumo, Islaamka ku fidiyay Geeska Afrika, bad iyo duurba usoo maray siddii Nuurka  Allaah loo gaarsiin lahaa. Mid kalena ku xasuusiyo in Diinta lagu qiyaasin dad ama niman gaar ah.Macnaha urur hebel ama wadaad hebel, Diintana qiyaas uma ahan, ee Kitaabka, ayaa qiyaas u ah. 

waxaan is waydiinaayay tolow Mudane.Taraq Ramadan, miyuu idiinla qaba aad ka gaabsataan xoriyada dalkiina iyo aadna indhaha isaga  xirataan aadna soo dhobaysaan gumeysiga cusub?

talo marba haddad u dhaqmataan sida NGO-ya la mid ah ordoo gargaar dagdag ah gaarsiiya masaakiinta ku dhiban kuna gaajeeysan Muqdisho iyo hareeraheeda  illaa magaalada MARKA,ahna dadkii la baarakiciyay dadkaas markaad wax u qabataan  baan idiin aqoonsana dad ummadda wax u qabtay. 

gabagabo Qamar, way aadaysaa dagaalka looga jiro xoriyada dalkeda iyo dadkeda insha'allaah shandadana waa ii diyaar amar unban sugi. 

Qamar Sharif Hashim. 
lunadurazzini@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QAMAR IYO FIGRADA KHALDAN AY KA HAYSATO URURKA ISLAAX.

:::SOMALI SHARWADE GROUP!!!!! | Qamar

Faafin: SomaliTalk.com |Nairobi Kenya | Dec 05, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com