SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
04 December 2007.

Dagaallo cadowg lagu waxyeelleeyay.

Waxyeellooyin gumayisgu u gaystay dadwaynaha.

Banaanbax weyn oo ka dhacay wadanka Ingiriiska.

Ururka hooyooyinka Ogadenya oo shirk u yeeshay London.

======================

Dagaallo cadowg lagu waxyeelleeyay.

Wariyaha RX uga soo warrama arrimaha dagaalka ee dalka Ogaadeenya yaa noo soo sheegay dagaallo dhawr oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya oo waxyeellooyin kala duwan loogu gaystay ciidammada naf-la-caariga ah ee gumayisga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

01/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Birqod. Ciidammadan ayaa markii la weeraray waxay daawanayeen cajalad muuqaal ah, waxaana la gubay guud ahaanba gurigii ay cajalada ku daawanayeen. Khasaaraha ciidammadaas la gaadhsiiyay wali faahfaahintiisa lama helin.

30/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Dayax-weerar, oo magaalada Caado ee gobolka Doollo u dhaw, waxayna weerarkaas cadowga kaga dileen 6 askari, 4 kalana way kaga dhaawaceen.

29/11/07 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Ceeley, oo gobolka Doollo ka tirsan, ayaa weerar lagu qaaday, waxaana laga dilay 4 askari, 6 kalana waa laga dhaawacay.

28 - 29/11/07 weerarro kala duwan oo loo gaystay ciidammada gumaysiga eek u sugan Gurdumi, waxaa lagaga dilay 5 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/11/07 weerar dhabba-gal ah oo ciidammada gumaysiga loogu gaystay Boodh-caano, oo Godey ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/11/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumayisga Itoobiya ku dhex-marau duleedka magaalada Awaare, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 14 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 12 kale.

Waxyeellooyin gumayisgu u gaystay dadwaynaha.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah. Waxyeellooyinkanayaa isugu jira dil, xidhay, jidhdil, gubis iyo dhac hantiyeed.

20/11/07 waxay ciidammada gumaysigu Tuulada Daratoole ee gobolka Doollo ku dileen nin lagu magacaabi jiray C/qani Sh Yuusuf Cabdi-dheere. Waxay sidoo kale 1000 Bir ka dhaceen ninka lagu magacaabo Shariif Khaliif Shariif C/llaahi. Waxay kaloo la tageen Suldaan Jeelle iyo Muxiyadiin Maxamed Iidoor.

30/11/07 waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen magaalada Gurdumi dadka kala ah;
1- Cabdi Xasan Maxamed
2- Shugri Abow, oo isaga ay ka dhaceen lacag gaadhaysa 2000 oo Bir iyo
3- Ilkacase Cabdi Dhagoole oo isagana ay ka dhaceen dhammaan wixii lacag iyo badeeco u yaallay Dukaan uu lahaa.

28/11/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen Tuuklada Xidh-yare, oo Garbo ka tirsan. Waxay sidoo kale nawaaxiga Xidh-yare ku gubeen Aqallo soomaali ay lahaayeen dadka kala ah;
1- Maxamed C/llaahi Laag
2- Ilma Daweeye Cali Dhaqane
3- Deeq Arbe
4- Ilma Sulub Dhamal iyo
5- Gorod Maxamed C/llaahi

Sidoo kale 28/11/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku xidhxidheen dadwayne rayad ah, waxaana noo suuragashay inaan magaciisa helno C/fataax Axmed Qamaan.

Dhinaca kale ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Qabridaharre ayaa intay xeryohooda dibada uga baxaan waxay xidhay iyo dhac xad-dhaaf ah u gaysanayaan dadwaynaha reer guuraaga ah ee deggan nawaaxiga magaalada oo roobab fiicani ay ka da’een.

Isla 28/11/07 magaalada Yucub waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo badan, waxaana ka mid ah;
1- Axmed Cadhays Cabdille
2- Shaafi Xasan Barre
3- Seeraar Taxaliil Muuse
4- Mahdi Xaaji Cali iyo
5- Waaraad Ibraahim Barre

Markii ay taariikhdu ahayd 26/1107 waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen magaalada Qabridaharre nin lagu magacaabo Hire Cabdi Faarax.

20/11/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen tuulada Xidh-yare, oo Garbo ka tirsan. Waxay sidoo kale deegaankaas ku gubeen Aqallo soomaali. Waxaana kala lahaa Ina Shukri Xaashi iyo Maxamuud Maxamed.

12/11/07 waxay ciidammada gumayisgu ku xidhxidheen meesha lagu magacaabo Kuus-Awliyo, oo Gudhis u dhaw, dadka kala ah;
1- Faadumo Macalin Maxamuud iyo
2- C/risaaq Bashiir Ciddi-adhi.
Waxay ciidammada gumaysigu isla goobtaas ku qasheen Adhi badan. Adhigaas waxaa kala lahaa;
1- Ilma C/llaahi Sakhraan
2- Ilma Maxamed Xadiis
3- Sh C/llaahi Rabiile iyo
4- Ilma Sh Mukhtaar Axmed

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale magaalada Gudhis jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Jikre Maxamuud Saxane
2- Maxamuud Saxane iyo
3- Maxamuud Wali Daahir
Waxay sidoo kale magaalada ka bililiqaysteen lacag gaadhaysa 200.000 oo Bir.

Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu nawaaxiga Gudhis ku gubeen 5 Aqal markii ay taariikhdu ahayd 12/11/07. Aqalladaas waxaa kala lahaa;
1- Ardo Sagal Cali-madoobe
2- Mihiib Sagal Cali-madoobe
3- Deex Askar Cabdi Jabane
4- Dahab Takhal C/raxmaan iyo
5- Sooc Cabdi.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu isla taariikhdan magaalada Gudhis ka dhaceen hanti farabadan oo dadwaynuh lahaa.

31/10/07 waxay ciidammada gumaysigu dhac iyo boob u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan Buuxiso. Hantida ay ciidammada gumaysigu dhaceen waxaa ka mid ah lacag gaadhaysa 500.000 oo Bir. Dadka lacagtaas laga dhacay waxaa ka mid ah gabdha lagu magacaabo Sareedo Cabdi C/llaahi.

Billowgii bisha November waxay ciidammada gumaysigu Gibir iyo Ganaax ku soo rogeen dadwaynaha ku dhaqan gobolka Shabeelle, gaar ahaan magaala madaxdiisa Godey. Waxay ciidammada gumaysigu qabiil walba ku xukumeen inuu bixiyo 500 oo Neef oo Gibir ah iyo 30.000 oo Bir. Waxay sidoo kale xidhay iyo ganaax u gaysteen ganacsatada magaalada Godey.

Dhinaca kale warar ka imanay gobolka Nogob ayaa sheegaya in degmooyin gobolkaas ka tirsan uu ka dillaacay cudurka Shuban-dhiigga markii ay taariikhdu ahayd 10/11/07. Degmooyinka uu cudurkani ka dillaacay waxay kala yihiin Fiiq, Xamaro iyo Sagag iyo tuulooyinka degmooyinka hoos-yimaada. Dad aan wali tiradooda la xaqiijin ayaa cudurkan u dhintay, qaar kalana way u il-daran yihiin.
04 December 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com