Nuur Cadde oo u oggolaaday C/llaahi Yuusuf inuu caddaalad-darradi ugu
xumeyd ku sameeyo beelweynta Abgaal
Abshir | Abshir111@yahoo.com
Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen wuxuu Axaddii soo bandhigay xukuumad lagu
dhex sameeyey guriga Korneel Cabdullaahi Yuusuf, taasoo ka koobnayd 73 Wasiir,
Wasiiru Dowle iyo Wasiir ku xigeen.
Xukuumaddaan ayaa Korneel Yuusuf wuxuu si ka baxsan xadka uga siiyey
beeshiisa Majeerteen Wasiir, Wasiiru-Dowle iyo saddex Wasiir ku xigeen oo kala
ahaa:
- Maxamed Yusuf Weyrax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda {Daarood/Majeerteen}
- Maxamed Axmed Kulan W/ Dow. Wasaaradda Beeraha {Daarood/ Majeerteen}
- Maxamud Axmed Kulalihi W/ku. Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga
Caalamiga {Daarood/Majeerteen}
- Cabdulaahi Bile Nuur W/ku. Wasaaradda Waxbarashada {Daarood/Majeerteen}
- Ms. Jamiila Siciid Muuse W/ku. Wasaaradda Qorshaynta
{Daarood/Majeerteen}
Beesha Abgaal oo ka mid ah beelaha ugu ballaaran qabaa'ilka deggan Soomaaliya
ayaa iyadana xukuumaddan laga siiyey Wasiir iyo Wasiir ku xigeen oo keliya,
taasoo fajac ku noqotay dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa kala ah:
- Cabdulaahi Axmed Afrax W/ Wasaaradda Ganacsiga {Hawiye/Abgaal}
- Salaad Cali Jeelle W/ku. Wasaaradda Gaashaandhigga {Hawiye/Abgaal}
Xukuumad ka kooban 73 Wasiir in beesha Abgaal laga siiyo Wasiir iyo Wasiir ku
xigeen, beesha Majeerteenna laga siiyo Wasiir, Wasiiru Dowle iyo saddex Wasiir
ku xigeen ayaa waxay noqotay mucjiso ka weyn maanka bini'aadamka.
Caddaalad-darrada uu sameeyey Cabdullaahi Yuusuf ayaa kun jeer laba jibbaaraysa
tii Maxamed Siyaad Barre uu ugu sedburin jiray beeshiisa, waxayna noqonaysaa ka
dar oo dibidhal.
Hase yeeshee waxaa la yaab leh in beesha Abgaal aysan illaa iyo hadda uga
dhiidhin caddaalad-darradaan lagu sameeyey sida ay uga dhiidhiyeen beelaha
Raxanweyn, Mareexaan, Jareerweyn iyo Reer Xamar.
Abshir Godinlabe
Abshir111@yahoo.com
Qoraaladii hore ee Abshir...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2007


|