SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CAYN

Taageero iyo Hambalyo Baaqii Isamida Sool, Sanaag iyo Cayn

Shir si qurux badan loo soo agaasimey ayaa ka dhacay maanta 12/01/07. magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Shirkan ayaa ujeedadiisu ku saabsaneyd Taageero iyo Hambalyo Lagu taageerayo sidii loo xoojin lahaa BAAQII ay dhawaan soo saareen ISIMADA gobalka SOOL, SANAAG, iyo CAYN.

Shirkan oo lagu qabtey hotelka weyn ee ku yaala badhtamaha magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo Zuhra. Xafladan ayaa waxa soo qaban qaabiyey haweenka u dhashay SOOL, SANAAG, iyo CEYN. Shirkan ayaa waxa lagu marti qaadey dhamaan Soomaalida degan gobalka Minnesota.

Intii uu shirku socdey waxa ka hadley culumaa’udiin, Siyaasiyiin, hooyooyin, abwaano, Isimo, iyo fanaaniin isugu jirey hobaladii Waaberi iyo fanaaniinta cusub ee reer Minnesota. Xafladan ayaa waxa laga soo jeediyey gabayo, geeraaro, iyo Buraanburo. Waxa kale oo xafladan lagu soo bandhigey, xaalada hada ay ku jirto gobalka SOOL iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Shirkan ayaa waxa furey gudoomiyaha Beesha SOOL, SANAAG, iyo CEYN ee gobalka Minnesota, mudane Yuusuf Maxamed. Furitaankii ka bacdi ayaa waxa ka Hadley culimada gobalka Minnesota oo halkaas ku soo bandhigey wacyi cajiib ah oo ku saabsan NABADA. Sidoo kale waxa ka hadley Prof. Faarax Xuseen Gedle, oo soo bandhigey qoraalo ay ku qoran yihiin heshiiskii Ingriisku la galay beesha Dhulbahante, Isaaq, iyo Warsangeli. Prof. Faarax, oo in badan ka hadley sida heshiisku ahaa iyo in ay jirin, wax heshiis ah oo uu Ingriisku la galay Isaaq oo ku saabsan xadka ay leeyihiin waa soo xireynaa ee YOOCADA.

Ugu dambeyntii ayaa waxa ku soo dhaweeyey Makarafoonka madaxweynahii hore ee Puntland Mudane Maxamed Abdi Xaashi madaxa ururka African Community Services mudane Abdulaahi Guleed Nuur oo ku amaaney Mudane Xaashi, “in uu yahay ninkii ugu horeeyey ee si nabada ku wareejiyey madaxweyne nimada markii laga heley doorashada Puntland.” Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxamed Abdi Xaashi, oo qudbadiisu dheereyd ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisa “Isaaqu ma dhaxal bey u helaan wixii uu adoonsiga Igriisku ka tagey.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii soo xidhey shirka una duceeyey haweenkii soo qaban qaabiyey shirka.
 

Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com