SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GURICEEL

  • Shil gaari oo kadhacay meel ku dhow degmada Guriceel

  • Shil Gaari oo ka dhacay Wadada isku Xirta Boosaaso iyo Qandala

Shil gaari oo kadhacay meel ku dhow degmada Guriceel

Shilkani gaari ayaa ka dhacay agagaarka meesha la yiraahdo Labileey oo 20 km kaga beegan dhinaca koonfur ee degmada Guriceel, iyadoo ay ku dhawacmeen ilaa iyo 6 ruux oo labo ka mid ah yihiin dumar.

Waxaa dhaawacyadani uu sababay shilkani gaari la geeyey Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel, iyadoo qaarkoodna uu dhaawacoodu culusyahay.

Gaariga shilka gaystay oo ahaa nuuca loo yaqaano Deynaha oo ka ambabaxay degmada Guriceel isaga oo ku sii jeeday tuulada la yiraahdo Miirjibaalle oo 55km dhinaca koonfureed kaga began degmada Guriceel.

Faarax xassan oo ka mid ah dadkii ka badbaadey shilkani oo aan kula kulmey Isbitalka Istarliin ayaa Somalitalk u xaqiijiyey inta qof ay ahaayeen rakaabkii saaranaa garigaasi iyo intii ku dhaawacmadey waxaauna yiri " waxaan aheen 11 qofood oo darawalka ku jiro dhaawacauna waxuu soo gaarey 6 naga mid ah, waxaan mareynaye Labiley waxaana ku siijeednay Miirjibaalle".

Wa markii labaad uu shil noocaani oo kale ah ka dhaco meesha la yiraah Labileey oo sidaa uga fogeyn degmada Guriceel 22kii November ee bishii aan kazoo gudubnay ayay ahay markii gaari nooca loo yaqaano iska ogaha uu ku gadoomey halkaasi kaasi oo sababay dhaawac ilaa sided ruux.

Shilalka baabuurta ay sababto ayaa ku soo badanaya gobolka Galgaduud bilihii u dambeeyey, iyadoo taasina loo aaneynayo inta badana darawaliinta baabuurta oo aan xirfad u lahayn wadista gawaarida iyo wadooyinkaa oo aad u burbursan iyagoo aanan wax dayactir ah helin mudo gaarayasa ila 17 sanadood.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Mail: muxsin55@hotmail.com
Galgadud,Somalia

Shil Gaari oo ka dhacay Wadada dheer ee isku Xirta Boosaaso iyo Qandala

Wararka ka imanaya gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegay in shil gaari ka dhacay inta u dhexeysa Boosaaso iyo Qandala. Shilkaas ayaa la sheegay in dad ku dhinteen laakiin wararka u horeeya ee ka soo baxay ma tibaaxin tirada dhabta ah ee dadka shilkaas ku dhintay

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com