MACHADKA WAXBARASHADA NAAFADA SOOMAALIYEED OO SHALAY
SI WAYN U XUSAY MAALINTA NAAFADA ADDUUNKA

Waxaa
maanta magaalada Muqdisho si wayn looga xusay maalinta Naafada Adduunka
gaar ahaanna naafada Soomaa-liyeed iyadoo xaflad aad u wayn oo ay ka
qayb galeen xubno isugu jiray ganacsato, arday ka socotay qaar ka mid ah
dugsiyada waxbarashada Gobolka Banaadir, madaxda NGO-yada qaarkood iyo
xubno kale oo lagu casuumay.
Xafladdan oo uu soo qaban qaabiyay Machadka waxbarashada
Naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay xaru-nta ururka Horumarinta
dhallinyarada Banaadir ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano BAYDO ayaa
waxaa ugu horreyn xafladdaasi ka hadlay xubno ka kala socday
ganacsatada, kan dugsiyada waxbarashada, madaxda NGO-yada, kuwaasoo si
wayn uga hadlay munaasabaddan loogu talo galay in lagu aqoonsado
maalinta Naafada adduunka gaar ahaanna naafada Soomaaliyeed ee ku beegan
3-da December 2007-da.
Xubnahan waxay sheegeen in naafada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad iyo
aad ugu nugul dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ka jira sida
dagaallada sokeeye, barakaca, bur-burka iyo guud ahaan khilaafaadka
baaxadda leh ee sababay in ay sare u kacaan dadka naafada ah, kuwaasoo
haatan caga-cagaynaya in ka badan 8468 xubnood.
Gudoomiyaha Machadka waxbaras-hada Naafada Soomaaliyeed Md. Cabdi
Cismaan Siyaad oo munaas-abadaas ka hadlay ayaa ugu horreyn waxa uu
hambalyo u jeediyay guud ahaan naafada Soomaaliyeed, isagoo ugu
bogaadiyay munaasabaddan caalamiga ah ee loo aqoonsaday inay noqoto
maalinta gaarka u ah naafada caalamka gaar ahaan tan Soomaliya.
Md. Cabdi Cismaan Siyaad wuxuu ka warramay dhibaatooyinka haatan haysta
naafada Soomaaliyeed xag maskax iyo xag jir intaba, kuwaasoo uu sheegay
inay ka dhaxleen dagaalada soo noq-noqday iyo barakaca, iyadoo ay taasi
u dheer tahay in naafadu ay tahay mid ay kala dhantaalan tahay lixda
lixaad ee uu qofka ku shaqeyso, wuxuuna ka cod-saday beesha caalamka
inay la soo gaaraan gar-gaar deg-deg ah, sidoo kalena wuxuu ka codsaday
mux-siniinta Soomaaliyeed inay walaalahooda Soomaaliyeed ee naafada ah
ay daryeelaan.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623