Bulshoweynta Soomalida Gobolka Gauteng ee K/Africa
oo Dooratey Gudi Cusub.
“Xaqiiqda Soomaalida South Africa”
Johannesburg, Shirweyne ey kasooqeybgaleen Soomaali isugujirta
ganacsato, culumaa’udiin, mutacalimiin, ardey, dhalinyaro, waayeel (rag
& haweenba leh), xubno katirsan ururka taladda wadanka K/Africa kacanta
kuhaya ee ANC, Police iyo Bulshadda Rayidka, ayaa kadhacey galbeedka
xaafadda Mayfair, ujeedada shirkani oo aheyd in Soomaalida gobolka
Gauteng ey kudhistaan Jaaliyadd matasha danahooda.
Kulankani oo maalinkii shaley dhacey (2nd dec) ayaa siheersare ah oo
nidaameysan ey ugasooshaqeeyeen gudiga doorashadda oo maamuleysey
geyisocodka doorashadda, waxey kulabisnaayeen uniform iskumid ah,
dhalinyaro xirfad u leh soodhaweynta kaqeybgalayaasha kulankani ayaa
si-ey kudheehantahey saxibtinimo ugusoodhaweynayey dadweynaha
kasooqeybgaley oo kacodeeyey hallka weyn ee xaafadda Brixton.

Furitaankii xafladda oo uu aayado qur’aanka kariimka ah lagufurey,
iyo wacdi diineed oo dhiirigelin sidii ey gacmaha isuqabsanlahaayeen
bulshoweynta soomaalida Gauteng kudhaqan ayaa waxa halkaasi kajeediyey
fadiilatul Sheekh Hassan, waxaa furitaankii kulankaa doorashadda
gudoominimo ina-kahadley Md Osmaan Raage oo ah Mutacalin Soomaaliyeed &
Gudoomiyaha Gudiga Soomaalida Pretoria oo halkaasi ereyo dhiirigelin ah
kasoojeediyey goobtaasi, kadibna halkaasi waxaa kabilowdey in 3dexda
musharax oo u tartamayey kaalinta Gudoomiyanimadda in ey soobandhigaan
balanqaadkooda wixii ey uqabandoonaan bulshadda Soomaalidda ee K/Africa
hadii loodoorto.

Musharaxyadan oo kale ahaa Suleybaan Abdi Malaaq, Eng.Maxamuud Muuse
Barkhadle, iyo Mudane C/hakim Mohamed Haadi waxey soobandhigeen
balanqaadyo iskumid ah ama iskudhowdhow oo run ahaantii hadii ey
meelmaraan daboolaya badi baahiyaha iyo dhibaatooyinka heysta Soomaalida
kudhaqan Gobolka Gauteng & guuahaanba goboladda kaladuwan ee K/Africa,
waxey 3dexda Murashax balanqaadyadooda ugumuhiimsanaa kamid ahaa;
- Arimaha Amniga
- Arimaha Home Affairs
- Waxbarashadda
- Adeegyadda Caafimaadka
- Wacyigelinta Bulshadda
Waxaa markaasi gudiga doorashadda jaaliyadda looyagleelayo R.Gauteng
ey gudogaleen in ey dadweynihii kasooqeybgaley kulankaasi oo kor u
dhaafayey 250 ruux in ey u sharxaan nidaamka guud ee doorashadda iyo
sida codeeyuhu codkiisa uu u vote gareenkaro iyo weliba in la ilaaliyo
nidaamka iyo kaladanbeynta.

Doorashadu waxey u dhacdey si dimuqraadi ah oo xalaal ah oo qofkastaa
rabitaankiisa uu qofkuu rabo ugucodeynayo sida uu iixaqiijiyey Mudane
Faadil oo kamid ahaa indhoindheyaashii doorashadda.
Habsamida ey u dhacdey doorashadu ayaa aheyd mid sifiican
loogashaqeeyey loona abaabuley, waxaa kale oo xusid mudan sida
loogataxadirayey in hal qof hal mar inkabadan uu codeeyo. Abaaro
3dexdii galabnimo ayaa latiriyey codadka ey kalaheleen 3dexda musharax
oo kalaheley sedan hoos kuxusan
- Eng. Barkhadle oo heley 22 cod oo ah boqolkiiba 17.6% ee
codbixiyaasha
- Md Malaaq oo heley 48 cod 48% ee cod bixiyaasha
- Md Haadi: oo heley 202 oo cod oo udhigmeysa inkudhow boqolkiiba
75%
Captain Ngobeni K.T oo ah Kaptain sare oo kamid ah ciidanka Policeka
ee Xaafadaha Soomaalida ee Magaaloweynta Johannesburg heysta oo kamid
ahaa dadkii kasooqeybgaley kulankani ayaa iisheegey “uguhoreyntii waxa
aan kuleeyahey Mudane Saeed, doorashadani waa mid sixor ah udhacdey oo
dimuqraadi ah, waxaa aad iigu cajiib noqotey sida dadka hortooda loogu
tiriyey codadka murashixiintu kalaheleen waa mid qofkaste tusineysa sida
cadaalada ah ee loosoo abaabuley barnaamijkan”ayuu iisheegey Captain
Ngobeni isagoo siiwada hadalkiisa oo kajawaabaya in uu kawaramo codadka
ey kalaheleen 3dexda murashax wuxuu yidhi “3dexda murashax si discipline
iyo wanaag kudhaahanyahey ayey isusoosharaxeen, laakiin waxaa iimuqata
in aaney jirin iskudheelitirnaan marka aad eegto sida dadku u doorteen,
waxaa fiicneyd in qofka ladooranayaa ey bulshadu sifiican u taqaano
wuxuu gudo iyo wuxuu uqaban karo, markaa waxaan uhambalyeynayaa Mudane
Haadi oo cod aad ubadan kuguuleystey, waxaaney itusineysaa in dadkaa
doortey Haadi ey sifiican uyaqanaan in uuyahey kiiwax laqabanlahaa” ayuu
yiri captainku. Waxaa isna hadalo sedan oo kale ah iigucabirey
aaraadiisa Md Osmaan Raage oo ah mutacalin Soomaali oo islamarkaana ah
Gudoomiyaha Gudiga Soomaaliyeed ee Tshwane/Pretoria iyo agagaarkeeda,
“aad iyo aad ayaan ugufaraxsanahey sida habsamida ah ee xalaasha ah ee
dimuqraadiyaddu kudheehantahey ee doorashadani u dhacdey, waxa aan aad
ujecleystey oo kale kasooqeybgalayaasha iyo ixtiraamka iyo eedaabta ey
muujiyeen intii kulankani socdey” ayuu yidhi Osmaan Raage.

Waxa halkaasi loo caleemosaarey Mudane C/hakim Haadi oo ey 2dii kale
murashaxna si ey kudheehantahey walaaltinimo iyo farxadi ey ugu
hambalyeeyeen Mudane Haadi.
Waxaa gabogabadii halkaasi hadalo dhiirigelin ah kasoojeediyey Mudane
Ismaaciil Soomane oo gudoominayey doorashadda, iyo Dr.A/rashiid oo ah
doctor soomaaliyeed oo degan Johannesburg iyo dadkale, waxa halkaasi si
iskucod ah dadkii uwadaqaadeen heesta calanka soomaaliya iyo sacabeyn
aad uxoogan oo lagusoodhaweynayo gudoomiyaha cusub md Haadi, sacabkaasi
iyo soodhaweyntaasi kumey koobneyn oo keliya gobolka Gauteng ee gobolo
badan oo kamid ah 9 ka gobol ee wadankan K/Africa kakoobanyahey oo aan
telephone kulaxiriirey ayaa siweyn Soomalida degan goboladaasi ey
ugutahniyadeynayaan Md Haadi xilkaasi loodoortey iyagoo uguduceynaya in
Rabi laqabto xilkani.
Hadii eynu waxyar kasheegno Mudane C/hakim Mohamed Haadi, waa
aqoonyahan Soomaaliyeed oo leh xirfado sida loodhiso ururada aan dowliga
aheyn (non govermenral organizations) isagoo sanadkii 2000kii dhisey
ururkii Horn Of African ururkani oo caawiyey dadbadan oo tabaaleysan oo
ey kamidyihiin in uu ardey Soomaaliyeed kacaawiyey dhinacyadda
dhaqaalaha iyo dhinacyadda waxbarashadaba, sida uu iixaqiijiyey ardey
degan gobolka Gauteng md A.Mohamed, waxa kale oo uu Mudane Haadi
kasooshaqeeyey ururka sakadda ee k/Africa (SANZAF), halkaasi oo
kacaawiyey dad ubadan maati (dumar iyo caruur) dhinacyadda guryaha,
cuntadda i.w.m sida ey iixaqiijisey hooyo soomaaliyeed oo aan magaceeda
iisheegin, “doorashadda loodoortey C/hakim gudoomiyanimo waa mid uu
uqalmo, aniga iskuqabiilna mamihin ee si lilaah ah baan kuugusheegayaa
in uu dadbadan caawiyey intii uu ushaqeynjirey SANZAF, marka uu arko
dumar soomaaliyeed oo ragoodu u shaqeeyo oo u imanaya sidii ey caawimo u
helilahaayeeen, C/hakim siwalaaltinimo kudhaahantahey ayuu ugusheegayaa
in Sakadda loogutalogaley dad masaakiin ah” ayey tidhi hooyadaasi
soomaaliyeed.
Laakiin waxaa horyaala hawlo iyo carqalado badan oo ey tahey in
Gudoomiye Haadi uu lakaaashado waayo aragnimadiisa iyo waayo aragnimadda
dadka uu u magacowdo gudigiisa fulinta oo ey tahey in ey kamidho
dhaliyaan sidii ey ugaadhilahaayeen ujeedooyinka ururkoodan cusub oo ey
dad tirobadan oo soomaali ahi ey kadhursugayaan.
Carqaladahaasi iyo sida gudiga cusub ee Md Haadi ey
ugaadhilahaayeen ujeedooyinka loo aasaasey waxaan kawareystey mutacalin
Reer Somaliland ah, Md Abdifatah Ismail oo PhD Town Planning ah ka
samaynaya jaamacada UCT (University of Capetown)
Wuxuu kubilaabey hadalkiisa mahadcelin uu
usoojeedinayo gudiga cusub “Waan ku faraxsanay in jaaliyada Soomaaliyeed
ee ku dhaqan South Africa gaar ahaan Gauteng ay isu timaado oo ay
samaysato urur matala danahooda caamka ah. Waxaanan rajeynaynayaa in
ururkani aanu noqon urur qof shandad ku sito sida ka jirta inta badan
meelaha Somalida dibad jooga ahi kaga dhaqantay daafaha caalamka, ee uu
noqdo urur meel loogo soo hagaago leh” ayuu yidhi C/Fataax, isagoo
siiwada hadalkiisa wuxuu raaciyey “Waxa mudan in la xuso in sida
qaalibka ah ururada jaaliyadaha Somalidu ay hanna qaadi wayaan waxaanan
u malynayaa taas in ay ugu wacantay laba arimood oo waawayn. Ta koowaad
waa mid la xidhiidha qaab dhismeedka ururada oo inta badan aynu ka soo
daysano nidaamyada jira ee ururada loo dhiso oo ay dabadeed iska
horyimaadaan dhaqankeena reer guuraanimada iyo madaxbanaanida shaqsiga
ah ku salaysan iyo nidaamka kala danbaynta ku salaysan ee ururada
casriga ah loo dhiso” ayuu yidhi C/Fataax oo aan kulaxidhiidhey Telka
isagoo jooga Magaaloweynta Capetown, mar uu kahadlayey sida ururkan
cusubi uguguuleysandoono himilooyinka iyo ujeedooyinka uu rabo in uu
gaadho (Hadii Eebe yiraahdo), waxa uutilmaamey “Haddii la rabo in
ururkani guulaysto waa in loo sameeyaa nidaam uu kaga badbaadi karo
boholahaa qaab dhismeed ee kuwii ka horeeyay ku dhaceen. Tusaale ahaan
waxa looga badbaadi karaa in xubnaha gudiga fulinta aan hal mar la soo
dooran ee keliya la doorto gudoomiye dabadeedna uu soo magacaabo gudi
fulineed oo la shaqeeya kuwaas oo uu xilka ka qaadi karo markuu doono
inta uu xafiiska hayo. Taasi wax looga badbaadi karaa kala danbayn
la’aanta inta badan burburka u horseeda ururada Somalida.
Ta labaad waxa weeye, had iyo jeer waxa aan si cad
loo qeexin himilooyinka laga leeyay ururada noocan ah ee Somalidu
dhisato taasina waxay horseedaa burbur ku yimaada ururadaas, waayo marka
horeba dadka meesha isugu yimaada ee wax dhisanaya ayaa meelo kala duwan
wax u kala wada. Tusaale ahaan qaar baa tageersan in Somalia kala go’do,
qaar baa leh ha is raacdo, qaar baa qabiil aaminsan. Haddii markaa qolo
ka mid ah ururku ay dareemaan in danahoodii laga horyimi wixii wuu
burburayaa.
Taa looga bixi karaa in hadafka ururka si cad loo
qeexo oo weliba lagu soo ururiyo waxa ay raacsanayihiin dadka meesha
isugu tagay. Tusaale ahaan in ururku ka shaqeeyo danaha dadka Somalida
ah ee ku dhaqan South Africa, danahaas oo weliba ku kooban kuwa gudaha
dalkan aynu ku noolnay ee South Africa” ayuu yidhi. Abdifatah Ismail oo
PhD Town Planning ah ka samaynaya jaamacada UCT.
Wadanka K/Africa oo eykunoolyihiin Soomaali tiradoodu
kor udhaaftey 30,000 kun oo ruux ayaa waxaa K/Africa gudiyo Soomaaliyeed
oo tiro ahaan kor u dhaafey 7 oo kakalajira goboladda kaladuwan ee
K/Africa, sida Gudiga R.Rustenburg oo sanadkan horaantiisii isna
lagudhisey sidoorasho xalaal ah lana odhankaro wuxuu tusaalefiican u
noqdey yagleelida iyo sameynta gudigan Gauteng, Jaaliyadda Soomaalida
Tswane/Pretoria,gudiga qaxootiga Soomaalida R.Pretoria, Gudiyadda
ARdeyda ee Capetown, Jaaliyadda Soomaalidda Polokwane oo dhowaan iyana
dhidibadda lootaagey, ururadan waxey soodhaweyeen ururka cusub ee
gudoomiye loogudoortey Md Haadi, laakiin waxaa qaadacey doorashadan
Gudiga SASA ee kadhisan Gauteng gaar ahaan Johannesburg oo isagu
qaadacey kanasooqeybgelin habayaraatee doorashadda ururka cusub, ururka
SASA oo ahaa ururkii uguda’daweyn marka loo eego ururadani ayaa mar aan
laxidhiidhey mid kamid ah taageerayaasha ururkaasi oo magaciisa aan
ogolaan in magaciisa lasheegin ayaa yiri “ururkani cusub dadka ayuu aad
usiikalakaxeyn, soomaalida wadankan kudhibaateysan ayuu siikalakaxeyni”
ayuu yiri mudanahaasi oo an kulakulmey Johannesburg.
Wadanka K/Africa oo ey kadhacaan danbiyo aad u
tirobadan oo eykamidyihiin dil, dhac, kufsi i.w.m ayaa lagudiley
Soomaali ganacsato u badan oo tiradoodu kor u dhaaftey 500 oo ruux ilaa
1999kii sida uu iixaqiijiyey mudane Mohamoud oo ah gudoomiyaha
Jaaliyadda Qaxootiga ee Pretoria oo kusugan Pretoria, dilka, dhaca iyo
dhibaatooyinka laguhayo Soomaalidda K/Africa waa mid u baahan
waxkaqabasho iyo wacyigelin lasiiyo dadka cusub ee soogaleetiga ah oo
lootilmamo meelaha khataraha leh iyo in dabagalo lagusameeyo kaseysaska
(case) policeka loogafuro dadka ladilo.
Waxaa diyaariyey
Saeed furaa,
Freelance Journalist,
Johannesburg
somaliland.journalist@hotmail.com