"Safiirka dowlada Yemen ee Soomaaliya Ahmed Omar" ma xasuuqii ciidamada
Ethopia ay ka gaysteen Soomaaliya ayuu ku muteystey ka raali ahaanshahiisa bilad
dahab ah ?
Ciidamada Ethopia ee heysta Soomaaliya ayaa xaflad weyn ku qabsadeen xaruunta
gadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho,xafladaas oo lagu xusaayey
- Ciid diimeedka Ethopia.
- Abaalmarinta ciidamada Ethopia ee xasuuqa iyo barakicinta ka wada
Soomaaliya.

Abaalmarintii intii xasuuqa ka geystey Soomaaliya - Sawirka: Googlesearch
Maqaalkan ayaan waxaan rabaa inaan kaga hadlo dhacdo yaab leh oo ka dhacdey
xaflada cadawga dalkeena qabsadey ku dhigteen caasimada Soomaaliya Muqdisho ee
gumeystaha gacanta ku hayo.
Ciidamada Ethopia ayaa sidii iyagoo wadankooda jooga u soo camirey goobta
xaflada ka socotey, iyagoo watey xataa ciidamada Musikaaleyda iyo fanaaniintooda
hidaha iyo dhaqanka.

abaal marinta intii xasuuqa ka geystey xamar ee lagu qabtay
Muqdisho Sawirka: Googlesearch
Gabre ayaa Qudbad qiiro leh u jeediyey ciidamada Ethopia ee halkaas fadhiyey
isagoo ku tilmaamay inay yihiin geesiyaal ka galey taariikhda Ethopia baal dahab
ah, waxaa tihiin geesiyaal,halgamayaal iyo naftood hurayaal cagta mariyey ama
gacanta ku haya dhulkii cadawgeena soo jireenka ahaa ee Soomaaliya.
Horey waa loo ogaa in ciidamada Ethopia inay yihiin libaaxa geeska Afrika
hadana waa cadahey, madaama ciidamadeena ay si buuxda gacanta ugu hayaan
xaruuntii taariikhda iyo midnimada Soomaaliya ee Muqdisho,ayuu Gabre ku mar
Xabeeyay ciidamadiisa xasuuqa ka wada Soomaaliya,kuwaas farxad iyo heeso wadani
ah ama sacad u garacayey hadalada Gabre,iyagoo watey harag Libaax madaxiisa.
Gabre ayaa bilado gudoonsiiyey hogaamiyayaasha ciidamada Ethopia ee Soomaaliya
xasuuqa iyo barakicinta ka wada.
Waxaa iyana yaab noqotey markii GABRE uu micrafoonka uga yeeray safiirka
dowlada Yemen ee Soomaaliya u fadhiya Safiir AHMED OMAR si uu ugudoonsiiyo bilad
sharaf safiirka Yemen kaalinta u kaga jira gacan ku siinta ciidamada Ethopia ee
xasuuqaya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxbo ka galabsan ee dalkooda jooga.
Yemen & Ethopia
Dowladaha Yemen & Ethopia waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u fog, hadaa eegto
xiriirada ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ama Soomaaliya iyo Ethopia mid ka
duwan, labada dal waxay wada leeyihiin is gaashan buureysi xaga ciidamada ah iyo
dano isku mid ah oo ay ka wada leeyihiin Soomaaliya ,madaama ay labaduba dhul ay
Soomaalida leedahay gacanta ku hayaan ,ma rabaan in arkaan dowlad gacantooda ka
baxsan oo awood leh ka soo baxdo Soomaaliya
Ethopia waan ognahay in Soomaaliya wax xiriir ah ka dhaxeynin iyo wanaag
toona,mana doonaayo inaa halkaan kaga faalooda waayo kuligeen waanu wada
ognahay.
Yemen & Soomaaliya
Shucuubta labada dowladood waa walaalo oo daris ah, xiriir iyo taariikh fog
ama dhaqan isku mid ah ka dhaxeeyo,balse dowlada Yemen waligeed waxay
cadawtinimo dheer la laheyd xukumadihii Soomaaliya soo marey iyo dadka
Soomaaliyeed sababtoo ah Yemen waxay heysataa Jaziirada Suqadra oo ah dhul
Soomaaliyeed ayay ka baqeysaa, hadii ay soo baxdo dowlad Soomaaliyeed oo wadani
ah oo awood leh in lagu qabsado oo laga qaado dhulkaas sida Eritariya oo kale oo
Yemen si xoog ah kala wareegtey jaziirado ay horey uga heysatey.

abaal marinta intii xasuuqa ka geystey xamar ee lagu qabtay
Muqdisho Sawirka: Googlesearch
Dagaalkii Soomaaliya iyo Ethopia dhaxmarey sanadihii 1964,1977 & qabsashada
Ethopia qabsatey Soomaaliya, Yemeni waxay kaalin weyn ku laheyd ama kaga jirtaa
mar walbo inay dalka Soomaaliya kaga hiliso ama la safato Dowlada Ethopia si
cad.
Hadaba waxaa iyana cad in Madaxwaynaha dowlada Yemen Ali Abdalla Saalax uu
dhawaan warfidiyeenada u sheegay in Soomaaliya xasuuq aysan ka geysan ciidamada
Ethopia ,una garab taagan yahay Ethopia kuna taageersan yahay ficiladeeda
cadawtinimada ah ay ka wado Soomaaliya.
Waxaan warqadaan u qorey markaan arkey sida daciifnimada ah ee dowlada Yemen iyo
madaxdeeda aysan u qarsaneynin taageerada ay u hayaan ciidamada ETHOPIA ee
dalkeena dhibaatada ka wada ama xasuuqaya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxbo
galabsan ee dalkooda loogu yimid.
Waxaan suaaleynaa safiirka dowlada Yemen AHMED OMAR & dowlada YEMEN sababta
keentey in xafladii ciidamada Ethopia ee gumaadka ka wada SOOMAALIYA ay u
dhigteen in ay ku damashaadan dhiiga Soomaaliyeed ay daadinayaan isuguna
marxabeeyaan inuu ka qayb galo isagoo matalaya dowlada Yemen wakiilna ka ah
shacabka Yemen ee aan walaalaha nahey,inuu ka qaato bilad sharaf ,hadaba waxaan
rabnaa sababta loo siiyey biladaas waxay tahey inuu cadeeyo ?
Waxaan ummada Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda a kuwa dalka heysta ee dhibaatada
ku haya haweenka ,caruurta iyo dadka waayeelka ah inay ka qadaan tilaabo deg deg
ah safiirka Yemen ee fadhiya Xamer ee la shaqeeya ciidamada ETHOPIA .
Waxaan ugu baaqeynaa Safiirka iyo dowlada Yemen inay raali gelin ka bixiyaan
sida bini’aadanimo darada ahey ee u dhaqmey Safiir Ahmed Omar
Waana in shacabka Soomaaliyeed ee dulman raali galin buuxda uu ka siiyo gafkii
uu u gaystey.
Dowlada YEMEN waa in safiirkeeda dib ugu celisaa dalkiisa isagoo bad qaba,
madama uu dhumiyey kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee u baahan teegaerada
dowlada Yemen .
Dowlada Yemen waxaan ugu baaqeynaa inaysan faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya.

Itoobiyaan calan ka taagtey ciida Soomaalida Sawirka:
Googlesearch
Waana in Yemen joojisaa taageerada ay had iyo goor la garab taagan tahey
dowlada Ethopia.
Dhacdadaan waxay na xasuusineysaa colaada ay had iyo goor dowlada Yemen noo
qabto waayo Yemen oo caado ka dhigatey inay taageerto Ethopia si loo qabsado
Soomaaliya iyo taagerada Dowlada Yemen ay Ethopia u fidisey dagaalkii 1977
dhaxmarey Soomaaliya iyo Ethopia,oo ay Yeman si cad u garab istaagtey Dowlada
Ethopia.
Dhamaad
Soomaaliya Soomaali baa leh
Soomaaliya ha xoroowdo insha Allah
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007


|