XUSKA MAALINTA LOO AQOONSADAY AIDS-KA ADDUUNKA OO SABTIDII
LAGU QABTAY MAGAALADA MUQDISHO
Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta AIDS-ka adduunka oo ay si heer
sare ah u soo qabanqaabiyay ururka dhallinyarada SOYDEN ayaa maanta lagu qabtay
Hotel Saxafi 2 ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha ku
lugta leh arrimaha caafimaadka, sida WHO, UNFPA, UNICEF, SOCDA, Somali Pen,
arday isugu jirta gabdho iyo wiilal oo ka socday dugsiyada waxbarashada
magaalada Muqdisho, hay’adaha waxbarashada qaarkood iyo xubno kale ayaa waxaa
ugu horeyn halkaasi lagu soo ban-dhigay riwaayad ka turjumaysay dhibaatooyinka
AIDS-ka uu leeyahay iyo sida looga gaashaaman karo, taasoo si wayn dadkii ka soo
qayb galay ay si wayn ula dhaceen, taasoo ahayd mid ka digaysa dhibaatooyinka
HIV/AIDS-ka uu u leeyahay bulshada.
Xubnihii ka hadlay munaasabad-daas ayaa waxaa ka mid ahaa Cismaan Max’ed Cabdi
(Daalo), Eng. C/kariin Xasan oo ka mid ah madaxda daladda SOYDEN iyagoo halkaasi
ka soo jeediyay qorshaha dalladda dhalinyarada SOYDEN ee ku aaddan baraarujinta
HIV/AIDS ee dhinaca bulshada iyo qaabka loo qaabeeyay munaasabaddan.
Sidoo kale waxaa ka hadlay halkaas masuuliyiin ka socotay WHO, Dr. Max’ed Cali
Cismaan, Istarliin C/laahi Sheekh oo ah madaxa hay’adda UNFPA iyo xubno kale,
kuwaasoo dhamaantood ka hadlay qaabka looga hortagi karo cudurka HIV/AIDS-ka iyo
siyaabaha uu ugu fido bulshada.
Waxaa halkaasi qudbad ku aada-nayd Maalinta loo aqoonsaday Maalinta AIDS-ka
Adduunka ee 1-da december ka soo jeediyay Cismaan Max’ed Cabdi (Cismaan Daalo)
taasoo ahayd qoraal ay soo saareen hay’adaha UNAIDS iyo WHO, wuxuuna u qornaa
sidan:

Maanta oo ah malinta AIDS-ka Aduunka waxaan ku dhawaaqaynaa inaan noqono
hogaamiyayaasha la dagaalanka AIDS-ka, tiiyoo loo baahan yahay ku adkaansho iyo
ka go’naansho hogaamiyeed si jawaabtu u noqoto mid waxtarkeedu aad u badan
tahay. Qiyaasaha cusub oo ay soo saareen hay’adaha UNAIDS iyo WHO ayaa
tilmaamaya in HIV socodkiisu uu badanayo, percentage-ka dadka qabana heerkoodu
wuu kordhayaa halka tiro cusubna uu infakshanku ku dhaco.
Haddaba arrintan ayaa qayb ka ah barnaamijyada ka hortagga iyo daaweynta.
AIDS-ku wali wuxuu sababaa dhimashada adduunka oo dhan in ka badan 5,700 oo qof
ayaa maalin waliba u dhinta halka 24 saac kasta kaddibna uu ku dhaco infakshanku
in ka badan 6,800 oo qof.
Hadda ayaa ah waqtigii la xoojin lahaa dadaalada ka hortagga iyo yareynta raadka
uu yeelan karo AIDS-ka, HIV ka hortagiisana wuxuu noqonayaa safka ugu horreeyo
ee lagu difaaco, waana in la badiyaa daaweynta dhinaca dheer. Wadajir waa inaan
u qaadnaa tilaabo ku saabsan awoodida ka hortag caalami ah, daaweyn iyo
xanaaneynba.
Deeq bixiyayaasha waxay dabooli doonaan gaabka agabka, waxayna caawinayaan
beesha caalamka si loo helo fan labalaab ah oo lagu bixiyo AIDS-ka 2010-ka si
loo xaqiijiyo balanta ay galeen dawladaha ku jira golaha Guud ee Qaramada
Midoobay. Qolyaha adeegga caafimaadka bixiya waxay sameyn doonaan isku dhafidda
HIV ka hortaggiisa oo ah dhanka taranka iyo isu galmoodka, barnaamijyadaan
caafimaadna waxaa fariin ahaan loogu gudbin doonaa dhamaan dadka, arrintanina
waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dhallinyarada kuwaasoo bar ka mid ah
infakshanka cudurkani ku dhaco. Dhallinyaradu waxay sameyn doonaan habab ay ugu
doodaan xuquuqdooda gaarka ah iyo baahidoodaba, wiilasha iyo gabdhaha yar-yari
waxay baran doonaan dariiqooyin cusub oo HIV looga hortagayo waana kuwa si
caadiyanba ah ay ku jiraan dagaal liddi ku ah AIDS-ka.
Hadda, waa xilligii la dhiira gelin lahaa hogaanka haweenka, si looga hortago
faafidda HIV, waana inaan joojinaa isla jirka janderka taasoo shideyda cudurka,
waana inaan hubinaa inay haweenka bixinayaan jawaab wax ku ool ah, ragguna sidoo
kale waa inay bixiyaan dhiiragelin ku aaddan sinaanshaha ku aaddan iyo xiriirka,
waana inay la yimaa-daan door muuqda tusaalena ka noqdaan qoysaska dhexdooda,
saaxiibada iyo bulshada.
Dowladuhu waa inay noqdaan hogaamiyayaasha iyagoo baaraya kana dhaadhacsiinaya
barnaamijyo heer qaran oo diiradda lagu saarayo ka hortagga HIV-ga tiiyoo ay la
socoto hadafyo qaran oo cadcad iyo taageero xooggan, waayo uma noqon karto
jawaab wax ku ool ah HIV-ga haddii aysan jirin go’naansho hogaamineed oo heer
sare ah.
Dhibka horyaalla in la guuleysto waa ku lug yeelasho fir-fircoon dadka la nool
HIV iyo AIDS-ba waxayna u noqon lahayd dhiira gelintooda, daacadnimada iyo
hogaanka caawiya ilaalinta siyaasadda hogaamiyayaasha iyo saraakiisha la doortay
waa inay qaadaan masuuliyadda balamihii la galay xilligoodana ay hormariyaan.
Maanta oo ah maalinta AIDS-ka Adduunka UNFPA waxay dib u sameynaysaa hogaaminta
ka hortagga HIV-ga, waana inaan si wadajir ah u ilaalinaa ballanta qaadnaanana
talaabooyin lagu joojinayo faafidda AIDS-ka.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

