SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 December 2007.

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.

Dilal iyo xidhay gumayisgu u gaystay dadwaynaha.

Madaxa Arrimaha Bani’aadamnimo UN oo booqday Ogaadeenya.

Jaaliyada Ogadenya ee magaalada Sandiego oo shir marti galisay,warbixino,khudbado,guubaabo ay soo kala jeediyeen odayaal iyo qaar katirsan madaxda jabhada.

======================


Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya yaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay ciidammada caga jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya. Dagaalladan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dheceen sidatadan;

28/11/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyaha oo ku sugnaa Kaba-rooyaan, oo Awaare ka tirsan, waxaana weerarkaas ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

24/11/07 weerar gaadmo ah oo ciidammada gumaysiga loogu gaystay Dharkenley, oo ka tirsan Dhagaxbuur, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/11/07 ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Fiiq waxaa loo gaystay weerar mir ah, oo lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

19/11/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumayisga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxaana loo gaystay lhasaare aan faahfaahintiisa wali al helin.

18/11/07 Laba-koor-gubka, oo Fiiq ka tirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 18/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar u gaystay kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumayisga ah oo marayay meel Fiiq duleedkeeda ah, waxaana weerarkaas ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhinaca kale 18/11/07 waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Qallaafe ka goostay 15 askari, oo hubkoodii iyo qalabkoodii millatari oo dhan la goostay. Askartan ayaa goostay, ka dib markii uu dagaal dhex maray saraakiisha maamusha ciidammada gumayisga ee Qallaafe ku sugan.

Dilal iyo xidhay gumayisgu u gaystay dadwaynaha.


Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dad rayad ah meelo kala duwan ku laayay, waxayna dadkaasi kala yihiin;

Colaad Faarax Talyaani, oo ciidammada gumaysigu Dharkenley ku dileen markii ay taariikhdu ahayd 22/11/07.
Waxa sidoo kale ciidammada gumaysigu ku dileen Bubi, oo Qabridaharre ka tirsan, Sh Faarax Maxamuud Xarraan.

Madaxa Arrimaha Bani’aadamnimo UN oo booqday Ogaadeenya.

Madaxa Xafiiska Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay John Holmes ayaa isniintii iyo talaadadii booqday magaalooyin ka mid ah dalka Ogaadeenya, waxayna ujeeddada booqashadiisu ahayd inuu u kuur-galo heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada bani’aadamnimo ee Ogaadeenya ka jirta.

John Holmes ayaa talaadadii booqday magaalada Qabridaharre, hase yeeshee sidii la filayayba xukuumadda guamysatada Itoobiya uma ayna oggolaanin inuu six or ah ula kulmo dadwaynaha, si uu xaaladdooda uga waraysto.

Laakiin wuxuu ka garaabay dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee JWXO iyo hay’adaha caalamiga ahi ka sheegayaan, wuxuuna sheegay in dhibaatada haysata shacabka Ogaadeenya ay sabab u tahay xayiraada isu socodka dadka iyo gaadiidka ee ay xukuumada gumeeysiga Itoobiya ku soo rogtay shacabka, isagoo yidhi "Xaaladu waa mid ku adag shacabka Ogaadeenya; waa in la qaado xayiraada isu socodka, korna loo qaado tirada hay’adaha aan doowliga ahayn oo la gaadhsiiyo in ka badan afartan hay;adood". Wuxuu kaloo yidhi “Xaaladu way hagaagi lahayd hadii shacabku helaan xornimo xaga isu socodka ah iyo ganacsiga oo la fasaxo”.

John Holmes wuxuu kaloo sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay ka dhaadhiciso xukuumadda Itoobiya inay fahanto in xaalada bini’aadanimo iyo mida xuquuqul insaanka ee Ogaadeenyaba ay tahay mid halis ah. Waxa jira buu yidhi eedaymo sheegaya in ciidammada Itoobiya xusuuq gaysteen, sidaas darted ayaa loo baahan yahay koox caalami ah oo madaxbannaan oo baadhitaano ku samaysa Ogaadeenya".

01 December 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com