SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdishaa hadlaysee waligiin ma maqasheen????

Cabdinuur Maxamed Axmed
Islamabad /pk
E-mail: Nobleman254@gmail.com
Nobleman254@yahoo.com

Hordhac


Magaca Eebe weyene ayaan ku bilabay allahii adoomadiisa si guud uga naxariista mu’miniintana si gaar ah.

Wadinihii dalka (muqdisho) ayaa dayacan waxayna la’dahay kaalmo ay ka filaysay malaayiin soomaali ah . waxayna qayla dhaanta muqdisho ku soo beegmaysaa xilli ay hoy u noqtay dil, dhac, iyo xasuuq lagu hayo dadkii yaraa ee magaalada ku haray ee kusugnaa 17 sano oo qas iyo dagaal sokeeye ah

Waxaa lagu tilmaamaa hada in ay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan aduunka ,laakiin waxaa kaloo jirta in ay ahayd 12 bilood kahor meelaha ugu nabdoon dunida sida ay qireen suxufiyiintii iyo masuuliyiintii ajnabiga ahaa ee tagay muqdisho xiligii ay katalinayeen maxkamadihii islaamka.

Aflabadii ayay dhawaaqaysaa waxayna filaysaa in laga dulqaado culaysyada haysta hada ee uu ugu horeeyo xasuuqa lagu hayo dadkeeda. Kadibna dib udhis loo qalab qaato.

Waxay aamintay in ay ku socoto jidkii ay qaadeen Baghdad iyo Kabul oo uu cadawgu islaamka burburiyay

Taariikhdii shangaani ,iyo jasuuradii laysla jiir

Hotel Jubba iyo Curuba waxa uu kamidyihiin meelihii muqdisho ugu bilicsad samaa maantana ay ku hoydaan eeyo. Abwaan cabdi muxmed amiin ayayna lahadashay Jubba iyadoo ka dayrinaysa muuqaal xumada soo wajahday waxay ku hadaaqday ereyadan:

Taariikhdii Shingaani iyo,
Jasuuradii lasyla jiir
Jaarkaygii kaleeto iyo
Curuubana weyla jaad
Galbeedka haddaad ka joogto
Waad u jeeddaa maanyadii
Jugtaa sidey ugu hayeen,
Waa bey jirtey uun ku daa
War ninkoow..! war ninkoow…!

Yaa burburka muqdisho ka masuul ah?


Waxay muqdisho sida wada jir ah eeda dusha uga tuuraysaa odayaasha ku caanbaxay futashaariga afarjeeblaha ah , wadaada ka reema mawlacyada dhexdooda ee ka gaabiyay in ay baraarujiyaan dawaynaha bunkana halkaa ku jabsada ,haweenkii u mashxaradi jiray hogaamiya kooxeedyada dagaalka sokeeyana u arkay xalaal lama taabtaan ah , alalaaska aflabadii dhawaaqi jiray marka ay maqlaan in beeshadeeda reer hebel ka adkaadeen ,iyo dhalinyartii geela ka timid ee tafa xaydnaa kuwaasoo sidii xaabo lagu hurin jiray dagaal sokeeye

Mra qura xitaa muqdisho cabashadeeda kuma aysan xusin fara galin shisheeye waayo hadii soomaalida midawda fara galin shisheeye waa wax aad u yar waxayna cadaynaysaa in halka laga gaaray ay tahay xarigjiidka soomaali ka dhex aloosan.

Bal ila eega sida dadkan aan kor kusoo xusay aysan meelanaba uga baxsan Karin eedaha ay muqdisho tirsanayso inagoo mid mid u fiirinayna kaalintii uu kagaystay burburka muqdisho

Oday afar jeeble

Xaaji hebel ,beeldaajiye,nabadoon waa waxyaabaha ay muqdisho eersatay. Oday reerkii u caleema saarten in uu qoyska barwaaqo u horseedo wakii ku hogaamiyay colaad oo wiilashii dhiigooda ku qubay meel aysan ku haboonayn

Odayaasha soomaaliyeed ilaa iyo intii laga xasuusto waxay ahaayeen kuwa colaada ka shaqeeya samahana ladagaalama. Waa kuwii wiilal yar yar oo u baahan in la hago wadda aan saxsanayn ku hogaamiyay, reer hebel gelooda waa xalaal ayayna ku hadaaqi jireen markii miyi lajoogay ee soomalida reer guuraaga ahayd.. Hadii magaalo la yimdina igaarta shaqo mahaysato ee hadii isbaaro laga wadaayo walax loogu badalo hala keeno ayaaba xaq loo arkay. Kuwa yaa ku andacooda in ay qutulyoon karaadsadaan dhalinyarada oo meel ay uga wadaan aysan jirin

Dad ayaa is oran kaara malaha isbaarad iyo geeldhaca waa kala roonyihiin lakiin waxba isma dhaamaan oo geelqaadnimada waa halkii la inaga soo gaaray waana xaraan quudashada meeshii ay kasoo askuntay.

Madoonaayo inaan kusii dheeraado kahadalka odayaasha soomaaliyeed iyo doorkay kulahaayeen colaadaha dalka oo waa wax aanu daah idinka saarnayn xumaan horseedka iyo marin habaabinta ay waligoodba ku hawlanaayeen.Waxaaba idinkaga filan xiligan lataaganyahay wadanka waxa qaska kawada waa odayaal qaarkood 80 kor udhaafay oo aan ka filaynay “towba yaa rabi”. Alow yaa u sheegay in gambaleelka aanu ka dheerayn oo ay haboonatahay in aduunka dhalaalkiisa iska ilaawaan .

culimada

Culimada soomaliyeed waxay waligoodba ku lahaayeen bulshada dhexdeeda ixtiraam. Markii uu soo istaago nin caalim diinta ku aflaxay ah waxaa looga sara kacaa fadhiga

Inkastoo culimada soomaliyeed ay ahayeen kuwa kasoo dhalaala kaalintoodii lakiin waxaa dhacday sanadihii colaada iyo xaaldaha ad adag lagu jiray in culima badan ay dayaceen kaalintoodii wacyigalineed waxayna intooda badan ka leexdeen waajibkii saarnaa ee ahaa in ay xaqa iyo baadilka kala cadeeyaan

Kuwa yaa ku tilmaamay jihaad dagaal beeshooda ay kula jirto beel kale,kuwo ayaa ayaa masaajido ku galayay kutubo halka wiilashood a ay isbaaro u taalay meel aan saa uga fogayn,kuwo ayaa ilaa hada u khalweeya odayaasha sharta kawada dalka ,kuwana waxayba xal u arkeen in ay mawlacyada ka hiin raagaan oo ay halkaa bunka iyo canbuulada iskaga ruugaan.

Si kasta oo ay ahaataba waxaa marag madoonta ah doorkii ay culimada ku lahaayeen kacdoonkii muqdisho ee lagu jabiyay dhiigamiiratadii dalka iyo diinatba ku iibsaday maal aduunyo. Waxaa kaloo aanan laga cudur daarankarin sida culimada uga gaabiyeen doorkoodii ayna kaalin uga qaateen colaadihii dalka waxayna ka midyihiin dadka ay sida gaarka ah muqdisho uga cabanayso

Ma liibaanayaasha lagu liibaanay.


15/05/1943 waa maalin mudan in loo dabaal dago waa aasaaskii xisbigii SYL(Somali youth league) oo ah xisbi u istaagay xoraynta dalka.Nasiib wanaag waxay gurteen miro macaan waxayna ka gungaareen ahdaaftoodii wadaniyada ku salaysnaa

iska dhimo ayaa kuu roon inta aad fadeexad la kulmin hadii aadan ku sifoobi Karin waxii ay kusifoobeen xubnihii ururkii lagu aasay SYC ee aakhirkii uxuubsiibtay SYL

maaliibaanayaasha lagu liibaabay waa oraah caan baxcxday inta wadanka kajiro qaska waana oraah xanbaarsan murti in la dhuuxa u baahan

waxaa jirta in soomaliya kahana qaadeen ururo ku salaysan qaab beelaad oo loogu magac daray USC garabka reer hebel iyo reer hebel waa bilowgii fitnada waana hoygii marin habaabinta dhalintii soomaaliyeed.

Nimankaa odayaasha ah waxay adeegsanayeen dhalinyaro kuwaasoo u fahmay xarumihii dawlada iyo goobihii dawaynaha ee iska wax u qabso lagu dhisay soomaali kastana qayb kulahaa in ay tahay goobo beel leedahay waxaan lagu bilaabay bililiqo iyo boob. Waxaa xusid mudan in wagaa bililiqada xalaal noqotay xiligaas. Ilaahaw naga kori bal gormaa boob xalaal noqday.

USC maysan jirin hadaf gaar ah oo ay kalahayd burburintii qaranka marka laga reebo nacayb qabiil iyo iyagoo u arkay in qarankii loo simanaa ay hal beel ku tagri fashay

Aragtidaa sax ayay ahayd lakiin waxay ahayd in dhalinta miyiga laga keenay loo sameeyo qorshe lagu hago hadii laga adkaado kaligii taliyihii, loona jiheeyo in wadanka uu yahay wax ay qayb kaleeyihiin lana doonayo in USC diyaar utahay in ay talada la wareegto.

Markii ay magaalada soo galeen majirin takhdiid ee boob ,kufsi , isbaaro dhigasho , iyo reer hebel hala laayo dhiigooda waa xalaale ayaa lagu mashquulay. Waxa arinkaa samaynayayna waa dhalinyaro ay ka danbayso maskax waayeel oo his iyo qabo kaliya lagu carbiyay. Waxa wiilka isbaarada kasoo shaqeeyana qoysas ayaa ku noolaa oo u arkay qutulyoon lama dhaafaan ah

Dhalinayarada waxay noqotay xiliyadii dagaladii sokeeye xaabo ay hogaamiye kooxeedyadii ku huriyaan dagalada . Diiftii dagaalka sokeeyana waxay u ahaayeen udub dhexaad oo reer qurac kama adkaan Karin reer qansax hadii uusan haysan dhalinyaradii firfircoonayd ee daroogata lagu tayo galinjiray

Alla tol beelay!!! Hoogayoow ba'ay!!!

Ereyadan aan kor ku xusay waa bilowga saan saan murugo ama colaad . hebel ayaa geeriyooday ama hebel ayaa i aflagaadeeyay ayaa daba taalla . xabadka ayay garaacdaan oo hebel ayaa maqan ee maanta hebel ima caayeen ayay arintu ku biyo shubataa waxayna katalisaa sidii ay rag iskugu dili lahayd .allow dumarku maxay shar kataliyeen

Dhaqanka soomalida gar iyo gardarro gabadha ayaa lasiiyaa markii ay is afdhaafaan qof lab ah hal mar ayaana canaan lagu kulmiyaa inanka gabadha xumeya ,lakiin gabdhaha aan saa ujecelnahay waa kuwa aduunka ugu dab hurinta og.
Meeqa dagaal oo dagaal hebel iyo dagaal hebel la oran karo oo ka bilowday fitno ay dumar kicisay ?

Waxaa hubaal ah in dhanka caraabinta ay gabdhaha soomalaiyeed ku can baxeen , raguna ay qaadan ogyihiin waxa gabdhahooda iyo hooyooyinkooda ku caraabiyaan ay u fuliyaan sida ay haweenkasi doonayaan horay ayaaba loogu maahmaahay "awr awr wada iyo nin naag wada midna kaama leexdaa"’ .lakiin ugama aysan faa'iidaysan arinkaa wadadii saxnayd. Reer hebel ayaa idinka adkaaday kaalay xirta dharkeena waxba nama dhaantaane, inagaa ayaa dharkiina xiranayno ayaa lagu caraabiyaa raga soo jabay . kuwa isleh waad guulaysateena lakiin khasaaraha dhex fadhiya ee inamo soo laayay caano iyo biyo ayaa lagu soo dhaweeyaa alalaasna kama marna meesha

Yaana ku talaxtagina arinta dumarka oo waa hooyooyinkeen,kuwa inala dhashay iyo kuwa noo dhixi doona,lakiin waa wax waadix ah in ay qayb ku leeyihiin balaayadii dalka ka dilaacday oo ilaa hada taagan.

Dhamaan waxyaabaha aan kor ku soo xusnay waxey aasaas u ahaayeem burburkii dhulkii hooyo, kuwa ayaa ilaa hada kujira oo loo baahanyahay in ay kawaantoobaan.

Waxaan iyadana u baahan in la cadeeyo in dhalinyarada iyo culimada oo aan kor uga hadlay ay qarnigan bilaabeen isbadalo ay dalka uga nadiifinayaan dadka aaminsan mabaadiida reer galbeedka iyo kala saarida diinta iyo siyaasada ku dhaqanka nidaamka qabaliga.

odayaasha ku shiraya kolba meel ee soo dhawaynaayo waxyaabaha cadawga wato waa kuwo ubaahan in si gaar ah arintooda loo darso .haweenka kolba meel calamada iyo mashxarda la wareegaayo oo ay u danbeeyeen kuwii koonis ugu mashaxaradayay itoobiyaankana waa in il gaar ah lo yeeshaa la iskuna dayaa in laga baabi’iyo waxyaabahan aan saxda ahayn ee ay ku sifoobeen.

Mooralkii wadanigiyo maxaa helay dadkaygii


Cabdi xareed cusmana aadan waa nin aanu saaxiibo nahay waana nin dhalinyaro ah suugaantana curiya. Laba sano kahor ayaan kula sheekaystay muqdisho wax uu ii sheegay sida uu ugu xunyahay waxa ka socda caasimada. Xiligaa hoogaamiyo kooxeedyo ayaa dalka ka talinaayay shirkiina nayroobina waa soo gabagaboobay waxana look ala jabay laba qayb. Waxa uu iiga sheekeeyay dhanbaal ay usoo dirtay muqdisho oo aniga c/nuur ahaan aad iisoo jiitay aana filaayo in aad ila wadaagi doontaan waxyaabaha yaabka leh ee ay muqdisho ku hadlayso iyadoo kaxun halka ay higsanaysay iyo sida ay soomaalida u dayacday.

Bal walakayga soomalaiga ahaw dhuux murtidan markii aad aqriskeeda ka bogatana u hiili muqdisho ugu yaraan in aad la murugooto hadii aadan wax kale oo xal ah u hayn

Aniga waan ku daalay muqdisho oo ilmadeeda sidaan u tiraayay ayaaba quustay ee adigana isku day in aad ila aamusiso kuna sabarsiiso in ay dulqaad u yelatoo qadarta alle waxayna u hadashay muqdisho sidatan waxa uuna cabdi xareed ku bilaabayaa hordhac uu uga cudurdaaranaayo in aysan isku fiicneyn suugaanta iyo curinteeda lakiin taa kuma raacsani saaxiibkay bilowgii suugaantiisana waa tan :

Mageecadeda guudka ah
inkastoona maansada
Micna gabay lasheegiyo
Miisaan la tirinayn
Muraadyadii dalkeeniyo
Muqdishiyo siday tahay
Markii aan ufiirsaday
Inaan maanta aamuso
Mayaan iri soomaalaay
Maankaygu iga diid
Nabadoo maqnaatiyo
Munkarbaan arkaayaa
Ma huraan walaalaha
Markii ay isdooxeen
Micno aan lagaranayn
Madaafiic isdhaaftiyo
Dhaawiciyo rasaastii
Marastoo lalaayiyo
Masaakiin qaxayseey
Ishu milicsanaysaa
Barya daalki soo maray
Maciin duul u baahnaa
Wajigooda murugiyo
Waxwalbaba ka muuqdaan
Madluun baan arkayaa
Muritidayda hadalka ah
Maqsadkeedu waa nabad
Macnaheedu waa nolol
wanaagaan kumuujiyay
colaadaan kumaanacay
maalmihii nasoo maray
hadii aan mataashado
murigiyo dhib mooyee
ileen kama macaashee
muhashada waxaan iri
muqdishaa hadleysee
waligiin mamaqasheen

waxaan maanta joogiyo
mudo badan colaadihi
mawjadaha dagaalka ah
micni li'i isgowraca
caqligeena maqaniyo
nolosheena mugdiga
muqdishaa hadlaysee
waligiin mamaqasheen

inkastoon malayn Karin
maanta waxaydin leedahay
mawarbaysan iga hayn
duulka meesha joogaa
ereyadan bal maqashii
media-ha usii mari
culumada mamoogtahay
mooralkii wadanigiyo
maxaa helaydadkaygii
mahuraanki dhalinyaro
kuwii dhaliyay maandeeq
mawarbaysan iga hayn
maalin waxaan ahaadaba
magaalooyin madaxyada
midi ugu nabdoonayd
muuqaalka bilicda leh
marna waxaan iloobayn
midaan aniga soo maray
afrikaan mudnaan jiray
marka nabad lasheegaa
maalin iyo habeenkii
farxad lagu mushaaxdii
qushi lagu meelmaro
waxba yaana mililicin
maalin waxaan ahaan jiray
hadaan maanta heli karo
waa ii muraad li'i
maantana waxaan ahay
madhaafaan ruunteydii
aan idiin macneeyee
magacaygi baa ba'ay
haday laba murmaan
hadalkana maroorsamo
isla maalin galinkeed
ama miridho dabadeed
daryan baan maqlaayaa
madaafiic isdhaaftiyo
dhaawiciyo meydkaba
waa musiibo joogta ah
muqdishaa catawgii
ereyadan kuma marisee
sida hooyo madigii
midka wiilka qura
kahaleelay mawdkii
ilmadii kama madhatee
muqdishaa hadlaysee
waligiin mamaqasheen

inkastoon malayn Karin
manta waxaydin leedahay
warmidooba waa dane
meel qudha abaara
magicii hagaajiya
horay moolka ugu dhaca
qayrkiin lameelmara
maamul iyo in layhelo
muqdishoo midawdaa
nabadoo lamaalaa
maatida daryeelkeed
marsadiyo madaarkii
in maaro loo helo
mawax laysku diidoo
lookala maqnaadaa
micnha iyo ujeedada
moogayaal ma dhuuxdeen

Gunaanad

Allah subxaanahu watacaalaa ayaa mahad dhamanateed iska leh waxaan ka baryayaa in uu nawaafajiyo khayrka wadankeenana ka dhigo meel nabdoon
Waxaan ka cudurdaaranayaa waxii khaladaad ah ee aad halkan ku aragtaan waxaana idinka codsanayaa in aad waxii dib u sixid ah iigu soo dirtaan iimeyladeeyda kor ku xusan.

cabdinur maxamed axmed
Islamabad/ pkaistan
E-mail: Nobleman254@gmail.com
Nobleman254@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com