Wiil uu dhalay Axmed Diiriye oo dalbaday in aabihii la soo daayo
Liibaan Cabdi Cali
Khartoum-Sudan
Maxamed Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Nabaddoon Axmed Diiriye oo dhawaan
lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa codsaday in xorriyaddiisii loosoo celiyo
aabihii Axmed Diiriye oo uu sheegay in aanay wax war ah ka helin tan iyo markii
xabsiga la dhigay 10-kii bishan aynu ku jirno ee Novembar xilli uu ku sugnaa
guri uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho.
Maxmed Axmed Diiriye oo haatan ku sugan magaalada Khartoum ee dalka sudan oo uu
jaamacad ka dhigto,dhawaanna ka soo laabtay somalia waxa uu sheegay in Aabihiis
markii la xiray loo kexeeyay dhanka madax tooyada ka dibna ay ka war heleen in
loo gacan galiyay ciidammada Ethiopia,isagoo intaa raaciyay in ay warkeeda hayaa
in nabaddoon Axmed Diiriye uu ku xiran yahay guriga Jen: Gabre oo ah madaxa
ciidammada Ethiopia ee jooga Magaalada Muqdisho.
Maxamed Axmed Diiriye oo lagu naaneeso " Yabooh" waxa uu intaa raaciyay in
xaaladda Caafimaad ee aabihii aysan wanaagsanayn,oo uu qabay cudurrada Sokorta
iyo Dhiig karka,oo lagala tacaali jiray xilli kasta,iyadoo dhibtaana ay ugu sii
darsantay xarigga loo gaytay oo aan suurto gal ka dhigayn in uu helo daryeel
caafimaad.
waxa uu Yabooh ku eedeeyay Maxamed Dheere iyo rag kale oo aanu carrab baabin in
ay iyagu ka dambeeyaan xariga aabihii oo uu sheegay in uusan siyaasad ku lug
lahayn,sababta loo xirayna ay tahay mowqifka uu iska taagay duullaanka ay dalka
soomaaliya ku qabsatay Ethiopia.
Waxa uuna ka codsaday cid kasta oo gacan ka gaysan karta sii daynta aabihii in
ay arrintaa u istaagto isagoo si gaar ahna uga codsaday ra'iisul wasaaraha cusub
ee maamulka Mbgatti Nuur cadde in uu howshiisa ugu horraysa ka bilaabo sii
daynta Axmed Diiriye oo gar darro lagu xiray.
Liibaan Cabdi Cali
Khartoum-Sudan
hayaan_8@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007


|