SHIRKII BEENTA AHAA (Maanso)
Maansadan waxa curiyey Maxamed Xirsi Guuleed,
taariikhdan 30-08-2007 oo ku beegan isla maalintii
ay soo shaacbaxday in shirkii Xamar ku soo
dhammaatay natiijo la´aan. Waxa jiray gabay hore oo
uu Maxamed Xirsi ku sii saadaaliyey natiijada
shirkaas.
Gabayga hore ka fiiri tusaale ahaan halkan
Wuxu yidhi:
- Shirkii beenta ahaa
- Saw wax baaba´ay maaha?
- Intii aanu bilaaban
- Bil horteed warkan sheegay
- Sow buruuf hadda maaha? (Tixraac
halkan...)’
- Waxay baaq daldaleen
- Ama buunan tumeen
- Ama maal bixiyeen
- Hal bacaad lagu maalay
- Iyo boodh la afuufay
- Sow bulshooy lama moodo?
- Raggii baadilka doortee
- Xaqqa beeca yar siistay
- maanta baylah aduunyiyo
- boori sow kuma taallo?
- Biidhi qaate hungoobiyo
- Naag busaaradi haysiyo
- Wixii buuryaqab gaalo
- laga buuxshay garaashka
- Wax miyey bedeleen?
- Mise Baaderigiibaa
- Bartuu doonayey gaadhoo
- Baahidiisi dhammaatay?
- Maxaa beeso qasaartay
- Maxaa duul sharaf belay
- Muxuu gaal balagtii leh
- Birmad doolar keenayoo
- Lagu boobay qallaylka
- Maxaa baalashleyaaliyo
- Jirri qaad u basaastay
- Inta daar laga buuxshay
- Bogga laysugu saaray
- Beel ayey metelaan.
- Fa nacuudu billaahi
- Bilaash-xayte hallaabiyo
- Bakhti-hiigyada leexday
- Ee gumayste bahaystay
Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
2007-08-30