SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Xiisad Ka Dhalatay Gabar Lagu Kufsaday Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.
  • Shirkii Dib U Heshiisiinta Qaran Ee Soo Gabagaboobay Oo Ku Dhamaaday Hal Bacaad Lagu Lisay..

Xiisad Ka Dhalatay Gabar Lagu Kufsaday Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Milayshiyo hubaysan oo beeleed ayaa kufsi fool xun u gaysatay gabar kasoo jeeda deeganka jubada hoose (waamo) iyadoo kufsigaasi dhaliyey khilaaf ba'an oo sii xoojiyey midkii siyaasadeed ee hore uga taagnaa gobolkaasi .

Gabadhan ay kufsiga u gaysteen milayshiyadani ayaa ka dhalatay nin kamida milayshiyadasi kufsiga gaysatay oo in mudo ahba ka quud daraynayey inay gabdhani noqoto ooridiisa islamrkaana ay ku gacan saydhay taasina ay dhalisay inuu niman dabley ah usoo kireeyo oo ay fara xumeeyaan .

Sidoo kale gabadha oo lagu magacaabo aamino ayaa sida ay soo weriyeen goob joogayaal ku sugan magaalada kismaanyo waxay dhalisay khilaaf keeni kara gacan ka hadal islamrkaana aysan jirin weli wax isku soo hor fariistay tasoo laga cabsi qabo inay sii murugto arintan .

C.risaaq raamaale oo kamida aqoonyahanada kasoo jeeda beelaha waamo ayaa saxaafada u sheegay inay dableyda gabadha fara xumeeyey ay ahaayeen sadex nin oo ka tirsan maleeshiyo beeleed islamrkaana ay gabadhu diiday guurkiisa mid kamida dableyda dhibaatada gaystay waa siduu hadalka u dhigaye taasina ay abuuri karto dhibaato hadii aysan arrinta wax ka qaban beesha dhibatada gaysatay. 

Shirkii Dib U Heshiisiinta Qaran Ee Soo Gabagaboobay Oo Ku Dhamaaday Hal Bacaad Lagu Lisay..

Ugu yaraan waxaa dalka soomaaliya ka dhacay in ka badan 15-shir dib u heshiisiineed kamana soo bixin wax natiijo ah oo la taaban karo ,taasoo ay sabab u tahay fara gelin shisheeye iyadoo dadka soomaalida aan marnaba fursad loo siin inay ka tashadaan masiirkooda umadeed.

Iyadoo ay isku haystaan arimaha soomalida labada awoodood ee yurub iyo maraykanka taasoo ay midba mida kale doonayso inay ka xagal daaciso oo ay gacanta ku dhigto siyaasada dalka soomaaliya oo noqday mudo 17-sano ah meel lama degaan ah oo ay haraadiga sunta nugliyerka ee wershedaha reer yurub iyo maraykanku ay ka dhigteen meel qashinka layskaga daadiyo.

Waxaa intaas dheer oo fajiciso ku reebtay muwaadiniinta soomaalida ee dhabta ah ciidamada Ethiopia oo iyagu hada ka samaystay saldhigyo milatari dalka soomaaliya iyagoo ku mar-marsoonaya inay yihiin ciidamo nabad ilaalineed oo si sharci ah wadanka kusoo galay ujeedada kasii dambaysana la oran karo waa inay wadanka qabsadaan oo ay mandaqad mandaqad ugu kala xukumaan .

Hadaba iyadoo ay jirto intaas oo dhan ayaan waxaa dowlada KMG ahi qabanqabisay shir ay ugu magac dartay shirka qaran ee beelaha soomaalida ,isagoo soconayey mudo dhan 45-cisho ah islamrkaana aysan jirin wax la taaban karo oo kasoo baxay ama cid ku heshiisay aan la ogayn hadaba miyaysan ahayn shirkii waxuu ku dhamaday hal bacaad lagu lisay ,,,

Waxaan arintaa kala shekaystay aqoon yahano soomaaliyeed oo u dhuun daloolay shirkii ka soconayey xaruntii hore ee gadiidka booliska soomaaliyeed ee magalada muqdisho ,waxaan ugu horayna wax ka weydiiyey axmed nuur maxamed xasan (madaxey ) oo ka qalin jebiyey kuliyada mamulka iyo maaraynta ee jaamacada muqdisho,waxaana ugu horayna weydiiyey bal sida uu arko shirkii mudoda bil iyo barka ah socdey waxa uu kusoo gaba gaboobay waxuuna yiri,

"shirka run ahaantii lama oran karo waa shir dib u heshiisineed ee waxuu iila muuqday shir dano gaara laga lahaa oo NGO ah " ayuu ku jawabay axmed nuuer madaxey.

Waxan kale oo weydiiyey madaxey maxaad u leedahay waa NGO miyaysan jirin heshiisyo kasoo baxay beelaha soomaaliyeed oo kale ama arin kale oo la taaban karo waxuuna ku jawaabay,

" ma jiraan wax heshiis ah oo la taaban karo oo ka dhashay shirkaas ee waxuu ahaa shir lacago lagu cunayey oo beesha caalamkana been loogu sheegay inuu yahay shir dib u heshiisineed " ayuu ku jawaabay madaxey.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com