SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shirka Mogadishu vs Asmara

yusuf issa
yusufessa@gmail.com

Waan idin Salaamayaa Somaliyey dhamaantiin,goorma eyeynu kala garan karnaa run iyo been amase dhalanteed

iyo xaqiiqda.

Shirka Mogadishu waxaa kasoo qeybgalay Ergo kor udhaaftay 1200qof waxaa soo qabanqaabisey DKM oo ah dawlad aduunyada oo dhan laga aqoonsanyahay ,Caalamka oo dhan ayaa ku bixiyey Dadaal iyo lacag,taas waxaad kagaraneysaa Ergo kor udhaaftay 1200 qof ayaa 45 cisho ufadhiyey shir,

shirkaas waxaa kasoo baxay heshiis iyo balanqaadyo badan inkastoo aynu Somaali unahay,hadaba waxaa arin laga yaabo ah in dhalinyaro aynaan garaneyn Aqoontoodu meeshay gaarsii santahay ,da'doodu inetay tahay ay webside yada kusoo qoraan shirkii Mogadishu guuldaro ayuu ku dhamaaday, Waxaa isweydiin mudan maxey uyaqaaniin guul? ma arin fudud ayey u arkeen in la isu keeno ergo kabadan 1200 qof,mise waxey dhehi karaan Somali isma dagaalsaneyn? hadey sidaa tahay maxaa xamar looga qaxay 1991 Burburkii dawladii Maxamed siyaad bare,maxaa loo qabsaday.Bay,Bakool,Shabeelada hoose, Jubada hoose, maxaa dagaal loogu qaaday Hiiraan,shabeelada dhexe,Maxaa Xamar qadka Cagaaran looga sameeyey? maxaa loo degay xarumahii dawlada? maxeynu 16 sano dawlad la'aan u hayn ? maxaa shirkasta oo la isgu yimaado loo dhehaa looma dhama? ama anigaa qeybtiinee baa maqan? maxaa loo sameeyey 4.5 ? maxeyse Maxakamadahii uburbureen? maxey yihiin qurtba joogta aad maqashaan?waxaas oo dhan waxey aheyd qabiil,Somali iney qabiil dhaafto waa calaacal timo kasoo baxeen,waxaan kaloo idiin sheegi DKM waxey ku dhisantahay qabiil,marka hadey wax inoo dhisanyahiin,

hadey Frame Dawladeed aynu qabnaa ,yeeynan dhulka ku dhifan,hadeytaasu dhacdo: C.laahi yusuf,Cali maxamed geedi, Adan madoobe,Maxamed dheere,Qanyare,Qeybdiid,Gacma dheere iyo raga kale aad taqaaniin Qabiil bey kadhasheen waxaana shaki ku jirin raga dibada ordaya ee danyarta beenta usheegaya iney qabiiladooda dhexdooda kaga raganimo badanyahiin,markaa haddii la ciideyo hadde Somali Dawlad cirka bey ujirtaa,waayo isma bedeleyno qabiilkii ayaa meeshisii taagan ,

Dawlada waxaa soo dhisey ragii ku adkaaday codka qabiilkooda ,qabiiladoodiina sidii bey utaagersnayahiin ,ee qurbo joogta ,bulshada rayidka iyo barlamanka xorta ah haloo sheego ragii baa idinsugaya,Ethiobia kursi gaaban bey ku fadhidaa weyna cadeysay oo maanta been isu sheegi meyno Dawlad aan gacansaar lalahayn ka dhalanmeyso Somalia ,taasna waxeynu marqaati u hayn 16sano ee ina soo dhaaftay marka ilaah mooyee cidkale inooma maqna ilaahay swt ineynu isdulmino inaku taageeri maayo,Waxaa soo hara Maxakamado waxaan idinleeyahay haddii mar laidinjeclaa la idin nac oo Xukun doon baad tihiin idinka iyo c/laahi yusuf isku mid baad tihiin isagaaba idin dhaama oo dariiqyada miino kuma aaso ,ciidan lebisan buu ladagaalamaa,ee shacabka wanaag ,akhlaaq,cilmi ,sabur ,nasteexo,qabiil la'aan hawlahaas baad ku kasban kartaan ee qori caradii waxba ku keeni meysaan ,talona sheydaan baa idin seejiyey oo hada waxaad tihiin markaan tabar hayey talo mahayn ,haatan aan tabar hayna talo baan hayaa! shicib caadiya baad tihiin weliba dembiilayaal ah oo umaddii laayey,miinoyin u aasay cadow ka xoog weyn intey xabad ku ridaan shicibka ku dhexdhuunta hadaad runsheegaysaan soo gashada dhar iyo calamado la idinku yaqaan imisa shicib masaakiina ayaa dartiin u xirxiran ,loo laayay,xageey ku taal in shicibka la dhibaateyo,Musliimiintu iyagoo tabaryar ayey cadowgooda oo boqol jeer kabadan Dagaalkii beder iyo uxud kula balamayeen,war sidaan la idinkuma taageri karo ee xal keena shicibku diyaar buu uayahy diinta islaamka,midkalena waan usheegi Sheikh shariif iyo Xassan daahir adeer goobta dagaalka imaada Suubanahii nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato ayaa dagaalamayey,waxaase ceeb ah inaad baqdaan oo weliba qeybtiin tiraahdan waa nala dilayaa,ma nin diinta udagaalamaya baa hadana dheha anigaa la iraadinaya,waa run waa lagu raadin ee xaqa ku dhimo,intaad magaca Jihaadka iyo xoreynta somaliya nisbeysanlahayd ayaad rabtaa inaad sariirtada ku dhimato ,

saxiibayaal C/laahi yusuf maalintii shirka ufurayey ee gantaalaha aad soo tuureyseen waxuu yiri habiqina meeshaad usocotaanba xabadu wey idinku haleeli kartaa? mise waxaad rabtaan inaad noolataan oo Madaxweyne Noqotaan? mayee sidaa maaha ee waxii hara baa talada uharaya ee tusaale noqda safka horena gala sida ragiina udagaalama!anaga Asmara iyo Adisababa nooma kal sokeeyan "muslinka Adis jooga baana ka xoriyad badan kan Asmara jooga" ee horta fiiriya Muslinka Ereteria dhibka ay kujiraan, midkalena waan idiin sheegin shirka Asmara lagama Ogola fikrado ee waa in dawlada iyo Ethiobia lala dagaalamo ,hadafka iyo ujeeda wey qoratahay oo Afwerki nin kaftama maaha!

w/salaam ww

 

yusuf issa
yusufessa@gmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com