Dariiqa Toosan 1/1
Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com
Qaybtii: 1aad
Baroortu orgiga ka wayn
Waxaa shabakada internetka gaar ahaan wesite-ka somalitalk kusoo baxay
taariikhdu markay ahayd 27/08/07 maqaal cinwaankiisu ahaa :- Bayaankii
shabaabka: Islamiyiinta iyo aayaha umada, maqaalkaaso oo uu qoray nin
layidhaahdo c/raxmaan warsame.
Wuxuu ahaa maqaal xambaarsan wax runtii ka durugsan cinwaankiisa,hayeeshee
leh ujeedo kale oon qarsoonayn.
Waxaan filaayay in uu ka hadlayo qodobo aanuu ku qanacsanayn oo uu ka kasoo
horjeedo amaba uu la dhinacyahay oo ku saabsan bayaankii ay soo saartay xarakada
shabaabka mujaahidiinta soomaaliyeed, hadii laga tagi-waayo waxaa uu sheegay hal
qodob oo uu ku sheegay c/raxmaanm in xarakada shabaab aanay bayaankeeda ku
sheegin in somalidu hal diin wada wadaagto, balse ay sheegeen oo kaliya in ay
wadaagto dhulka, dhaqanka iyo luqada uun.
Intaa wixii ka dambeeyey wuxuu c/raxmaan garaacay albaabo kale oo siduu
c/raxmaan sheegay in badan uu ka aamusnaa madixiisana ka guuxaysay, oo uu hada
jabiyay gidaarkii aamusnaanta, doonayana in lagala doodo.
Waxaan leeyahay C/raxmaan waxaad garaacday albaab garaaciisa aanaad adigu ugu
horayn se lagaag horeeyey, wuu-se ku cusubyahay inta badan saxwada somalida cida
aaminsan afkaartaas oo kale.
Afkaarta uu inta badan c/raxmaan kusoo bandhigay maqaalkiisa waa afkaar leh
rag looga dambeeyo, oo arinkaas hadh iyo habeenba ku dhawaaqa, kuna dooda waa
afkaar leh kooxo kala duwan oo arinkaas aaminsan, waa dariiq waayadan dambe soo
baxay oo hadaanuu c/raxmaan aqoon iyagu isu yaqaana Islaamka dimuqraadiga ah,
inta aan qoraalkan wadnana waxaan magacooda usoo gaabin doonaa DEMOISLAM.
Hadaba inta aanaan qodobadaan ku qoonsaday maqalka c/raxmaan mid mid isu
dultaagin waxaan jeclaystay in aan in yar is dultaago cida ay yihiin
DEMOISLAM ama dimuqraadiyiinta islaamiga ahi, waana runtii mawduuc u baahan
in kalidii
wax laga qoro oo loo gaaryeelo qoraalo ama maqaalo, dhawaana waxaan
rajaynayaa in aan wax ka diyaariyo mawduucyo ku saabsan kooxdan cusub iyo
qaybeheeda, marka hore-se aan ereyo kusoo koobo qeexida guud ee qoladan si aynu
ula hana qaadno maqaalka oo faham guud ka haysano marka magocoodu ina soo maro.
DEMOISLAM waa koox isku tilmaama in ay yihiin fikiryahano islaamiyiin
ah oo ay aad ku yartahay aqoonta diineed, wayse jiraan culimo faro ku tirisa oo
arinkaas la qabta, maqaalka aan gadaal kasoo qoridoonona -hadii alle idmo-
culimadaas waxay ka leeyihiin iyo siday culima muslimiinta badankooda u
khilaafeen waynu soo bandhigi-doonaa.
DEMOISLAM waa koox doonaysa dawlad islami ah laakiin aan ahayn tii uu
rasuulku scw uu ka taagay madiina, waa koox la dhacsan sida reergalbeedka iyo
maraykanku ay mushkiladahooda u xalistaan arimohoodana u maraysteen xalkaas oo
ah nidaamka dimuqraadiga ah (democracy).
Waxaa la wada ogsoonyahay in ay dimuqraadiyadu tahay in dadku sida ay doonaan
isu xukumaan, oo lagu dhiso axkaamta umada rabitaanka aqlabiyada, xaq majiro
inta laga badanyahay cida xaqa ku doodaysa ama doonaysa, sidoo kale baadil ma
jirro inta laga badanyahay cida baadilka wada ama u ololaynaysa.
Ma jiro wax biri ma gaydo ah oon meeshiisa ka dhaqaaqini, diini ma jirto inta
ay yaryihiin cida doonaysa diinta, xaaraani ma jirto inta cida jeceli
badantahay, waxaase laga yaabaa in bari ay caksiga noqoto.
Waa nidaam diinta islaamka si toosa uga soo horjeeda, waayo? dimuqraadiyadu
waxay ku dhisantahay tiirar sadexa
- 1- Waxaad doonto rumee(Xoriyatul ictiqaad)
- 2- Waxaad doonto ku hadal (xoriyatul qawl)
- 3- Sidaad doonto u ganacso (raasamaaliyah)
Hadii aan si guud mid mid ugu dul-marno sadexdaas tiir waxay noqonayaan
sidan:-
1- Waxaad doonto rumee (Xoriyatul ictiqaad) waa in uu qofku diintuu
doono qaadan karo, fikirkii uu doonona uu ku qanci karo, fakir cusub ama
ictiqaad cusubna uu samayn karo, qofku diintuu doono qaadan karo maanta barina
ka tagi karo oo mid kale qaadan karo, hadaad shalay islaam ahayd waa suura gal
in aad maanta dab caabud noqotaa dambina kuma aha nidaamka dimoqraadiga ah
dhexdiisa, ee waaba mid ka mida rukumadeeda adadag ee ay ku taagan tahay
la'aanteedna ma noqon kartid dimuqraadi.
2- Waxaad doonto rumee (Xoriyatul ictiqaad) ma jirto qofka hadal ka
xaaraan ahi, wax wanaagsan waad caayi kartaa waanaad amaani kartaa, sidoo kale
wax xun waad amaani kartaa waanaad caayi kartaa. Waxaa tusaale inoogu filan
sidii dhawaan wadamada galbeedka suubaneheenii nabi muxamed csw loogu
xalaalaystay aflagaadayntiisa iyadoo gabaad laga dhiganayo magaca
dimoqraadiyada.
3- Sidaad doonto u ganacso (raasamaaliyah) waa nidaam dhaqaaleed
dadka u ogol in ay wax walba ka ganacsadaan waxyaalaha ay aqlabiyada dadku
diidaan ee dhibka keenaya moonaye sida mukhadaraatka qaarkii, ma jirto ribo
xaaraani, mana jiro iib xaaraan ahi, waa nidaam saamaxaya in suuqyada caalamiga
ah ama maxaliga ah ay dhowr shirkadood qaybsadaan (Cartel System) cid kalena aan
waxba looga ogalyn, siday doonaana ay ugu ciyaarayaan sicirka badeecadaha. waa
nidaam tujaarta aad ugu daneeya fuqaradana aad ugu daran oon u naxariisan.
Markale waxaan leenahay Demoislam waa koox u adkaysan wayday dulmiga qaska
musuqmaasuqa iyo baa'ba'a ay madaxda carbeed ama madaxda dawladaha islaamku ku
hayaan shucuubtooda, dabadeeto xalka ka eegay meel aanuu xal jirin,
waxay is moodsiiyeen oo isku qanacsiiyeen in sida uu reer galbeedku
arimihiisa u maamusho ay iyana u maamushaan, iyagoon eegin farqiga u dhexeeya
ladaba bulsho, hadii ay noqon lahayd diin ahaan, iyo dhaqan ahaanba, wuxuu yidhi
ilaahay sareeye isagaa xumaan ka nasahane ((Miyaanu muslimiinta ka dhignay
sida dambiilayaasha oo kale)), waxaa intaas oo dhan ka wayn oo aanay is waydiin
in islaamku uu jiray dimuqraadiyada horteed, oo uu mushkiladihiisa
xashanjiray isagu oo uu ku noolaa nolol iyo xadaarad ay dunida inteeda kale
ku dayato, laakiin maalintii isku xukunkiisii aynu ka dhaqaaqnay ayuu ilaahay
inagu saliday xukaam iyo xukuumado daalimiin ah.
Arinkaas dambe ee aynu tilmaamnay waa arinka uu walaalkeen c/raxmaan carabka
aadka uu ugu adkeeyay, bal aynu wax yar qoraalkiisa kasoo qaadano isagoo ka
hadlaya in aynu umadaha kale uga dambayno waxyaalo uu islaamku inoo
dajiyay laakiin aynu inagu iska indho marinayno, wuxuu yidhi c/raxmaan:
"waxaan shaki ku jirin in maanta ay muslimiinta (Muslimiintu) marti uga
noqonayaan umadaha kale sida sida doorashadda loo sameeyo, sida loo xadeeyo
loolanna xisaabtamo hay’adaha dawladda, sida ay uwada shaqaynayaan iyaga
qudhoodda, sida maamulka iyo maaraynta loo jideeyo, sida maalka iyo dhaqaalaha
loo maamulo, sida horumarka, tacliinta, cilmibaarista loo qaabaadhigo, sida
tayadda iyo waxqabadka adeega guud loo koontaroolo, sida ciidanka , booliska,
taraafikadda loo agaasimo, sida
canshuurta, zakadda, samafalka loo maareeyo, sida kaabayaasha dhaqaalaha loo
taago, sida maalgashiga iyo xiriirka dawliga loo maamulo, diblomaasiyadda iyo
danaha isku dhexmilgan ee dunidda loo kala furdaamiyo, sida,,, sida,, sida"
Kalmadahaa ugu dambeeyey ee aynu hadalkii c/raxman kasoo qaadanay waa
qodobada ugu muhiimsan ee ay ku dhisanyihiin Demosilami-yiintu.
Intaa hadaan kaga gudbo fahamka guud ee dimuqraadiyada iyo Demoislami-yiinta,
waxaan wixii qormadan ka dambeeya kusoo gudbin doonaa qodobo dhawr ah oon aad u
qoonsaday oo uu uu c/raxmaan u dhigay sida aan xaqiiqda ahayn
lana odhan karo c/raxmaan wuxuu aad isu dhex galiyay xaq iyo baadil badan.
Qodobada inta ugu muhiimsan waxaan kusoo koobi lahaa:-
- 1- Dooda c/raxmaan waan soo dhawaynayaa.
- 2- Xaqbay ahayd qaadacaada shabaabka ee shirka asmara.
- 3- Fahamka guud ee siyaasada sharciga ah ee muslimiinta.
- 4- Kaalinta culimada.
- 5- Danta umada.
- 6- Xayaabo-tirka Heshiiskii xudaybiyah.
- 7- Xalka qadiyadeena.
- 8- Maxaa inala gudboon.
- 9- Gunaanad.
Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.comQoraalkii C/raxmaan ee:
Bayaankii Shabaabka:
Islaamiyiinta Iyo Aayaha Umadd
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
31, 2007


|