SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

MAXAY DHAQAATIIRTU KA YIRAAHDEEN CIYAARTA (PLAY STATION-KA)? 


     W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro.

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

                 yaxyekhasaaro@gmail.com 

Iyadoo carruurta Adduunku ay xilligan aad ugu mashquulsan yihiin ciyaarista ciyaarta GAME-ka loo yaqaanno (Play Station) ayaa haddana markii ay ciyaartaasi ku gaaraan illaa goor dambe oo habeenkii ah waxaa loo baahan yahay in ay ku baraarugaan Aabbe iyo Hooyo walba, maxaa yeelay waxyaabaha waqtiga fara badan lagu bixiyo mararka qaar waxay leeyihiin astaamo muujinaya natiijooyin aan wanaagsanayn.

      Inkastoo ciyaartani ay leedahay shacbiyad aad u weyn, isla markaana Dadka Waaweyn xitaa u soo jiidato sida carruurta yar-yar ayaa baaritaanno fara badan oo horey loo sameeyay, qaarkoodna illaa iyo hadda ay socdaan waxa ay muujiyeen saameynta caafimaad ee Shaashaddani Play Station-ka oo waqti badan indha lagu taagaa ay ku yeelan karto laacibiinta  dheela.

      Baaritaan ay sameysay shirkadda qaabilsan suuq gelinta ciyaartan Play Station-ka ee dalka Mareykanka Bishii April ee tagtay ayay ku sheegtay in 8.5% carruurta Mareykanku ay yihiin kuwa joogtada u ciyaara Play Station-ka, halka Ingiriiskana daraasad la sameeyay Bishii November ee sanadkii tegay lagu caddeeyay in 12% kuwa ciyaara Game-kani ay yihiin kuwo si aan kala go’ lahayn u ciyaara, balse Natiijada Koonfurta Korea ayaa ah mid ka duwan dalalka kale, iyadoo 2.4% dadka ku nool beledkaasi isla markaana da’doodu u dhexeyso 9-39 ay si joogto ah oo aan caadi ahayn u ciyaaraan Game-kan mashquulka badan ee Play Station, halka 10.2% ay iyaguna ku sii socdaan in ay joogteeyaan ciyaartan.

      Dhinaca Caalamka Carbeed ayaa waxaa isa soo taraya khatarta laga soo sheegayo ciyaarta Play Station-ka, gaar ahaan iyadoo dad badan ay ku soo biirayaan taageerayaasha ciyaartani.  Waddanka Saudi Arabia ayay dhaqaatiirtu iyo macallimiinta Tarbiyadu ka digayaan  khatarta ku imaan karta carruurta saacadaha badan ku bixiya dheelista ciyaartani, iyagoo xusay in Khatar caafimaad ay kaga imaanayso dhinaca Jirka, Maskaxda, Unugyada iyo Lafta Dhabarka.

      Dr. Sayid Absad oo ah dhaqtar ku takhasusay Qalliimada Maskaxda iyo Unugyada ee Isbitaalka Damam oo ka hadlayay khatarta xun ee ay leedahay ciyaartan Play Station-ka, gaar ahaan markii waqti fara badan lagu bixiyo waxa uu sheegay in ay keeni karto aragga yaraada, Laf dhabarta oo dhaawac iyo xanuun uu ku yimaado iyo hoos u dhac ku yimaada Maskaxda bani’aadamka.

      Dhaqtarku waxa uu intaa ku daray in canuggii si aan kala joogsi lahayn u ciyaara ciyaartani la arko canugga oo cadaawad la soo baxa, jecel buuqa iyo dagaalka, isagoo sidoo kalena ku nuux-nuuxsaday in ay haboon tahay in carruurta loo nidaamiyo waqtiyadooda, lana yareeyo waqtiga ay ciyaarayaan Game-kani, isla markaana la ciyaarsiiyo ciyaaraha noocyadooda kale, sida Dabaasha iyo Kubadda Cagta oo faa’iido weyn u leh Jirka.

      Sidoo kale Dr. Mohamed Nimcan oo ah dhaqtar qaabilsan cudurrada Dhimirka, khibrad weynna u leh isla markaana xubin ka ah Golaha Dhaqaatiirta Ingiriiska ayaa isna mar uu ka hadayay (Play Station)-ka waxa uu yiri “Waa in aan mar walba ogaannaa in waxyaahaha la joogteeyo aysan ku koobnay Mukhaadaraadka iyo Khamriga, balse calaamadaha ka soo daahira carruurta joogteysa dheelista ciyaartani ay ka mid yihiin Carruurta oo dareenkooda waaya, Hurdada oo ka tagta, in uu ka fogaado Qoyskiisa, Isagoo la soo baxa falal qallafsan sida isagoo Carooda mar walba oo uu qof isku dayo in uu ku yiraahdo war iska yaree dheelista ciyaartani, waxaa kale oo jira in canugga lagu arko Qalqal, Waswaas iyo isagoo dareemin Raaxada.

      Dhaqtarka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in carruurta joogteysa ciyaarta Play Station-ka ama ciyaaraha kale ee laga dhex ciyaaro Computer-ka ay yihiin carruur waayay kaalintii waalidkood iyo kuwo aan laga war qabin, Sidoo kale waxa ay dhaqatiirtu isku raaceen in ciyaarhani ay si weyn carruurta kaga mashquuliyaan dhinaca Tacliinta iyo horumarka,  iyo akhlaaqda wanaagsan, iyagoo xusay in Ciyaarahani ay ka wanaagsan yihiin kuwa Dadka badan lagu ciyaaro ama ay wada ciyaaraan carruurta isla wada dhalatay ama deriska ah, taasoo farxad weyn iyo is jecel ku abuurta carruurta.

      Hooyo lagu magacaabo Umu Fahad ayaa waxay tiri “Wiilkeyga Fahad da’diisu waa 9-sano jir, waxa uu si ba’an u ciyaaraa ciyaarta Play Station-ka, isagoo saacado badan dul fadhiya shaashadda, waana ku guuldarerysanay in aan ka joojinno ciyaartan, isagoo xifdiyay dhammaan waxyaabaha ku dhex jira Play Station-ka oo ciyaaro ah, waxaana uu aaminsan yahay in PEPSI MAN oo ah nin ku dhex jira ciyaartaasi uu yahay ninka ugu xoogga badan Adduunka”.

      Umu Cali oo iyana ka hadleysay isla ciyaartani waxay tiri “Carruurteydu mar walba waxay dheelaan GAME-kan, mar walba waxay diidaan in ay si wadajir ah noola Cunteeyaan, ama in ay si wadajir ah nagala qayb qaataan dalxiisyada iyo dibad bixidda, sababtuna waxay tahay sida weyn ee ay u jecel yihiin Play Station-ka”.

      Geba-gebadiina Dalal ay ka mid yihiin China iyo Korea ayaa bilaabay sameynta Goobo lagu dhaqan celiyo carruurta daa’imtay dheelista ciyaartani, iyadoo arrintanina ay ku dayatay Europe waxaana magaallada Amsterdam sedan oo kale Bishii June ee la soo dhaafay ay fureen xarun lagu diyaariyay Dhaqaatiir dib u soo celisa maskaxda iyo rajada laga qabo carruurtani ku waashay ciyaartan, iyadoo dhaqaatiirtuna ay kaashanayaan carruurta ehelkooda iyo saaxiibadood bal si maskaxdooda looga gooyo ama loo yareeyo isticmaalka ciyaartan khatarta ah ee Play Station-ka.

W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro.

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

                 yaxyekhasaaro@gmail.com 
 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com