SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKII: AUG 30,2007
  • Kulamo ka dhacay Dubai

  • Banaanbaxyo Dhinaca Maceeshada ah Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Gobolka Sh.hoose.

  • Qarax Bambaano Oo Dhaawacyo Gaystay Oo Arbacadii Markale Ka Dhacay Isgoyska KPP Ee Magaalada Muqdisho.


Kulamo ka dhacay Dubai

Magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay oo ay taariikhdu aheyd 29ka August 2007 ayaa waxaa halkaas ku kulmay Somalida Dibedda ee u socotay Asmara, Sharif Hassan Sh. Aden, Zakariye iyo Hussein Eideed. Shaqsiyaadka Somalida dibedda ayaa iyagu fursad u helay oo ay kula kulmeen shaqsiyaadka baarlamaanka xorta ah iyagoo ka wada hadlay kulanka la filayo inuu ka bilowdo Asmara 1da September.

Waxaa isna halkaa joogay Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo isagu safar gaaban ku joogay UAE. Mudane Eng. Yarisow ayaa halkaas kulammo la yeeshay Mudane Hussein Eideed, Mudane Zakariye Haaji, Mudane Sharif Hassan iyo shaqsiyaad kale oo iyagu u socday magaalada Asmara. Shaqsiyaadkan ayaa ka wada hadlay waxa la filayo inay ka soo baxaan kulanka Asmara, waxaana la isla gartay in la tixgaliyo marxalladda siyaasaddeed ee waddanka lana dhiso urur xoogan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan qeybaha bulshada soomaaliyeed, kaasoo u istaago sidii waddanka looga saari lahaa ciidamada Ethiopia. Mas'uuliyiintan ayaa iyagu xusay in maanta ay tahay maalintii ay ummadda soomaaliyeed ku midoobi lahaayeen oo ay mudnaanta koowaad siin lahaayeen in waddanka xal siyaasaddeed oo waara loo heli lahaa.

Waxaa la filayaa in dhammaan ka qeybgalayaasha kulanka Asmara ay isagu tagaan magaalada Asmara ka hor 1da bisha September oo la filayo in kulnka uu si rasmi ah u bilowdo.

SC (somali concern)


Banaanbaxyo Dhinaca Maceeshada ah Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Gobolka Sh.hoose.

Banaanbaxyo lagu diidan yahay diidmada ay ganacsatadu ku diideen lacagta sh,somaliga ah ee duuga ah ayaa maanta ka dhacay meelo kamida gobolka sh.hoose .

Banaanbaxaasi oo lagaga soo hor jeeday ganacsatada gobolka shabeelada hoose ay ku diideen lacagta jilicsan ee duuga ah iyadoo ay banaan baxaasi ka qayb qateen boqolaal dad ah oo isugu jira haween iyo caruur kuwaasi oo socod dheer ku soo maray wadooyinka magaaladaasi.

Sidoo kale banaanbaxayaasha oo badankoodu ahaa dadka danyarta ah ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah ganacsatada diidan isticmaalka lacagaha duugga ah iyo kuwa jeex-jeexan ee Sh.som ah .

Banaanbaxyadan oo badankoodu ka dhacay degmada kuntur-warey ee gobolka shabeelada hoose ayaa ka turjumayey isticmaalka lacagaha jilicsan wee soomaaliga ah oo dhowanahaba ay ganacsatada gobolkaasi kasoo hor jeesteen islamrkaana isla gobolkaasi ay ka jireen sicir barar baahsan taasoo kor uu qaday sicirka cuntada iyo quutul daruuriga .

Qarax Bambaano Oo Dhaawacyo Gaystay Oo Arbacadii Markale Ka Dhacay Isgoyska KPP Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada gaysanaya dhaawacyada iyo dhimashada ayaa weli ka soconaya caasimada muqdisho iyadoo maanta Qarax kale oo bambaano ka dhacay isgoyska kaasa bobolaare ee degmada hodan ee magalada muqdisho qaraxaas oo lala beegsaday qaar ka tirsan ciidamada booliska dowlada KMG ah,

Qaraxan bambaano ayaa gaystay dhaawaca labo qof oo rayid ah oo mid kamida ay tahay haweenay lahayd goob shaaha lagu kariyo iyo hal nin oo xiligaa ku sugnaa goobtaas lagu qaxweeyo oo ku taala isgoyska kaasa bobolaare ee magaalada muqdisho iyadoo sidoo kalena la sheegay inuu ku dhawacmay hal askari oo kamida ciidanka booliska sida uu saxafada u sheegay mid kamida dadka ka ag dhowaa goobtaas qaraxa bambaano lagu tuuray.

Sidoo kale iyadoo badanaaba qaraxyada ka dhacaya caasimada muqdisho ay gaystaan khasaare nafeed oo soo gaara dadka shacabka ah iyo cida lala beegsadayba ayaan hadana si dhaba loo ogaan tirada rasmiga ah ee kasoo gaara khasaaraha iyadoo loo aanaynayo goobaha qaraxyada ka dhacaan oo lagu kala cararo oo qof kastaaba naftiisa kala baxsado goobtaas iyadoo ay ciidamada booliska dowladuna ay marka ay goobta soo gaaraan ku qab-qabtaan dadka shacabka ah ee ay ugu yimadaan goobahaasi.

Si kastaba ha ahaatee qaraxyada iyo weerarada bambaano ee badanaaba lala beegsado ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba masuuliyiintoodaba ayaa noqday mid ka dhaca caasimada maalin kasta .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com