-
Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay inta u dhexeysa SOS iyo Suuqa
Xoolaha
-
Labo nin oo wadaado ah oo xalay lagu
dilay Wadajir
-
Wafdi Saraakiila oo ka socday Dowladda Burundi oo dhawaan yimid
Magaalada Muqdisho
-
Faysal Cali Waraabe “Dowlad waxay dowlad
ku noqotaa dadkeeda, laakiini..”
Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay inta u dhexeysa SOS iyo Suuqa
Xoolaha
Dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay inta
u dhexeysa deegaanka SOS iyo Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa,
waxaana halkaasi si weyn looga maqlayey madaafiicda kala duwan ee ay
is weydaar-sanayeen dhinacdii dagaalamay.
Iska hor imaadkaan oo bilowday 9:30
xalay, ayaa u dhexeeyey ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo
hubeysan oo aan la gareyn kuwaas oo weerar ku soo qaaday ciidamada
Dowladda Federaalka ee iyagu halkaasi saldhiga ku leh.
Wararka halkaasi ka imaanaya ayaa
sheegay in weerarkaas oo ahaa mid culus uu keenay qasaare kala
duwan, balse ma jiraan warar si rasmi ah u caddeyna qasaaraha dhabta
ah ee halkaasi ka dhacay.
Dadka deegaanka Heliwaa ayaa sheegay in
aysan habeenkii xalay indho isku geyn, isla markaana ay u adkeysan
waayeen madaafiicda la isku tuurtuurayey, waxayna sheegeen in markii
dambe ay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Warshadda Baastada iyana
bilaabeen in ay ridaan madaafiic culus oo aan la garaneyn cidda ay
ku ridayeen.
Deegaanka Heliwaa ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo badanayey
weerarada dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ee iyagu
deegaankaasi ku sugan, waxaana la arkayey dad fara badan oo iyagu
isaga qaxayey halkaasi maalmihii ugu dambeeyey, iyagoo dadku
sheegayaan in aysan u dulqaadan Karin madaafiicda aan loo meel
dayeen ee qolowaliba qololada kale la beegsaneyso.
Labo nin oo wadaado ah oo xalay lagu
dilay Wadajir
labo nin oo rayid ah ayaa xalay kooxuhu
hubeysan waxay ku toogteen xaafadda Abagado ee degmada wadajir ee
magaalada Muqdisho.
Labada nin oo lagu kala magacaabi jiray
Muumin Daahir Macallin iyo Xaaji Magan ayaa ahaa labo nin oo wadaado
ah isla markaana ka mid ahaa Dariiqada Ahlu-Suna-Alwajameeca, sida
uu sheegay Sheekh Siciidoo ka mid ah ehelada labada nin.
Sheekh Siciid ayaa sidoo kale sheegay in
aan la garaneyn sababta loo dilay labada nin, waxa uuna tilmaamay in
raggaani ay waqtiyadii ugu dambeeyey ka shaqeynayeen dhismo, sidaas
darteedna aysan jirin waxyaabo kale oo ay ku lug lahaayeen.
Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho ku
soo badaneyey dilka dadka rayidka ah, iyadoo maalintii shalay ahayd
6 qof ay ku naf waayeen rabashado qarax oo ka dhacay Isgoyska
Hawl-wadaag ee suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna tirsada dadka shalay
la dilay ka dhigeysaa 8 qof, iyadoo ay jiraan dad badan oo iyana
horey falal dil ah loo gaystay.
Wafdi Saraakiila oo ka socday Dowladda Burundi oo dhawaan
yimid Magaalada Muqdisho
Wafdi Saraakiil ah oo ka socday
Dowladda Burundi ayaa doraad soo gaaray Magaalada Muqdisho,
waxayna kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan Ciidmada Dowladda
Federaalka iyo waliba Ciidamada Midowga Afrika. Wafdigaan ayaa
la sheegay in Magaalada Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay kormeer
ugu sameyn lahaayeen goobaha lagu wado in la dejiyo ciidamada
Burundi ee iyagu imaanaya wadanka Soomaaliya, kuwaas oo la
sheegay in ay ka qayb-qadanayaan hawlgalada ay Ciidamada Midowga
Afrika ka wadaan Magaalada Muqdisho. Kabtanka ciidamada Midowga
Afrika gaar ahaan kuwa Uganda Baddy Andkunda oo isagu xaqiijiyey
in saraakiishaan ay Muqdisho soo gaareen ayaa sheegay in sida
ugu dhaqsiyaha badan ay Dowladda Burundi ciidamo ugu soo direyso
dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu sheegay in wafdigaani uu isla
doraad dib ugu laabtay dalka Burudni. Dowladda Burudni ayaa
bishii July shaacisay in ay ciidamo xoojiya nabad ilaalinta
Soomaaliya u soo direyso dalka Soomaaliya. Ilaa 1600 oo Askari
oo ka socda Midowga Afrika gaar ahaan dowladda Uganda ayaa hadda
ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan hawlo badan ka qaban
Magaalada Muqdisho, marka laga reebo ilaalinta Dekedda weyn,
Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Madaxtoonyada, iyagoo aan ka
qayb-qaadan hawlgalada baaritaan ee Ciidamada Dowladda
Federaalka iyo kuwa Itoobiya ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID ee
Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay mamnuucidii ay waaxda
socdaalka Dowladda Federaalka ku mamnuucday Diyaaradihii ka imaanaya
dhulka Somaliland, waxa uuna Faysal sheegay in taasi tahay mid
nasiibdaro a h, isagoo carabka ku dhiftay in isagu uusan aqoonsaneyn
wax Dowlad Federaalka ah oo jirta. Faysal ayaa sheegay in Somaliland
aysan tixgelineyn hadalka ka soo yeeraya waxa uu ugu yeeray dowlad
isku sheeg, balse iyagu ay soo dhaweynayaan dadka Soomaaliyeed ee
Muqdisho ka soo cararaya waxa uuna yiri “Dowlad waxay Dowlad ku
noqotaa dadkeeda, balse mid iyagu dadkeeda shisheeye u soo
adeegsaday dowlad ma ahan”.