SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SHIKA CASMARA WAA LABA QAAWANI ISMA QAADDO

Cabdiraxman Sh. Ismacil(Abuuturaab)     AUG 27 2007

BISMIL-LAHIR-RAXMANIR-RAXIIM

Ilaahow Somaliya u naxariiso oo nabad u keen, Aammiin. 
 

La yaab.

1- Waxa wax lala yaabo ah madaxweynaha Elitrea Afworki oo ah nin dhaqdhaqaaqyada Islamiyinta iyo Islaamkaba neceb, In badan oo ka mida  muslimintii Elitrea dalka ka cayrshay, in uu helo urur sheeganaya Islamiyiin oo uu ku adeegto.

2- Afworki oo ah nin dagaalka iyo wax isku diridda ku sixran, aanna xirfad kaleba lahayn, inuu gartay iney u khasaaro yartahay inuu Itoobiya kula diriro dalka Somaliya.

Su'aal;

1- Ururka maxakimta oo horey ugu guul dareystay in ay yeeshaan hal guddoomiye, iyo ururada uu casuumay ma guddoomiye cusub bay ku heshiin doonaan, mise sidii maxaakimtay jaanta furan noqondoonaan?.

2- Maxakimta oo aygoo dawlad xoog la'eg dalka Itobiya ka difaaci waayay ma ayagoo dooxataa bay dalka ka saari doonaan?.

Suugaan;

1- waxa la yiri dhurwaa baa hal iyo nirigteed u yimid, hashii candhaduu ka goostay nirigtiina faruuryuhuu goostay, markaasuu isku holliyay, markuu arkay in aan nirigtu waxba nuugi karin, buu intuu qosol la dhacay yiri maxay ku nuugin maxayse ka nuugun,

2- Cabdullahi Siyaasi wuxu ku tilmaamay shirka Casmara laba qaawan isma qaado, anna waa ku raacay.

Talo;

Waxan kula talinayaa Sh. Xassan Dahir Aweys iyo Sh. Sharif  Sh.Axmed

1- Intaad aarsada leedihiin af libaax ha galinina, Afworki yuusan idin liqin.

2- Dawlad Islama iyo jihaad magac dishee, dacwada, iyo fidinta diinta ha u baas noqonina.

Caddaalad darro

Waxa caddaalad darro ah, iyo diinta oo aan laga cadaalad sheegin:

1- Ragga ku xiran Addis Ababa waa gaalooben, maadaaba ay gaalo kaalmeysteen, Ragga ku xiran Casmarana waa caadi,

1- Dadka biilka u waayay carruurtooda iyo xaasaskooda oo shaqada ka doonta dawladaha Ciraq, Somaliya, Afganastan, IWM, way ku gaaloobayaan oo waa la qarxin karaa, sababtoo ah waxay u shaqeeyaan dawlad gaalo raac ah, dadka jooga mareykanka oo u shaqeeya dhammaan hay'adaha dawladda waa dad shaqaysta, kumana gaaloobayaan,(Qofkii u shaqeeya dawlad gaalo raac ah waa gaaloobayaa, qofkii u shaqeeya dawlad gaalo ah waa nabad iyo caanoh).

Warbixin;

1- Waxan ummadda Somaliyed u sheegayaa shirka qaran ee dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed Muqdisho, waa rajadeenna, waa guusheenna, waa mustaqbalkeenna, waa horumarkeenna, waa xorriyaddeenna, waa qarannimadeenna.

2- Shirka Casmara waa burburka Somaliyeed, waana mid aan mudac ka daabmeyn.

Qisso.

Shaydaan baa wuxuu Nabi Musse CS ku yiri waxan rabaa in aan toobad keeno, marka adaa Alle la hadlee iiga shafeec, (Iiga ergeeh) Nabi Muuse CS wuxuu la hadlay Eebbe weyne, Ilaahow adoonkaagii Ibliis wuxuu rabaa inuu toobad keeno, Alle weyne wuxuu Muse u soo faray waan ka toobad aqbalayaa hadduu hal mar u sujuudo qabriga Nabi Aadam,Nabi Muuse CS wuu farxay, Ibliisna arintii buu usheegay, markaasaa Ibliis yiri asagoo nool baan u sujuudi waayay waabase qabrigiisii u sujuud. 

Waxan qisadan ula jeedaa Shaydaan waxa ka dhigay ehlu-naar wuxuu iskala weynaaday in uu khaladkiisii ka noqdo, waxan qof kasta oo culima ah ama siyaasi kula dardaarmayaa, nafteyduna u horreyso, haddaad khaldanto ha iskala weynaan in aad qirato oo aad ka noqoto,

.Dad badan waxay isku raaceen haddii dawladda ku meelgaarka iyo Itobiya is diriraan in maxaakimta iyo ragga Casmara la safanayaan Itobiyanka, Eliteriyana dawladda la safaneyso, taasna waxay cadeyneysaa ineysan diin iyo mabda' u dirireyn 

Talodiina iyo taageeradiinaan codsanayaa. 
 

Cabdiraxman Sh.Ismaciil(Abuuturaab)

Abuturab100@gmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com