Barnaamijkii Radio Xoriyo
28
August 2007.
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Kulan ay xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO ku yeesheen Ogaadeenya.
Zenawi oo qorsheeyay in JWXO qabyaalad lagu kala daadiyo.
Dowlada Maraykanka oo
19,000,000 oo doolar ugu deeqday Ogadenya.
UN-ta oo Ogadenya
udiraysa gudi soo baadha xasuuqii ay gaysteen ciidanka Gumaysiga Itoobiya
iyo JWXO oo bayaan soo dhaweyn ah kasoosaartay baaqaas.
Jaaliyadda Ogaden ee Manchester-UK oo shir
iskugu timid.
======================
Dagaallo
ciidammada cadowga lagu jabiyay
Wariyaha RX uga
soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo
waxyeello badan loogu gaystay ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
27/08/07 Cutubyo
ka tirsan CWXO ayaa weerarro is-dabajoog ah ku qaaday ciidammo gumaysigu
leeyahay oo meelo kala duwan laga keenay, kuwaasoo lagu soo ururiyay
San-xaskulle. Cidammada cadowga ee halkaas lagu soo ururiyay ayaa afar mar
oo is-xigta lagu qaaday weerarro mir ah, waxaana loogu gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
24/08/07
ciidammada gumaysiga ka tirsan oo hawlgal u yimid Gal-da’a, oo ka tirsan
degmada Galaalshe, ayay CWXO ku qaadeen weerar si fiican loo qorsheeyay,
waxayna weerarkaas kaga dileen 10 askari, 9 kalana way kaga dhaawaceen.
23/08/07 waxaa
weerar mir ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyaha oo ku sugnaa
Jiingada, oo ka tirsan degmada Qabri-baxay, waxaana loo gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
19/08/07 cutub ka
tirsan CWXO ayaa weerar kadiso ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo
ku sugnaa meesha lagu magacaabo Garba-yayle, oo ka tirsan degmada Gunagado,
waxaana weerarkaas cadowga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Cidammada cadowga
ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne
rayad ah oo aan waxba galabsanin, kuwaasoo ay u gaysteen waxyeellooyin isugu
jira dil, xidhay, jidhdil iyo dhac.
24/08/07 waxay
ciidammada gumaysigu ku dileen magaalada Shilaabo afar qof oo rayad ah,
waxay sidoo kale dhaawaceen labo qof oo kale. Dadka ay ciidammada gumaysigu
dileen waxay kala yihiin;
1-
Qoxooti Sh Cali
Xuseen
2-
C/llaahi Cabdi
Dhuux
3-
C/llaahi Jaamac
Cabdi (Dhoorre) iyo qof kale oo magaciisa aanaan haynin.
Dadkan la laayay
waxay wateen baabuur ay ciidammada gumaysigu isla meeshii ku gubeen.
Isla 24/08/07
Birqod waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi
iray Nuur Xaashi Xayle
28/07/07
Xaashaa-lillah, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin shacab ah oo magaciisa aanaan helin
22/08/07
Maryo-maydh waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala
ah;
1-
Maxamuud Maxamed Cali
2-
Xamdi
Qalinle iyo
3-
Maxamuud C/qaadir
22/08/07 Yoocaale waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen, ka
dibna la tageen iyadoon la ogayn meel ay geeyeen labo nin oo lagu kala
magacaabo;
1-
Shinbir C/wahaab iyo
2-
C/llaahi Macalin Cabdi
20/08/07 Yoocaale waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen
dadka kala ah;
1-
Nimco
Nuur Siciid iyo
2-
Sahra
Cabdi Bahjad
19/08/07 meesha lagu magacaabo Dhaala, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen C/llaahi Maxamuud Raabi. Waxay sidoo kale jidhdil ba’an
u gaysteen, isla markaana ka dhaceen wixii hanti ahaa ee ay haysteen
hooyadii Maryan C/llaahi Faarax iyo walaashii oo lagu magacaabo Ardo
Maxamuud Raabi.
16/08/07 tuulada Kala-jeex, oo ka tirsan degmada Shilaabo, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen labo qof oo shacab ah, kuwaasoo kala ah;
1-
Kaamil Mawlaani iyo
2-
Saynaba Cadhays oo 80 jir. Waxay kaloo gubeen 7 Aqal oo ay lahaayeen carruur
ay dhashay haweenaydan waayeelka ah ee ciidammada gumaysigu dileen.
20/08/07 Magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad
ah waxaana ka mid ah dadka aan magacyadooda helnay;
1-
Mulkiya Maxamed Aar iyo
2-
Quraysha Mahad Cabdi
23/08/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Garbo kula wareegeen 7 Baabuur
oo waday badeecado kala duwan oo dawaynuhu lahaa.
19/08/07 Simane, oo Fiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1-
Bishaaro Maxamuud
2-
Bishaaro Macalin Dayr iyo
3-
Aamina Cabdi Ibraahim
Kulan ay xubnaha Golaha Dhexe ku yeesheen Ogaadeenya.
Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa
kulan hawleed isugu yimid intii u dhaxaysay 21 – 23/08/07. Kulankan waxaa
lagu qiimeeyay hawlgalladii cadowgu dalka ka fuliyay iyo waxa ilaa iyo hadda
uga qabsoomay.
Markii la qiimeeyay ololihii ay ciidamada gumaysigu qaadeen iyo
ujeeddooyinkii ay ololahaas ka lahaayeen, waxaa la isla gartay in
gumaysatada Itoobiya ay si cad ugu fashilantay ololahaas, isla markaana ay
ka gaadhin natiijooyinkii ay ka filaysay. Waxaa la isla qiimeeyay in
ciidammada gumaysiga lagu jabiyay dagaalladii ay la galeen CWXO, isla
markaana uu gumaysigu ku guuldarraystay inuu wax daanno ah gaadhsiiyo
cududda iyo kartida ciidan ee CWXO.
Waxaa la isla qiimeeyay in xasuuqa iyo cunaqabataynta ay ku hayso dadwaynaha
rayadka ah ayna haba yaraatee ka gaadhin wax natiijo ah oo lagu naalloon
karo, balse ay sii kordhiyeen isku duubinda iyo dhiirranaanta shacabka.
Kulankan waxaa sidoo kale lagu dajiyay qorshe hawleed cusub oo la xidhiidha
xaalada uu halganku ku sugan yahay iyo sidii loola jaan-qaadi lahaa
duruufaha haganka ku soo cusboonaaday oo ay ka midka yihiin xasuuqa uu
cadowgu dalka ka wado iyo gadoodka ay dadwaynuhu ka muujiyeen dalka intiisa
badan.
Kulanku wuxuu ammaan u soo jeediyay CWXO oo si fiican u gutay xilkooda, isla
markaana cashir lama illaawaan ah u dhigay ciidammada isu keen-keenka ah ee
gumamysiga Itoobiya. Kulanku wuxuu sidoo kale dadwaynaha Ogaadeenya ugu
baaqay inay sii wadaan caabbiga ay gumaysiga kula jiraan oo ay u guntadaan
sidii ay maatidooda iyo hantidoodaba uga difaacan lahaayeen caadiammadan
haawayda ah ee lagu soo fasaxay.
Kulanku wuxuu hay’adaha samafalka ah, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxalliga
ahba, ugu baaqay inay iyagu gaadhsiiyaan wixii gargaar ah ee loogu talagalay
dadwaynaha ku tabaalaysan Ogaadeenya, isla markaana ay ka gaashaantaan in
ciidammada gumaysiga Itoobiya ay raashiinka gargaarka ah u adeegsadaan
siyaasad ay ku kala qaybiyaan oo ku dullaysataan dadwaynaha tabaalaysan.
Zenawi oo qorsheeyay in JWXO qabyaalad lagu kala daadiyo.
Wariyaha RX uga soo warrama magaalada Jigjiga ayaa noo soo sheegay in markay
taariikhdu ahayd 24/08/07 ay shir isugu yimideen guddiga fulinta waxa loogu
yeedho Kililka, kuwaasoo ka shiriy sidii loo fulin lahaa qorshayaasha uu
gumaysigu ku xasuuqayo dadwaynaha aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya.
Shirkan waxaa qalabka isgaadhsiinta ee maqal-aragga ah kaaga qayb galay
kaligii taliye Meles Zenawi oo khudbad dheer oo hanjabaad iyo awaamir isugu
jirta u jeediyay adeegayaashiisa halkaas ku shirayay.
Waxyaabihii
uu kaligii taliye Meles isku maaweelinayay ee adeegayaashiisana ku amray
inay ka hawlgalaan waxaa ka mid ahaa in JWXO loo kala furfuro hab
qabyaaladeed. Kaligii taliye wuxuu tusaale u soo qaatay sida uu ugu
guulaystay inuu hab qabiil u kala furfuro dadwaynaha soomaaliyeed ee
Jamhuuriyada, gaar ahaan dadka Muqdsho ku dhaqan.
Wuxuuna yidhi waa inaan JWXO qabiil ugu kala daadino sidii aan qabiil ugu
kala daadinay dadkii Muqdisho ka dagaallamayay oo aan gaadhsiinay heer ay
qoys-qoys u kala dhaqaaqaan. Adeegayaasha ayaa iyaguna sidii caadada u ahayd
ka ballanqaaday inay sida ugu fiican u fulinayaan qorshahaas.
Dhinaca kale waxaa 22/08/07 sidoo kale magaalada Jigjiga lagu shiriyay
odayaal ka soo kala jeeda gobollada kala duwan ee Ogaadeenya, waxaana amar
lagu siiyay inay u socdaalaan gobolladoodi, isla markaana ay ka dhisaan
ciidammo Dabaqoodhi ah. Gobol walba waxaa loo diray 5 Oday, marka laga reebo
Qorraxey oo isaga 10 Oday loo diray.
Maraykanka oo ku dhawaaqay Mucaawino Deg deg ah oo la gaarsiiyo, Ogaadeenya.
Wasaarada arimaha
dibada ee wadanka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay wadanka Ogadenya
ugu deeqday gargaar deg deg ah oo gaaraya ilaa iyo in ku dhaw 19 mil oo
doolarka maraykanka ah , mucaawinadaas oo loogu talagalay in ay gaadho dadka
ku dhaqan wadanka Ogaden ee ay dhibaato aad u ba’ani ka jirto
Xukuumadda
maraykanka ayaa sheegtay in gargaarkaas intiisa badan uu noqon doono deeq
raashin oo qiimihiisu dhan yahay ilaa iyo 18.7 milyan oo doollar,
Mucaawinaddan
ayaa loo marin doonaa sida ay ka dhawaajisay dowlada maraykanku hay,adada
caalamiga ah: sida labada hay,adood ee UN-ta ukala qaabilsan Horuminta iyo
cuntada aduunka waa UNDP iyo WFP e.
qayb ka mid ah
gargaarkaas waxa uu noqon doonaa mid wax looga qabto dhinaca caafimaadka,
nafaqo xumada iyo waliba nolosha asaasiga ah ee ka jirta dhulka Ogaadeenya
Sanadihii
abaaraha, daadadka, colaadaha,cuduradda iyo cuno yaraanta ayaa waxa ay
Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ku reebeen dhibaato joogto ah faqri iyo
waliba macaluul gaadhsiisay in ay la baaba’aan
Dhulka ogaadeenya
oo ah dhul qani ah oo saliida shiidaalku ay ceegaagto ayaa hadana nasiib
daro dadka soomaalida ah eek u dhaqan wadankaa ayaa ah dad ay gaajo iyo
fakhri diloodeen, shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayaa mudo dheer ka war
dhawrayyey sidii ay mar gacanta xukuumadda Gumaysiga ee Addis ababa.
Dhinaca kale
safiirka gumaysiga itoobiya ufadhiya wadanka maraykanka siiba magaalada
Washington DC ayaa isna calaacal iyo dhawaaq afka furtay isagoo ku
hanjabay inay ka jawaabi doonaan hadii talaabo kale ay ku daraan madaxda
maraykanka ee u ololaynaya sidii cunaqabataynta loogu soo rogi lahaa
xukuumada ku caanbaxday tacadiyadda ka dhan ka ah xuquuqul insaanka iyo
waliba maamulkeeda ku dhisan gumaysiga iyo qabyaalada
Mudane u hadlay
dawlada maraykanaka ayaa ku tilmaamay qayladaa ka soo yeedhay safiirka
xukuumada Gumaysiga itoobiya mid aan laga fiirsan , waliba uu ku tilmaamay
wax lagu qoslo in qof gacan hoorsi ku jira hadan sii hanjabo , waxa uu
sheegay mudanahaas in canshuurta shacabka maraykanka laga aruuriyaa aysan
ahayn mid loogu talo galay in lagu xasuuqo shacab aan wax danbi ah galabsan
Isku soo duuboo
waxaad hubaal ah tan iyo dharaartii ay CXO ku guulaysteen hawlgalkii ILeys
ee Cobolo kaas oo ay cunaha qabteen damacii gumaysiga in qadiyadii
Ogaadeenya ay si toos ah u gashay masraxa caalamka Siyaasadii JWXO ee ku
aadanayd arimaha dibadana ay si dhab ah u talaabo qaaday iyadoo kaashanaysa
shacabkeeda geesiyaasha ah ee waliba mintidiinta had iyo jeerna u taagan in
ay difaacaan sumcadooda.
QM oo ogadenya
u diraysa gudi soo baadha xasuuqii ay gaysteen ciidanka gumaysigu
Jabhada Wadaniga
Xoreynta Ogadenya (JWXO) ayaa bayaan ay shaacisay ku sheegtay in ay soo
dhawaynayso mawqifka ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka qaadatay xal u
helida dhibaatada lagu hayo shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeenya.
JWXO waxay sidoo
kale bayaankeeda ku sheegtay in mawqifkani yahay iyadoo laga fiirinayo
dhinaca wanaagsan talaabadii oogu horeysay ee Jimciyadda quruumaha ka
dhaxayso qaado iskuna daydo in wax laga qabto dhibaatada bini aadanimo ee ka
jirta Ogaadeenya taas oo ah dhibaato si ula kac ah loo sameeyay ee aysan
ahayn mid rabaani ah
JWXO ayaa ku
baaqday in Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa aysan xadidin qorshaheeda bini
aadanimo ee xaqiiqo raadiska ah ee ay waliba baarid dhab ah ku samayso
dhamaan danbiyo dagaalka lagula kacay shacabka Soomaalida Ogaadeenya kaas
oo ay si ula kac ah u fuliyeen Jabhada TPLF ee ka talisa Addis ababa
Sidoo kale JWXO
ayaa wali codsanaysa inay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxayso ku qasabto
xukuumada gumaysiga itoobiya inay u ogolaato in saxaafaddaha caalamiga
ah loo fasaxo in ay ka hawlgalaan ciida Ogaadeenya iyadoo wakhtiga xaadirka
ah laga mamnuucay in ay galaan ciida Ogaadeenya waliba in qorsho safar xitaa
loo diiday
JWXO waxa kale oo
ay ku cadaysay bayaankeeda in ay diyaarisay una soo bandhigayso wax kasta oo
muhiim ah kuna caawin doonto qorshahan iyo waliba xubnaha saxaafadda
caalamiga ah ee danaynaya inay ku biiraan hawlgalkan kana faa’ideystaan in
ay galaan dhammaan dhulka Ogaadeenya
28 August
2007
Axmed Gaal-Eri
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260
KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
29, 2007


|