SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xiisada Colaadeed Ee Ka Jirta Caasimada Muqdisho Oo Maraysa Heerkii Ugu Darnaa

Xaalada nabad gelyo xumo ee ka jirta caasimada Muqdisho ayaa sii gelaysa heerkii ugu darnaa tasoo dilka dhawacyada iyo dhacu ka noqday mid iska caadi ah .

Weerarada bambaano iyo weliba rasaasta sida indho la,aanta ah ay u ridayaan ciidamada dowlada KMG ah ayaa ka dhigay dadka shacabka ah deero iyo cowl ay kusoo dhex dheceen waraabe iyo libaax taasoo maanta ay muuqaalka caasimada muqdisho gaar ahaan suuqa weyn oo bakaaraha oo ay usoo shaqo tagaan sadex dalool marka loo dhigo dadka caasimada muqdisho ku nool ay ku jireen kala carar iyo baqdin dadka qaarkii ku kaliftay inay is jiiraan oo ay xoog isku muquuniyaan iyagoo kja cararaya rasaasta habowga ah ee ka dhacaysa suuqa daafihisa .

Sidoo kale weerada gaadmada ah ee loo gaysanayo ciidamada dowlada iyo weliba kuwa Ethiopia ayaa kasii xoogaystay todobaadydii lasoo dhaafay kuwii ka dhci jiray caasimada muqdisho kuwaasoo u muuqda inay marba marka kasii dambeeya kasii darayaan .

Cabdi xasan oo kamida dadka ka ganacsada suuqa weyn ee bakaaraha ayaa saxaafada u sheegay inay soo wajeheen xaalado adag oo aysan ka ganacsan karin islamrkaana ay jiraan dhibaato baahsan oo ku saabsan dhaca mararka qaarkood loo gaysto ganacsatada taasoo uu sheegay inay xiliga rabshadaha ay dhacaan oo laysku rasaaseeyo suuqa bakaaraha ama qaraxyo ka dhacaan loo gaysto dhac taasoo uu ku eedeeyey ciidamo gashan dirayska ciidanka inay u gaystaan dhac iyo boob.

Si kastaba ha ahaatee xaladaha amaan daro ee ka jira caasimada muqdisho ayaa sii gelaya heerkii ugu darnaa ee amaan xumo.

Dhimashada Sadex Qof Iyo Weliba Inka Badan 13-Qof Oo Dhaawac ah Oo Ka Dhacay Talaadadii Suuqa Bakaaraha.

Iska horimaad hubaysan ayaa Talaadadii si kafool kafool ah uga dhacay suuqa weyn ee bakaaraha halkasoo ay ku dhinteen in ka badan 3-nin oo midi yahay ciidanka booliska dowlada KMG halka dhawacuna kor u dhaafay in ka badan 13-qofood

Iska hor imaadkan oo ahaa mid xoogan ayaa sababay dhimashada labo nin oo ganacsadeyaal ah oo lagu diley agagaarka suuqa weyn ee bakaaraha gaar ahaan boosteejada dhoobley iyo askari boolis ah oo isna lagu diley agagaarka isla suuqa bakaraha sida ay sheegeen goob joogayaal ka ag dhowaa goobta falku ka dhacay iyadoo goobo kala duwan oo isla suuqa bakaaraha ahna ay ku dhawacmeen dad kale oo rayida .

Iska hor imaadkan u dhexeeyey ciidamada booliska dowlada KMG ah iyo weliba kooxaha diidan joogitaanka ciidamada shisheeye ayaa sababay in suuqa weyn ee bakaaraha uu isu rogo meel ay ka jiraan rabshado baaxad leh islamrkaana iridaha loo laabay meheradihii ka furnaa goobaha ganacsiga ee suuqa bakaraha oo dhan iyadoo aysan jirin maanta wax ganacsi ah oo si rasmi ah uga furmay suuqa weyn ee bakaraha .

Dhinaca kale Nin u hadlay ciidamada booliska oo la yiraahdo Cabdi waaxid Max'ed Xuseen ayaa waxa uu sheegay in hal askari uu kaga geeriyooday iska horimaadkaasi halka ciidamada booliskana ay labo ka dileen kooxihii kale waa sida uu hadalka u dhigaye iyadoo aysan jirin warar ka madax banaan arintaas oo sheegay sida dhabta ah ee ka turjumaysa iska hor imadkaasi .

Isku soo wada duuboo qaraxyada iyo iska horimaadka u dhexeeya ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba kooxaha kacdoonka wada ayaa u muuqda kuwo marba marka kasii dambeeya kasii daraya iyadoo ay isa soo tarayaan dagaalada kafool kafoolka ah ee ay isku ugaarsanayaan ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba kooxaha kasoo hor jeeda joogitaanka ciidamada shisheeye .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com