Beelaha Celi "Sade" oo wax laga xumaado ku tilmaantay Waxa ka socda Dalka
Somalia.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Hogaanka Siyaasada ee Beelaha Celi
"Sade" ayaa lagu cadeeyey in Beelahani ka xun yihiin Mugdiga soo galay
qaranimadii Somalia tan iyo markii ay Dalka Somalia soo galeen Ciidamada
Itoobiya oo garabsiinaya Dowlada Ku meel gaarka ah ee Somalia,Waxaana
qoraalkaasi lagu bayaaniyey dhamaan dhibaatooyinka laga dhaxlay imaanshaha
Ciidanka Shisheeyaha ee ku jira Dalka Somalia.
Dhinaca Kale Beelaha Celi "Sade" ayaa waxay Qoraalkan uga hadashay Arinta qasan
ee ka jirta Caasimada Dalka Somalia ee Muqdisho,iyaddoo ku tilmaamay waxa
Muqdisho Maanta heysta ayaan daro usoo hooyatay Somalida oo dhan iyo Weliba
dadka Hogaanka u haya Dowlada Somalia ee Fadhiya Muqdisho,Waxayna sheegeen
inaysan Somalida leh Dareenka Wadaniyadeed u dulqaadan karin Xasuuqa ka jira
Muqdisho.
Warsaxaafadeedkan oo lagu soo gudbiyey 7- Qodob ayaa Waxaa ay Dowlada ku meel
gaar ka ah ee Somalia ugu baaqeen inay wax ka badasho Siyaasadeeda ku wajahan
Dalka Somalia ee ku mataaneysan Rabitaanka wax ay ku tilmaameen Beelaha Celi
"Sade" Hamiga Dowlada Itoobiya oo aan dan iyo heelo ka laheyn in mar kale
Somalia Xagaheeda dib isugu taagto,waa Sida lagu yiri War Saxaafadeedkaasiye.
Dhinaca kale Beelaha Celi "Sade" ayaa Warsaxaafadeedkooda uga hadlay Shirka dib
u hishiisiinta Somalia ee ka socda Muqdisho iyo hadafka ay ka qabaan waxaana ay
sheegeen in Shirkaasi uu yahay mid aan jiho uu u socdo aan la aqoon,Sababtoo ah
bey yiraahdeen waxaa Markii hore la sheegay in shirkaasi uu ku saleysnaan doono
hishiisiinta Beelaha Somalida iyaddoo loo marayo Qaabka dhaqanka,Laakiin waxaa
iminka inoo muuqata inuu yahay mid waji aan laheyn oo mar siyaasada uu iska
galayo marna uu yahay mid meel kale u socda,Marka waxaan u aragnaa inuu yahay
mid dan gaar ah laga leeyahay oo Dowlada shirar kale inay dhacaan isaga
difaaceyso,waa sida lagu qorey Warsaxaafadeedkaasiye ka soo baxay Hogaanka
Siyaasada Beelaha Celi "Sade"
Beelahan oo uu kasoo jeedo Generalka Weyn ee Ahmed Warsame Maxamed ee ka mid
ahaa Madaxdii isbaheysigii Dooxada Jubba oo iminka ka mid ah Xildhibaanada
Baarlamaanka intooda lagu tiriyo inay ka soo horjeedaan jiritaanka Xukuumada
Cali Maxamed Geedi ayaa Warsaxaafadeedkan waxaa uu yahay kii labaad ee Beelahan
Celi "Sade" ka soo saaraan Mar xalada Dalka Somalia uu marayo iyo sida ay ula
muuqato Siyaasad ahaan arinta Somalia ee la saadaaliyo inay tahay mid Hawada ku
laalan.
Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa
Hogaamiyaha Siyaasada Beelaha Celi "Sade"
AbdiFitah Ibrahim Aden
Nairobi,Kenya
W/Q.Cabdilaahi Cabdi Cabdulle "Mantaana"
Email:-
mantaana003@yahoo.com
Nairobi,Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
28, 2007

