SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaraxyo Gaystay Dhaawacyo iyo Dhimasho Oo Isniintii Ka Dhacay Saldhiga Afar-iridood Ee Degmada Xamar-weyne .

Weerar bambaano ayaa Isniintii subaxnimadii lala beegsaday saldhiga Afar-iridood ee degmada xamar weyne halkasoo ay ku dhawacmeen qaar kamida askarta ciidanka booliska ee ku sugnaa saldhigaas.

Qaraxan oo ahaa mid bambaanada gacanta laga tuuro ayaa gaystay khasaaraha hal askari oo boolis ah oo uu dhaawac kasoo gaaray islamrkaana la sheegay in ay ciidanka booliska dowladu ay toogasho ku dileen ninkii ka dambeeyey qaraxaasi bambaano sida uu saxaafada u sheegay gudoomiyaha degmada xamar-weyne cabdilaahi sahal gardhuub.

Mr-gardhuub ayaa sheegay intuusan qaraxani bilaaban inay ciidmada booliska ee saldhiga Afar-iridood ay ka shakiyeen labo nin oo dhalinyaro ahaa oo marayey saldhiga hortiisa islamrkaana ay markii ay joojiyeen oo damceen inay baaritaan ku sameeyaan uu mid kamida lasoo baxay bamka gacanta halkaasoo uu ku tuuray agagaarka irida saldhigaasi oo aan sidaa uga sii fogayn iyadoo halkasna lagu toogtay ninkaasi bamka tuuray .

Meydka ninkaan oo aan la aqoonsan ayaa wali yaala halkaasi, iyadoo ciidamo boolis ah ay ku gadaaman yihiin.

Guddoomiyaha degmada X/weyne Gardhuub ayaa waxa uu sheegay in mid ka mid ah ciidamada booliska uu ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo ninkii kale ee la socday Marxuum uu ka baxsaday halkaasi.

Iskusoo wada duuboo weerarada bambaano ayaa noqday kuwo joogtyo ka ah magalada muqdisho iyadoo habeenkii xalay ahaana ay dheceen weeraro bambaano oo lagu tuuray hotel madiino al-munawara oo kamida isla degmada xamar-weyne oo gaystay khasare dhaawacyo ah . 

Weeraro Bambaano Oo Habeenkii isniinta Lagu Qaaday Mid Kamida Hotelada Ay Degan Yihiin Ergooyinka Shirka

Weerar bambaano ayaa habeenkii xalay ahaa lala beegsaday Hotel-madiino Al-munawara oo ku yaala degmada xamar-weyne oo ay degan yihiin Ergada shirka qaran ee kasoo jeeda maamul goboleedka punt-land

Qaraxan oo loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa laga soo tuuray dhabarka dambe ee hoteelka qaybta matoorka korontada la dhigo sida ay saxafada u xaqiijiyeen mamulka hoteelkasi .

Abuukar qafaal oo ah mamulaha hoteelka ayaa sheegay inay bamka gacanta ee lagu soo tuuray hotelka ay gaysatay qasaare dhaawaca hal nin oo kamida ergada shirka qaran ee ka socda caasimada muqdisho ninkasoo sida uu sheegay abuukar qafaal kasoo jeeda ergada kasoo kicitintay maamul goboleedka punt-land islamrkaana lagu magacaabo jaamac xasan.

Sidoo kale waxaa dhawacyo kasoo gareen bambaanadaasi hal qof oo rayida oo goobtaas ka ag dhowaa sida uu sheegay abuukar qafaal islamarkana waqti yar kadib waxaa soo gaaray halkaasi ciidamada booliska iyo kuwa gobolka banaadir oo uu horkacayey gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa caasimada maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere).

Maaha markii ugu horaysay oo weeraro lala beegsado hoteelada ay degan yihiin ergooyinka shirka iyadoo habeen hore weeraro ka fool ka fool ah iyo weliba bambaano lagu weeraray hotel-lafweyn halkaasoo ay dhaawacyo kasoo gaareen labo kamida ergada shirka oo kasoo jeeda gobolka hiiraan oo lagu magacabo Qaalid cabdi jimcaale iyo c.kariin miinlaawe.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 28, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com