Roobab ka da'ay magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag oo
Khasaare Geystey
Hadaaftimo:- Maalintii shaleyto ahayd ayaa waxaa magaalada Hadaaftimo ee
Gobolka Sanaag ka da'ay roobab dabeylo wato oo khasaaro lixaadleh geystey iyadoo
roobabkaasi ay baabi'iyeen Guryo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 20 Guri oo inta
badan Guryahaas ay dabeyshu ka qaadatey Saqafyadoodii.
Sida aanu xusney khasaaraha ilaa hada la xaqiijiyey ayay waxay yihiin in
ilaa labataan guri waxyeelo soo gaadhay kuwas oo kala khasaare badan iyadoo ay
badan yihiin guryaha uu hinqiyey saqafkooda iyo kuwo daadku soo galay wixii hoos
yiilayna la tegay ama qooyey .

Guryaha ugu liitey ama ugu khasaaraha badnaa oo uu saqafka ka qaaday
gidaaradana wax yeelo weyn u geystay ayaa waxay kala yihiin.
Magacyada
1-Maxamed Abokor aadan
2-Axmed Sahal Ducaale Yare
3-Maxamed Xirsi Jaamac
4-Sahra Mashaakil
5-Carab Yuusuf Daad
6-Aadan Xaaji Cabdi
7-Ilma Maxamed Cali Huruuse
8-Ilma Axmed Aadan Nuur
9-Faadumo Ismaciil Maxamed.

Waxaa kaloo jira in xoolo badan uu magaalada kala tegay kuwaas oo ahaa kuwii
magaalada lagu haystay, iyadoo miyiga aanaan hayn weli wax khasaare ah oo
naloosoo sheegay.

Waxaa intaa dheer iney jiraan khasaare soo gaaray korontada iyo telefoonada
oo layman badan ka jaray magaalada iyana hada lagu mashquulsan yahay sidii
adeegii bulshada dib loogusoo celin lahaa arintaas oo ay heegan u yihiin
shaqaalaha labada shirkadood ee Maakhir iyo Golis telecom Hadaaftimo.
SAWIRO KALE HOOS EEG....




Maxamed Cabdi Sadexle, (Geelreeb)
Hadaaftimo/LaasqorayNet
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
28, 2007


|