SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOMAALIYEY WANAAG IDINKA DOORSOONYE.

Abdullahi mohamed Hashi
burhaan99@hotmail.com
Stockholm Sweden
 
Soomaalidu waa dad nasiib badan hadana nasiib xun, waa nasiib badan tohoo waa dad isku afa isku diina, isku dhaqana, isku midaba. Waa nasiib xun tahoo waa dad aan wax isku ogolayn waxna iska maqal. Waa dad qabyaaladu tahay siyaasadooda. Waa dad aan garoowsan barwaaqada ilaahay ku midnaystay dalkooda. Waa dad aan wadaniyadu aysan ku waynayn. Waa dad aan jaahilkoodu qiran in uusan aqoon lahayn, oo maan gaabkeedu hor boodo, wax garadkeedana gadaal marisa. Waa dad qabiilka kufaana ee aan ku faanin soomaali nimada. Waa dad aan xumaanta ku waana qaadan kana korin.
 
Intaas aan kor kusoo sheegay ayaa sabab u ahaa burburkii qarankii Soomaaliyeed ku habsaday. Inta damiirkale ee soomaaliyeed meelkasta oo ay jogaan waxaan u sheegayaa in ay ogadaan in dalkeena soomaaliya aan nabad laga rabin. Waxyar aan tusaalo kuugu soo qaato, 17 sano oo soomaaliya dowlad la aan ahayd umada soomaaliyeedna ay ku jirtay dil iyo dhac joogtaa miyaad aragteen wax u gurmaday? mise inla tahay in soomaaliya aduunku xal u waayey? Maya soomaaliya xal looma wayn ee waan laga raadin meeshuu xalku jiro.
 
Waa iga suáale ma idinla tahay shirka xamar kasocda oo aan la ogayn waxa ka qayb galaya marka laga saaro in la yiri waxaa jooga dad matalaya qabiilada soomaaliyed oo dhan oo aan laga xusi karin dad qabiiladooda subcad ku leh ama aan dhihi karno waa ay matalikaraan qabiil hebal? Mise in latahay in ragaas halkaas jooga xal soomaaliya iska dhaafe qabiil heshiisiin karaan? Soo tii lalahaa waxaa lasoo saxiixay in qabiiladii soomaaliyeed heshiis wada gareen oo nabad iyo caano lagu wada noolaado. Hiiraan iyo Galgaduud iyo jubooyinka waxa ku dagalamayaa soomaali maahan miyaa? Shirkaas mid soomaali lagu heshiisiinayo maahan ee waa mid soomaali layskaga horkeenayo waxaana lagu qaybinayaa lafahii hashii maandeeq.
 
beelaha ku dagalamaya Galgaduud iyo Hiiraan iyo jubooyinka waxaan dhihi lahaa walalayaal dagaalka joojiya. Meshaad ku dagalaysaana cadow ayaa haystee kaas u midooba sidii aad isaga saari lahaydeen. wax garadka beelahaas dagalamayana waa in ay kala dhex galaan si loo baajiyo dhiig soomaaliyed soo isku daata. Maraan isku soo jeesano lama joogee dagaalkiina sokeeya waa farxada cadowgiina. Halku dhageenu waa in uu noqdaa sidii aan iskaga dulqaadi lahayn heeryada gumaystaha madoow ee Itoobiya. Soomaaliya waxaa lala raadinayey meesha ay maantay taagan tahay, waqti dhowna hadii aan rag iyo ilaahay ubixin waxaad arki doontaan ula jeedadii laga lahaa kan og iyo kaan ogaynba.
 
Waxaad maqashaan urur hebel ayaa ka shiray arimaha Soomaaliya sida UN ka. Amaad maqasheen marka laga saaro ururada xaquuqda aadanaha ururo waaweyn sida UN oo canbaarayn soo jeedisay? Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ku bahoobay UN mana dhigayo sharcigoodu in wadan ka midkaa uu ku duulo oo qabsado wadankale oo kamida UN oo madax banan. War bixin xaga hubkaa oo laga soo saaray wadamada ku xad gudbay cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Eriteria ay hubsiiso maxaakiimta islamigaa.
 
Duulaankii itoobiya ay ku qaaday Soomaaliya kuna qabsatay cidi kama hadlin, cidina ma canbaarayn xasuuqii ay ka gaysteen Soomaaliya ilaa hadana ay ku hayaan gumaad barakicin iyo kufsiga. Waxaad ogataan in aduunkii is badalay oo gacanta uu ugalay isticmaar maraykan. Markii libaaxu wax jishto waxaa ka ag qaraabta sida dafada iyo dawacada oo feen feenta waxuu soo reebo. Itoobiya kuma dhiirateen Soomaaliya in ay kuduusho hadii aan maraykan garbaha hayn. Maraykan dan leh itoobiyana dan leh.
 
Maraykan dan lohoo Soomaaliya oo diinta islamka isku xukunto marabo in uu arko, waxii ka danbeeyeyna 11 semtember 2002 maraykanka oo sheegan jiray in uu yahay aabihii diimuqraadiyada iyo daryeelka xaquuqda aadanaha waxuu noqday ( the mad elephant) oo aan ula jeedo marodigii walnaa.
 
Waxii xiligaas ka danbeeyey waxaa meesha ka baxay xeererkii aduunka uyaalay markuu ku duulay Iraq. Waxaa wiiqmay ururadii caalamigahaa ee aduunka kajiray sida UN oo noqotay meel bush looga soo daabaco waraqaha. Arimaha Maraykanku ka damacsan yahay soomaaliya maahan in uu arko Soomaaliya oo markale lugaheeda isku taagtay ee waxuu rabaa in uu arko marakiib dagaal iyo kaluumaysato oo itoobiya leedahay oo ku xiran xeebta soomaaliya ee badweynta Indian ocean. Soomaaliyana looga taliyo Addis abeba. Taasi waa qorshaha qorsoon ee ay gareen Maraykanka iyo Itoobiya.
 
Itoobiya dan lohoo waxay rabtaa in ay soomaaliya xalalaysato oo ay dhamaan la wareegto. Waxayna uga faa iidaysatay maraykanka oo ay ka dhaadhicisay in dalkeeda oo 60 milyan ay ku noolyiihiin oo aan bad lahayn darisna la ah soomaaliya oo leh xeebta labaad ee qaarada afrika ugu dheer dowladna aan lahayn ay la wareegto ayadoo ku ganbanaysa dowlad magac uyaal ah oo aan dadkeeda sumcadi u ag ool.
 
Qorsheheeduna yahay in aysan dalka dhamantiis halmar wada qabsan laakiin hadba ay qayb qabsado si aysan soomaalidu ugu fahmin uguna wada midoobin si aan loogala hor imaan kacdoon wayn oo iska caabiya. Hadbana ay gacanta qabsato hadba midkii aan markaas aysan ku kor fadhin oo ku tiraahdo adigaan wax kulawadaa oo aan dartaa u dhimanayaa. Qaar ayaa Soomaalida mooda in itoobiyaanku ey ku ekaan doonan koofurta soomaaliya oo aysan soo gaari doonin Bossaso iyo Hargeysa oo qarkood yiraahdaan itoobiyaanku waxay caawinayaan dowlada soomaalida waxaana raali kanahay soo gali taankeeda.
 
Waxaan usheegayaa kuwaas saaxibayaal sheekadu saas kawayn. Inkastoo aan ogahay oo aysan ka suurtoobin hadii maantay raga isku sheegayaa madaxda dowlada ku meelgaarkaa ay yiraahdaan dowlada Itoobiya hanagala baxdo ciidamadeeda in ay dilayso ama xirayso, taasna waxaa shakiga looga saari lahaa raga aaminsan in itoobiya caawinaad dowlad soomaaliyeed meesha ujoogaan. Raga mooda in ay itoobiya wax taraysana waan arki doonaa meshay kuseexiso, waxaana dhihi lahaa war hurdada katoosa intii gooru goortahay.
 
Ilaahay janadii haka waraabshee Abdullahi Suldaan Timacade oo aan gabaygiisii aan ciwaan uga dhigay maqaalkan ayaan rabaa in aan kusoo qaato waxyar gabaygiisii qiirada lahaa oo uu tiriyey xili Soomaaliya ahayd qaran jiray cidinana aysan saadaalin karin in Soomaaliya ay kudhici doonto godka ay ku dhacday. waxaad moodaa in abwaankas uu ogaa waxa soomaaliya kudhici doona hadii aysan soomaalidu isdaba qaban oo aysan ka leexan jidkii markaas lagu taagnaa.
 
Abdullahi Suldaan Timacade waxuu kabixiyey digniin wayn oo qiiraanyo leh una malayn maayo in soomaalidii xiligaas joogtay ay ka hoos qaaday kuwii ka danbeeyana ay ku waano qateen dignintii abwaankaas aadka ugu wayn uguna waynan doona umada soomaaliyeed.Gabaygiisii dugsi maleh qabyaaladi waxaa kamidahaa.

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Daadkii abwaanku sheegay haduu noo soo galay soomaaliyey. Waxaan kula talin lahaa soomaali meelkasta oo ay joogto in ay hurdada katoosto qabiilkana meel iska dhigto sidii dalka lagu xorayn lahaana loo midoobo. Dalku waxuu sugayaa inta damiirka leh waxaadna ogaataan soomaali mawada soo xorayn dalka ee waxaa xoreeyey ragyar oo isku tagay waxaadna ogataan dal walbaa waxuu leeyahay kuwo udhashay oo cadow ku ah saas oo ay tahayna waxaa guulaysta ama guulaysan doona inta damiirka wadininimadu ku jirto.
Abdullahi Mohamed hashi

Stockholm Sweden
burhaan99@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 28, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com