Bayaankii Shabaabka: Islaamiyiinta Iyo Aayaha Umadd
CabdiRaxman Warsame
cabdirahman@hotmail.com
Waxaa doodan oo in badan maskaxdayda ka
dhexguuxaysay igu kalifay in aan dadka la wadaago warqad lagu
daabacay boga internetka ee ay leeyihiin Xarakadda Shabaabka
Mujaadihiinta taasoo lagu sheegay in lagu qaadacay shirka Casmara ka
dhacaya 1da September ee bisha soo socota. Dhibaato ma lahan in
kooxi ay qaadacdo ama ay qoonsato hawl ama waxqabad qolo kale,
laakiin wuxuu dhibku ka jiraa dooda ay dhalinyaradu soo gudbiyeen
iyo sida ay u arkaan Aduunka iyo inta iyaga kasoo harta oo ay
Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa iigu yaab badnayd markii ay ka
hadlayeen shacabka Soomaaliyeed waxay ku doodeen sidatan “
Soomaalida waxay noqdeen hal xiraale la furi waayey, dadkani waxay
wadaagaan Af, midab, Nasab, Dhaqan iyo Dhul intaba”. Waxay si ula
kac ah uga tageen in Soomaalidu diinta wadaagto. Dooda shabaabka ma
ahan mid ku cusub Muslimiinta Taariikh hore iyo mid haatan taaganba,
ee waxaa dhibaato ah hadii dooda loo cuskado aayado quraan ah iyo
axaadiista Nabiga (SCW), kuwaasoo lasoo luqun jebiyey laguna soo
cariiriyey meel aysan qaadin karin iyo mawqic aysan lahayn intaba.
Dooda dhalinyaradda waxa u muuqataa in
ay cadaaladda ka maran tahay, xaqa iyagu isi siiyeen, diintana ay
dadka ka xigsadeen, waxaa lagu soo gaabin karaa in ay kaligood
garameen, kaasoo ah dhib muslimiinta inta badan maanta haysta.
Aasaaska doodaas waa mid aan fiqi diineed iyo faham waaqac toona ku
qotomin. Ujeedkaygu qoraalkan ma ahan in aan iyaga la garaytamo oo
aan la dodo ee waa in aan dul istaago aragtiyo badan oo ku gadaaman
fahamka Islaamka Siyaasiga guuda haan iyo kan Islaamiyiinta
Soomaaliyeed gaar ahaan, kaasoo u baahan in dood nuxur leh laga
yeesho. Waxaan soo gudbinayo waa dood furan oo iyadu aanan marna
xaqa xakiranaynin, waase bilaw wax lagu biirin karo, waxna lagu
raaci karo.
Naska iyo Fahamka Naska.
Dood kasta oo Diin ku salaysan waa
adagtahay in la isla meeldhigo hadii aan marka hore la xadidin
manhajka dooda la iskunna afgaran sida iyo qaabka dooda loo gelayo.
Waa muhiim si wax badan u toosaan in lakala duwo lana garawsado in
ay labo kala yihiin Naska oo ah Quraanka iyo Sunadda Nabiga, iyo
fahamka iyo fasirka ruuxa daliishanaya Naskana. Kumaba sii jirto
hadii ruuxa doonaya inuu gaaro go’aamo saamayn ku leh ayaaha ummadda
kuwaasoo lagu salaynayo diinta Islaamka, uu ruuxaasina ka maran
yahay aqoonta lama huraanka ah ee lagu fahmo Naska Diiniga ah
(Quraanka iyo Sunadda Nabiga). Sida aqoonta Usuul- Alfiqiga, Cilmiga
Quraanka, Cilimiga Xadiiska, Cilmiha Maqaasidda Shareecadda, Cilmiga
Taariikhda Islaamka iyo kuwa aasaasiga ah ee Luqadda iyo Cilmigeeda
sida (Naxwaha, Sarfiga, Balaaqadda, Suugaanta iwm).
Nabigeenna Suuban (SCW) ayaa
saxaabadiisa ku yiri “ Ruuxiin yuusan Tukan Salaadda Casar Intii aad
Tagnaan Banii Quraydda oo iyadu ahayn meel ay Qolo Yuhuudda ka mid
ah ay degenayd, Salaadii casar ayaa soo gashay iyadoo weli aan
goobtii la gaarin, Saxaabadii waxay isku qabteen in Salaadda la
dukado iyo in kale. Kuwii go’aansaday in la dukado waxay ku doodeen
in Nabigu (SCW) uu ula jeeday in la dadaalo oo la dhaqsado, halka
kuwa kale ay yiraahdeen Salaadda dukanmayno ilaa meesha laga tago
nabiguna (SCW) wuxuu nagu amray in aan halkaas ku dukano, markii ay
Nabiga kusoo noqdeen labadodiiba wuxuu sheegay in ay sax ahaayeen”.
Ujeedadaydu waa in Xadiiska Nabiga iyo Fahamka Saaxabadda ee
Xadiiska uu kala duwanaa. Mar hadii la ogolaado in Naska iyo
Fahamkiisa ay labo kala yihii wax badan ayaa Muslimiinta u hagaagi
lahaa arrimo badanna waa la isku afgaran lahaa.
Marjica iyo Meesha loola Noqonayo
Diinta Islaamka sida la ogyahay waxay u
qaybsantaa Caqiido, Cibaaddo, Akhlaaqda iyo Macaamalaad. Waxaa la
wada garawsanyahay in Caqiidadda, Cibaadadda iyo Akhlaaqdu ay yihiin
waxyaabo sugan oo aan marna u baahnayn in wax lagu soo biiriyo ama
laga dhimo, laakiin qaybta macaamalaadka waa mid ka duwan oo inteeda
badan waxay u khuduucaysa Ijtihaad iyo duruufta ay dadku noolyihiin,
siyaasadu waxay ka mid tahay qaybtan.
Hadaba siyaasadu ama waxa Islaamku u
yaqaan Al-siyaasaya Al-sharciyah oo ka mid ah mucaamalaadka, waxaa
sida culimadda Islaamku sheegeen xukumaya Maslaxadda Ummada. Ibnu
Qayim Al-jowziyah oo arrinkaas ka hadlayana wuxuu kitaabkiisa
Iclaamula Al-muwaqiciin Can Kalaami Rabil Caalamiin ku yiri “Halkii
Maslaxadda Umada ku qunto ayuu sharciga Ilaaheey ku dareersanyahay”.
Waxay kaloo culimadu si bayaansan uga hadleen in iyadoo la
tixraacayo siiradda suubanaheenna ay siyaasadu ku salaynsan tahay
isbarbardhig Maslaxadda (samaha) iyo Mafsadda (Xumaanta), Mudnaan
siinta Maslaxadda Daa’imka ah wallow ha loo maro wax dhib u muuqda
markaas. Waxay culimadu isku raaceen intooda Al-siyaasaya sharciyah
wax ka qorta sida, Ibnu Tiimiyah, Ibunu Qayim, , Al-ghazali,
Almaaraawirdi, Ibnu qutaybah, Ibnu Jawzi, Alshayzati, Alqalici,
Alfaaraabi iwm, in marjica loola noqonayo siyaasadda iyo halbeega
lagu qotomaniyo uu yahay danta iyo maslaxadda Umadda muslimka ah,
waxa muhiimka ahna ay tahay in la eego in maslaxadaasi aysan si
toosa ah uga hor imaanaynin Aayad quraan ah oo Daliilkeedu cadyahay
iyo Xadiis Nabi oo sugnaantiisa iyo daliilkiisaba uu cadyahay.
Culimadu waxay si wayn tusaale ugu soo
qaataan Heshiiskii Xudaybiyah, kaasoo uu Nabigu la galay Qurayshtii
Mushrikiinta ahayd. Qisadda Heshiiska waa mid dheer, laakiin
nuxurkii heshiiska marka la eego wuxuu u muuqday in Muslimiinta uu
gaboodfal ku ahaa, sababtoo ah waxa Mushrikiintu dalbadeen in Magaca
Nabiga la masaxo, waxay kaloo dalbadeen in ruuxii dhinacooda ka
yimaada ee Muslimiinta raac loosoo celiyo, laakiin ruuxii
Muslimiinta ka taga ee dhinacooda gala aanan lasoo celinaynin, in
muslimiintu aysan sanadka xajka tegeynin iyo wax la mid ah.
Arrinkaas Saxaabadii Nabiga waa uu ku cuslaaday in ay qaataan,
laakiin nabigu wuu aqbalay sida ay culimadu sheegeen dhibka markaas
muuqda isagoo ku bedeshay 10 sano oo heshiis, taasoo uu kusoo
afjaray kuna soo laabay jabhadii dhinaca Quraysh uga furnayd ugna
soo faaruqay inuu aduunka intiisa kale risaaladiisa gaarsiiyo sida
Furus iyo Ruum.
Diblomaasiyadda
Waxaa isna aad xiiso u leh in si fiican
loo dhugto u baahan in arrinku uusan dagaal keli ah ahayn ee
diblomaasiyaddu ay kaalin muhiim ah ciyaarto. Duulaankii huwantii
axsaab markii ay isku soo bahaynsteen in ay Nabiga iyo Asxaabtiisa
lugta mariyaan, taasoo uu Quraanku si cajiib leh u cabirey in
Muslimiintii ay naftii dhuunta usoo gashay cabsi darteed, oo
saxaabadiina laga waayey cid istaagta markii uu nabigu u balanqaaday
jano cidii war ka keenta huwanta.
Nabigu (SCW) qolo isbahaysiga ka mid ah
ayuu u bandhigay inuu siinayo sedex dalool Timirta Madiina kasoo
baxda iyaguna ay kala bar ku gorgortameen. Huwantaas waxaa kala
furfuray diblomaasiyad uu ciyaaray saxaabi gulafkaas colaadeed
dhexdiisa ku soo islaamay oo la oran jiray Nucaym Ibnu Mascuud
isagoo huwantii madaxa isugu dhuftay danahoodiina iska horkeenay.
Saxaabigaas wuxuu si wayn u fahamsanaa danaha kala duwan ee huwanta,
wuxuu xiriir saaxiibtiinimo la lahaa dhinacyada uu taxaalufku ka
kooban yahay, wuxuu ku guulaysta inuu si gooni gooni ah uu qolo
waliba u fahamsiiyo in ay dhinaca kale ee taxaalufka aysan ku
kalsoonaan karin sababo iyo tusaalooyinna waa uu tusiyey. Reer Banii
Nadiir oo iyaguu ahaa Yuhuudii Madiina degenayd ee Nabiga (SCW)
heshiiskii ay galeen uga baxday wuxuu ku qanciyey in Quraysh ay iska
tegeyso oo ay dhulkoodii ku laabanayaan waxa isku harayanna ay
yihiin iyaga iyo Nabiga (SCW) arrintaas aysan kaligood taag iyo
tabar u ahayn, sidaas daraadeed waa in si ay damaanad u helaan ay
quraysh ka dalbadaan in 10 nin oo madaxyo wayntooda ah ay
madaxfurasho ugu soo dhiibaan, arrinkaas waa ay garawsadeen.
Wuxuu uga hormarayey Quraysh oo uu u
sheegay in Banii Nadiir ay Nabiga la heshiiyeen si ay ugu muujiyaan
in ay heshiiska daacad ka yahiinna ay u balanqaadeen in ay 10 nin oo
madaxweynta Quraysha ay u keeni doonaan sidaas daraadeed waa ay
idinku soo maqanyihiine iska jira. Waxaa si toos ah isaga hor yimid
labadii qorshe ee taxaalufka, waxaa meesha ka baxay kalsoonidii ay
isku qabeen, waxaana halkaas ku burburay isbahaysigii. Ilaaheey
wuxuu quraankiisa ku sheegay in dadka cadawga Muslimiinta ah loo
maleeyo in ay midyihiin laakiin sida dhabta ah ay kala tagsanyihiin.
Waa muhiim in la helaa dad yaqaanna maslaxadaha kala tagsan ee
cadawga iyo danaha kala duwan ee dadka kaasoo horjeedda. Wuxuu kaloo
quraanku si toos ah ula falgelayaa calaqaaadka iyo xiriirka dawliga
ah isagoo tilmaamaya in markii ay Ruum iyo Furus ay dagaaleen in
Roomaankii laga adkaaday laakiin ay marka danbe adkaan doonaa,
guushaasnna ay muslimiintu ku farxi doonaan. Taasi waxay tusaale u
tahay in Muslimiintu ay qayb ka yihiin loolaanka caalamiga ah.
Nabigu markii uu Saaxabadiisa dhulka Xabashidda u diray wuxuu ku
yiri halkaa taga boqor caadil ah ayaa joogee. Wuxuu ogaa
deegaannadda ku xeeran iyo dadka degan iyo sida ay ugu kala
dhowyihiin. Hadii dadkii dhan aad cadawsato cida khasaaraysa waa
adiga
Culimaddu waa ayo.
Dooda inta badan dhalinyaradda saxwadda
Islaamka waa in hogaanka umaddu uu qasab yahay in Culimadda loo
dhiibo. Ma xuma doodani waase hadii la isku raaco waa ayo culimadu.
Diinta Islaamka kalama saarto cilmiga ee waxay tixgelisaa niyadda
ruuxa cilmiga. Waxaa bidco ah in cilmiga mid aduun iyo mid aakhiro
loo kala saaro, sidoo kale culimadda. Hadii ruux uu caalim ku noqdo
diinta islamarkaana uu si ka dhan u adeegsado cilmigaas faa’iido ma
lahan, hadiise ruux u cilimga dhaqaalaha ku takhasuso, laakiin uu
bulshadda uga faa’iidiiyo wuxuu leeyahay abaalmarin aad u wayn.
Waxaa muhiim ah in cilmigu uu naafic yahay, Nabiguna wuxuu ilaaheey
warsan jiray cilmi naafic ah.
Hadaba hadii ay hogaan umadeed loo
yimaado ma jirto wax culimadda diinta mudnaan siinaya ee waxaa
mudnaan leh cidii cilmiga hogaanka taqaana, ma diidani ay in
culimadu ka talo bixin karaan wixii mahaalka khuseeyo, laakiin iyagu
ma ahan kuwo wax kasta yaqaan. Waxaa quraanka ku cad in markii ree
Banii Israa’iil ay Nabigoodii Daa’uud (CS) ay waydiisteen Malik ama
boqor hogaamiya uu nabigii u sheegay in Ilaaheey Dhaaluut uu soo
saaray islamarkaana uu siiyey Cilmi iyo Karti dheeraad ah. Culimadu
waxay iswaydiiyeeyn hadii cilimi diineed hogaan looga baahanyahay
Nabiga Da’uud ayaa mudnaanta lahaan lahaa, laakiin waxaa la doonayey
waa hogaan ciidan oo aqoon milateri leh. Ibnu tiimiyad Kitaankiisa
Alsiyaasad Sharciyah wuxuu ku sheegay in Imaama Axmad Ibnu Xanbal la
waydiiyey “ Yaa la hormarinayaa hadii umadda muslimiinta isku qabato
Ruux Saalix ah laakiin daciif ah iyo ruux faasiq ah laakiin Qawi
ah”, Wuxuu ku jawaabay waxaa la hormarinayaa Faasiqa Awooda leh,
sababtoo ah fisqigiisa waxaa kula xisaabtamaya ilaaheey laakiin
awoodiisaa hogaamineed muslimiinta ay faa’iido u tahay, halka
Saalixa daciifka ah uu wanaagiisa isaga uun helayo laakiin hogaan
xumidiisa ay dhib Muslimiinta u keenayso”
Hogaanka umadda waa mid Karti u baahan,
kartiduna waxay ku jirtaa sedex waxyaabood oo la isku geeyey, Aqoon,
Waayoaragnimo iyo Xirfad. Aqoontuna waa in ay ka timaadda
fahamsanaan la fahamasanyahay waxa la qabanayo hadii ay Hogaan
siyaasadeed iyo mid Umad la doonayo waa in ay tahay aqoon Cilmiga
bulshadda la xariirta sida maamukal, siyaasadda, dhaqaalaha, xiriir
dawliga ah, arrimaha bulshadda ah iwm. Nabigu weligiis Abuu Hurayra
xil uma dhiibin, laakiin Khaalid ibu waliid markii uu soo Islaamayba
waxaa loo dhiibay xilkii hogaaminta dagaalka, sidoo kale Abuu Dara
Alqafaari markii uu Nabiga warsaday in Xil loo dhiibo Nabigu ma
mujaamalaynin kamana warwareegin ee runta ayuu farta ka saaray wuxuu
ku yiri “ Waxaa tahay ruux daciif ah”, laakiin markii uu
suubanaantiisa ka hadlayey wuxuu yiri “ Dhulna ma qaadin Samana ma
harsan nin Abuu Dara ka run badan”.
Qaabdhismeedka Sharciyadda
Siyaasadeed
Hadii la isku raaco in Siyaasadda
Islaamka waxa halbeega u ah ay tahay Maslaxadda iyo Danta Umadda,
waxaa isweydiin leh yaa xadidaya dantaa umadeed yaase looga marti
noqonayaa. Diinta Islaamka waxay sheegtay in Wadashi uu yahay
sifooyinka umadda Islaamka ayna tahay wadad keli ah ee guusha. Labo
jeer ayuu quraanku ka hadlay wadatashiga (Shuuraha) marna wuxuu
Nabiga (SCW) ku amray in uu Saxaabadiisa la tashado, mar kalanna
wuxuu tilmaamay in Amarka Muslimiintu uu yahay mid wadatashi ku
dhisan. Waxaa lagu kala soocaa laba wadatashi ama Shuuro in kan
Nabiga (SCW) la amray uu yahay in ruuxa hogaanka ah laga doonayo
inuu talo helo dadkana la tashado, laakiin go’aanka uu isagu
leeyahay, laakiin Shuuradda kale ee Quraanku sheegay in ay
sifooyinka Muslimiinta ka mid tahay ay tahay tan lagu dhisayo
Sharciyadda Siyaasadeed ee Muslimiinta, oo macanaheedu yahay in
hogaanka siyaasadeed ee Umadda uu ku dhisanyahay raali ahaanshaha
dadka kuna qotomo rabitaankoodda.
Hadaba waxaa iswaydiin leh side lagu
gaarayaa nidaam ay dadku raali ka yihiin, rabitaankoodana ka
turjumaya. Nabigu (SCW) markii uu geeriyooday Saxaabadiisa kalama
hadal cida hogaamin doonta, isagoon weli la aasin ayey Saxaabadu
isku qabteen cida hogaanka siyaasadeed qabanaysa. Dood dheer oo
Labadii awoodood ee Muhaajiriin iyo Ansaar dhexmartay oo xitaa laga
hadlay in awooda lagu kaltamo, ama la wadaago ayaa Abuubakar la
doortay. Abuukar (RC) markii ay ajashiisii soo dhowaatay ayuu
Saxaabadda waydiistay inuu talo ku aadan cidii hogaanka ka bedeli
lahayd uu soo jeediyo wayna ka yeeleen sidaas ayuu Cumar kusoo
rashaxay, Cumar (RC) markii la dilay, waxaa soo baxay in hogaankii
la isku qabtay oo uu guux badan soo baxay waxaa la saaray gudi
doorasho oo dadka Madiina ku dhaqan soo waydiiya. Gudigaas wuxuu
tegey meelkasta oo xitaa gabdhaha ugubka ah ee aan xaafadahoodda
kaasoo bixin waa la tala waydiiyey, sidaasna waxaa ku soo baxay
Cusmaan (RC). Halkaas waxaa ka cad in hogaanka Muslimiinta uu
markasta sharciyad ku dhisnaa ilaa Mucaawiye ( RC) uu bedelay uu
isagu keenay nidaam dhaxaltooyadda iyo Boqortooyo oo uu Roomaankii
kasoo minguuriyey. Muslimiint jawhareerkii siyaasadeed ee ay galeen
xiligaas ayey weli ku jiraani, hogaankoodyna marna ma noqon mid
sharciyad siyaasadeed oo dhab ah leh, ee waxaa lagu socday
aqbalaadda waaqaca iyo duruufta.
Waxaa tusaalooyinka kore ka cad in uusan
jirin nidaam mucayan ah oo Muslimiinta ku qasabaya in ay raacaan,
markii ay dhisayaan nidaamkooda siyaasadeed. Waxaa kaloo Muslimiinta
loo fasaxay in Xikmadda ay Baadi ka maqan tahay meeshii ay ka
helaana ay qaataan. Sidaas daraadeed ayaa Cumar Ibnu Khadhaab (RC)
wuxuu kasoo amaahaday nimankii Furus ah ee Beershiyaanka nidaamka
ciidanka lagu dhiso ee Dawaaniin, xitaa magaca kama bedelin, waxaan
shaki ku jirin in maanta ay muslimiinta marti uga noqonayaan umadaha
kale sida sida doorashadda loo sameeyo, sida loo xadeeyo loolanna
xisaabtamo hay’adaha dawladda, sida ay uwada shaqaynayaan iyaga
qudhoodda, sida maamulka iyo maaraynta loo jideeyo, sida maalka iyo
dhaqaalaha loo maamulo, sida horumarka, tacliinta, cilmibaarista loo
qaabaadhigo, sida tayadda iyo waxqabadka adeega guud loo
koontaroolo, sida ciidanka , booliska, taraafikadda loo agaasimo,
sida canshuurta, zakadda, samafalka loo maareeyo, sida kaabayaasha
dhaqaalaha loo taago, sida maalgashiga iyo xiriirka dawliga loo
maamulo, diblomaasiyadda iyo danaha isku dhexmilgan ee dunidda loo
kala furdaamiyo, sida,,, sida,, sida . Waxaa suuragal ahayn in
iyadoo baahidaas cilmi ee aan soo sheegnay Muslimiinta ay yihiin
kuwa ugu khibaraada yar dunidda aan joogno la yiraahdo culimadda
keli ah ha loo daayo. Waxaa muhiim ah in ruuxu sida Siyadinaa Cumar
Ibnu Khadhaab (RC) uu sheegay in qadarkiisa garto. Cumar wuxuu yiri
Alaha u naxariisto ruuxii tabartiisa garta.
Gunaanad
Waxaa xaqiiqo ah in waxa maanta ay
umadda Muslimiinta ay ugu baahi badantahay ay tahay in ay dhexdooda
dood furan, lagana wada hadlo waxa halkaan ina dhigay, suuragal ma
ahan in cadawga uun wax kasta loo saariyo iyadoo ay laga
maarmaantahay in cadawga la iska dhiciyo, suuragalna maahan in
Islaamku xal yahay Halkudhig lagu soo koobo ee waa in lala yimaadda
barnaamij cad oo arrinkaas qeexay, kaasoo ay muhiim tahay in ka
midyihiin sida Ilsaamku ugu jawaabayo Nolosha Casriga, Xukun
Wanaaga, Xiriirka Caalamiga ah, Suuqadda Dhaqaalaha iyo Saylahadaha
Ganacasiga, Waxaana iyana laga maarmaan ah in Islaamiyiinta
Soomaaliyeed ay indhahooda u furan dooda caalamka Islaamka ka taagan
ee la xariirta Islaamiyiinta iyo aayaha Umadda.
CabdiRaxman Warsame
cabdirahman@hotmail.com