Haloo Gurmado Puntland weli wey dhowdahay....
Yusuf issa
yusufessa@gmail.com
Asalaama Caleykum Somalida maqaalkeyga aqrisata,sidoo kale aad ayey
umahadsanyahiin dhalinyarada noo suurto geliyey websideyadan aan fikirkeena
kusoo bandhigno.
Dhowr jeer oo hore ayaan isku deyey inaan soo qoro maqaalkan iima suurto
gelin oo waxaan udeynayey Rag iga khabiirsan aan islahaa sifiican ayey usoo
qori doonan ,hatanse waxaan dareemay inaan ku qasbanahay.
Puntland waxey is maamul Goboleed aheyd 9 sano,maxeynu is dhehi karnaa 9kaas
Sano Umada wey qabsatay? School ma loo dhisay?ilo dhaqaale ma la abuuray?
Amaanka wax malaga qabtay? Wax horumar ah oo lasheegi karo dhinacna Malaga
sameeyey?
Mise weli waxey puntland u nooshahay sidii waagii SDDF ee kahoreysay intaan
lasameyn maamulka loogu magacdaray Puntland?
Inteynaan kajawaabin su'alahaas aynu qeexno Puntland waa ismaamul goboleed
hoos yimaada Somalia,kaas Odayaal reer Puntland ah Markey ogaaden in ummada
reer puntland ay tahay dad u bisil in lamaamulo loo sameyey ismamul goboleed
kaas oo la islahaa waxbadan ayey qabsan karayaan maadama ay haystaan Amaan
,kaas oo ah bilowga horumarka,intaas ka dib waxaa dhacay in lasameeyey hab
maamul frame ah ama magac uyaal Dawladeed sida aad maqashaan Madaxweyne
,Wasiir ,Gole Barlamaan iwm,waxaan dhehi karnaa waxey soo kordhiyeen malaha
aan ka ahayn iney marin habaabiyeen shicibkii ay utilamaameen in Qof aan wax
aqoon ulahayn Millitary ama Police lagu magcaabay Colonel,General waxey soo
kordhiyeen nin aan magaciisa qori Karin in laga dhigay Wasiir,Wasiir ku
xigeen ,Gudoomiye Gobol ama Mareeye,waxey soo kordhiyeen in dadkii Puntland
laga dhaadhiciyey in Xafiisyada iyo hay adaha Dawlada yihiin Dukaan uu iska
leeyahay,taas oo adkaan doonta Maamul kasta oo fiican inuu saxmo waayo
Agaasime umaleeynaya Xafiiskiisa inuu yahay Dukaan reerkoodu ufuray sidaasna
9 sano Caruur kusoo korsanayey shaqadiisa manta looma tilmaami karayo.
Puntland waxaa ka dhacay dhibaatoyin aad uwaaweyn oo ku ah masiibo sida:
-
Mudane Cade Muuse markay Maxkamadaha kaabiga
uyimaaden waxuu shicibka Puntland u sheegay inuu Kitaabka ku xukumayo
Puntland ,markii Maxakamadahii Ethiobia cayriseyna wuu ka laabtay waxaan
filayaa taas waa Imtixaan weyn cida laqiyaameyna mahayn Shacabka ee waa
jeesjees alle SWT loo geystay marka taas shicibka ayey utaal khaasatan
Barlamaanka Puntland in balanqaadkii hortooda lagu sameeyey lagu
dhabeeyo.
-
Puntland qaladka labaad ay gashay waxaa
lakeenay Makiinad lacagta lagu dabaco oo xataa Mogadishu oo maamul
kajirin laga diidey ayey iyagoo maamul leh keensadeen taas waxey
cadeyneysaa inaan mamul jirin waayo taas waxey udhigantaa qof gurigaaga
duhur cad kusoo galay oo waxaad maal lahayd qaatay ,waa xoolahaagi
intaas ku tabcaysay nin waraaqo hakaaga bedesho oo weliba laba qeybood
intuu kadhigo 80% Mogadishu ha udiro,inta harteyna 20% xawaaladaha
Hargeysa haku shubato, adigoo weliba Mogadishu ka ah dhiilaysane
kusoo hogaamiyey Cadow soo jireen ah.
-
Tan sadexaad waxa weeye maamulka puntland
waxey leeyahiin hal il oo dhaqaale oo kasoo haray in shacabka lacagtooda
waraaqo looga bedeshay waana Dekeda Bosaso waana tan ugu daran,ilaah
baan idinku dhaarshe meshaas bal taga sida loo maamulo dhibka loo
geysanayo shicibka ,maamul xumada,qorshe xumada waxaan dacwo ugu tegay
mareeyaha ama agaasimaha Dekeda waxaan filayey maadama uu hayey isha
dhaqaalaha Puntland inuu yahay qof masuul ah oo muxtarim ah una dhigma
Gaagab ama Cade muse waxaan utegay nin fadhiya Guri aad umaleyso musqul
uu yaal miisaskii waayadii hore shcoolka tuuloyinka oo iridku
ufuranyahay,ninkaas waxuu fadhiyaa miis qalalan oo korka xagtin iyo
jilif kuleh,waxuuna haystaa bug weyn oo kuwii dawlada siyaad bare 1970
isticmaali jirtey,weliba qoladii aan kadacwoonayey oo isugu jira
military iyo qolada canhsuuraha ayaa inety ila soo galeen miiskiisa
geesaha kaga fariistey oo markiiba isagii qeylo kubilaabay iyagoo leh
Agaasime ninkan waa qaldanayahay 4 cartoon buu isasoo dhexgeliyey oo
leeyahay waa hal Kartoon ,Mr agasime waxba ima weydiine waxuu
arkay iney dhexda ii xirantahay markaas ayuu yiri waryaa nimankiina
dibada ka yimaada oo iska dhiga in iyaga keliya wax kala yaqaaniin orod
alaabta canshuuro haddii kale iskaga tag uma bahnide, Ok Mr Agasime
ayaan iri,ujeeda aan usocday waxey aheyd inaan Canshurta Dawlada bixyo
si aan la iiga qaadin laaluush waxaana la itusay in qolada laluushka iga
qaadataa ay danteyda wadaan,marka halaaks su'aal baa kazoo baxday oo ah
Puntland maxey maamushaa? Waayo aniga waxaan u arkaa hab maamulka
Puntland marka ugu horeysa waa iney ku guleystan in ay saxaan dhaqaalaha
Puntland oo ah kan dekeda iyadoo si fiican loo ilaaliyey,dadkana loo
cadaalad sameeyo lasoo gaarsiiyo Bank loogu talo galay!,ee maaha in
ceyriinka lagu qeybsado askartana ladheho cidiina cuna oo SAhacabka
baada,waxaad arkeysaa Canshuurta Dekeda bil walba waxbaa lagu
siyaadiyaa soow taas cuna qabateyn kuma ah umada reer Puntland ,waayo
hadey Maamulku kuxisaabtamen lacag siyaado ay helaan ,miyeyan ku
xisaabtamin quutulyoonka inuu qaali noqonayo ,in macaamiishii badneyd ee
imaan jirtey Dekeda ay ka wareegen oo Dekedahoodii aaden ama meelo
kale,waxa Canshuurta lagu qaaliyeynayaa ay yihiin only reer Puntland oo
iyagu ku qasban iney halkaas waxkala soo degaan.
-
Maamulka hada kajira ee cade muse waxuu soo
siyaadiyey oo markii C/laahi yusuf aan jirin waxay dhiiri geliyeen iney
sameysmaan shirkado sida Cunada,Shamiintada,kuwaas oo noloshii kor
uqaaday iyo Shamiintadii oo hada mareysa $12 meeshay ka ahaan jirtey $5
taas waxey kaliftey in dhismahii wadanka uu yaraado,hadeysan sameyn
kareyn iney sicir ugooyaan kiiska Bariiska ,Sonkorta,Burka ,Shamiintada
iney markaas shirkadaha Manopoyga sameynaya ay ka qaadan Canshuur
siyaada ah,dadka privete ka ahna Canhuur yar waayo noloshii wadanka
shirkadahaas aad ayey ubedeleen.
-
Waxey ku guuldareysteen Dhinaca amaanka oo
isimadii waayadii hore wadanka kutiirsana waxey kadhigeen Corrept oo
isimo badan ayaa lasameeyey.
-
Police kii Puntland isaga warkiisa waxuu
noqday Fowdo waxa aad maqashaan qof baa Mobile laga qaaday waa
iyaga,meel baa lajabsaday waa iyaga , qof hadaad rabto inaad xirto
waxaad bixin lacag yar kadib qofkii waa lasoo xiri bilaa sabab ,isaguna
lacag kale buu bixin markaas ayaa lasiideyn,waxaan filyaa xataa
Wasiirada waa lasoo xiri karaa hadaad lacag fiican bixiso!
-
waxey kuguldareyteen iney sameeyan
doorashooyin,oo dadkii hada wey ka niyad jabeen Dawlada Puntland
,waxeyna manta kaga kalsoonyihiin iney kamid noqdaan Gobolo katirsan DKM
hadey suurto gasho waayo Gobol walba isagaa yaqaan siduu ayahiisa uga
tashan lahaa .
8. Rajo xumada waxaa ugu weyn Dhalinyaro
malaha Puntland,waxaa jira dhalinyaro Somaliyeed sidaan filayo aan ahayn
Reer Puntland kuwaas waxey ku mashquuleen kheyraadka dabiiciga ah iney
marwalba kafaalodan kuwaas aan micno Kufadhiyin waayo ma filaayo in
meeshaas oo kale Patrol ama Dahab laga qodi karo,balse waxaa fiicnaan
lahayd inaad Ka faalodan sidey reer Puntland usameysan laheyn
Maamul fiican iyo dhaliilaha jira aad sheegtan,lacagtan makiinadaha
lakeensaday waxaa sababay markii maamulkaas Fowdada ah usoo jirey 9 Sano
wax isbedel ah sameyn waayey,markii Wasiirkii 9 sano kahor lakeenay ilaa
maanta kursiga iska fadhiyo ileyn waa boos qabiile markaas waxii ladoono
ayaa
Lasameynayaa,waxaan idinleeyahay shacab aad ufiican baa jooga haloo
hiiliyo oo sinabad ku jirto haloogu gurmado Madamaama uusan gobolku
lahayn dhalinyaro Activist ah ama wax bedeli kara!ineydan idinku u arag
dhul Xabashi aad Kala dagalantaan Horumar,miyeydan u arag Patrool baa
laqodayaa iney tahay arin larabo in shicibka lagu qaldo si xukun
Kororsi loogu sameeyo.
9. Waxaan idinka sugnaaba waa xal hadaanu nahay shicibkii wanaagsanaa ee
Puntland! Markastana diyaar baan unahay inaan qaadano talooyinkiina
wanaagsan,Puntland waa hooyadii nabada hadaan sidaan loo dhaamina wey
caloola cadeyn doontaa! marka hada wey dhowdahay !
10.Codsi guud : inaan maqaalkan sida lagu
dhaafin ee dhibaatoyinka Puntland labaadi goobo xalkii looga bixi si
nabadi ku jirto,in Dawlada Puntland lagu qasbo iney sameeyo Dorashoyin
xor si shacabku u arko fikrado kala duwan iyo in shacabka loo sheego
iney qaatan danta caamka ah oo ka gudbaan qabiilka.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Aug
27, 2007


|