Kaalinta shir beeleedyada kaga jiraan dib
u heshisiinta somaaliyeed.
Gudoomiyaha (SODIF) Somali diaspora forum
waxa jira shir beeleedyo badan oo loo qabtay
dib u heshiisiinta soomaaliyeed soona saaray go'aano wax ku ool ah
waxaana ka mid ahaa shirarkaas
1- shirkii January 1991 muqdhisho lagu
qabtay.
2- Shirkii January 1994 muqdisho lagu
qabtay.
3- Shirkii july 1994 garowe lagu qabtay.
4- Shirkii june 1994 baydhabo lagu
qabtay.
5- Shirkii 2000 oo Djibouti lagu qabtay.
6- Shirkii 1994 dhoobleey lagu qabtay.
Sidoo kale shirarkii lagu qabtay baladweyne
ee ugaas khaliif hogaaminayay iyo kii kismaayo oo liqliqato hogaaminayay
shir1
shir beeleedkii ugu horeeyay wuxuu ahaa kii
lagu qabtay villa baydhabo bishii january 1991 waxaanaukakoobnaa 5ta beelood
ee lagu soo koobay markii ugu horeysay beelaha soomaalida waxaanay ahaayeen
markaas 5 beelood o siman waxaynauqaybsanaayeen sidan hawiye , isaaq
digil&mirfle, darood iyo others beesha 5aad waxay ka koobnayd beelaha dir
eeka baxasan isaaq iyo others waxaana laga soo xulay ergo ka kooban 5ta
beelood oo beelwalba ay matilayaan 15 ergay dowladdana waxay ku dartay 25
ergo oo mathilaya 5tabeelood sidaas waxay ku noqdeen 100 ergo waxaa loo
tagay dhinacyadii ishayay oo ahaydmax'ed siyad iyo U.S.C waxayna labaduba
ogolaadeen inay aqbalayaan go'aanada ay ergadaasi gaadho.
ergadii waxay samaysteen guddi ka
kooban6qofoo socdsiinaya howl maalmeedka oo u kala dabqaadaya dhinacyadda
waxay go'aamiyeen muddo ka dib in max'ed siyad ka dago xukunka kuna
wareejiyo gudomiya golaha shacbiga oo ah xuseen kulmiye afrax iyo cumar
carte oo loo magacaabay raisul wazare siyad wuxuu yiri waan ogolahay lakiin
xukuumad hala soo dhiso, cumarna wuxuu soo dhisay xukuumaadii wuxuuna
gudigii u bandhigay siyad waxaa kale oo ay go'aamiyeen in ergada ka kooban
100 ka qof iyo xukuumadda la soo dhisay iyo diblumasiyiinta dalka jooga ay
ku sagootinayaan garoonka dayuurad gaar ahna la siiyo meesha uu dunida ka
rabana la geeyo ka dibna ka codsado caalamka in soomaalida loo kaalmeeyo si
ay uga kabato hibaatooyinka dagaaladii , ka dibna wuu ku gacan sayraywuxuuna
yiri ma baxayo ilaa xabbadda la joojiyo dhinaci U.S.C duna wy shakiyeen oo
waxay u qaateen inuu khiyaanayo sidii buu ku baaba'ay talooyinkii gudigii
sulx waana shirkii la magac baxayal sulx.
shir2
muqdisho sanadkii 1994 marka ismari waayeen
caydiid iyo cali mahdi waxay ku heshiiyeen inay duubabka hawiye arrinka loo
soo dhiibo si loo sugio nabadda xamar waxaa madax ka ahaa hogaamiye
dhaqameedyada imaam max'ud imam cumar waxaana xubin ka ahaa liliqato waxay
ku qabteen shirar is daba joog ah hotel kaah markay muddo wadeen waxay
dhiseen ciidan iosku dhaf ah oo nabadda suga waxayna u heleen ballanqaadyo
boqolaal kun oo doolar oo ciidamada lagu taakuleeyo , aniga naftayda ayaa
tagay anaa wada wixii raabidda ugu tala gashay ee dhaqaala ah waxay
diyaariyeen go'aano laguheshiisiinayo beelaha hiraab ka dibna beelaha hawiye
ka dibna loo gudbo bveelaha kale ee soomaalida waxaa dhacday maalintii
madashu ahayd in la iclaaniyo go'aanadda duubabka waxaa la soo gaadhsiiyuay
inay ku ekaadaan arrimaha dhaqanka oo kaliya oo aanay siyaasadda u soo
gudbin waana la kala cayriyay xubnihii uga wakiil ahaa siyaasaddahalkaas
ayuuna ku baaba'ay dadaalkii duubabka.
Shir3
sanadkii 1994 wuxuu gaaray khilaafaadkii u
dhexeeyay madaxdii S.S.D.F waxaana ku loolalamay maxamed abshir iyo c/laahi
yusuf waxaa lagu qabtay shir weynmagaalada garowe si loo xaliyo khilaafaadka
waxaa lagu heshiiyay in arrinkaloo xilsaaro hogaamiye dhaqameedka gobolaka
laguna dhaqmo waxay go'aamiyaan odayaashii waxay u fadhiyeen arrinkii mudo
bil ah waxayna soo saareen goonadan:-
1- in labadan hogaamiye la casilo.
2- in hogaanka ururka loo magacaabo c/rizaaq
xaaji xuseen markii go'aankii la faafiyay waxaa ka baxay shirkii c/laahi
yuusuf inytay xabado rideen ayay ku dhawaaqeen in c/laahi la doortay max'ed
abshirna waa ku gacanm sayray intaas ka dib waxaa loo yeeray c/risaaq xaaji
xuseen si loo fuliyo go'aanka markuu yimid waxay isku dayeen odayaashii inay
qanciyaan c/laahi wuuna diiday, aniga laftayda waan aaday shirka iyadoo
ismadu fadhiyeen anoo wada wafdi ka socda raabidada.
shir 4
shirkii mlaaqyadda digil&mirifle march 1994
waxay qabteen shir malaaqyadda beelaha digil & mirifle waxay dhisteen maamul
goboleed lagu magacaabay dowlad goboleedka qowmiyadda digil&mirifle waxaana
madax looga dhigay c/qaadir zopegolaha fulintana waxaa madax looga dhigay
adv xassan sh ibraahin xaseey bishii sept ayaa caydiid qabsaday taasoo
keentay inay la dagaalamaan lana curiyay jabhadda R.R.A oo ka saartay
meleeshiyadii caydiid 1994-6-6 iyadoo ciidan axmaareed adeegsanaysa
shir 5
shirkaas oo si wanaagsan loo soo
agaasimaylaguna saleeyaya qabsoomidiisa 5ta beelood ee soomaalida waxaa soo
qabanqaabiyay ismaciil cumar gelle isgoo qaaday talaabooyinkaan:-
1- wuxuu ku dadaalay in dhamaan dowladaha
daneeya arrimaha soomaalida ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha shirka.
2- wuxuu la tashaday aqoonyahano yo wax garad
xog ogaal uah arrimaha soomaalyeed iyagoo halhal looga codssaday inay soo
jeediyaan talooyin wax looga qaban karo dhibaatooyinka soomaalida
3- dood loo furay aqoonyahnno soomaaliyeed
meel kasta oo ay dunda ka joogaan20kii march2000 iyadoo dooduna ay socotay
muddo 10 maalmood.
4- dood cilmiyeed loo furay hogaamiyaasha
beelaha iyo culumada waxaana la furay 2dii april 2000 waxaana la hor dhigay
talooyinkii aqoonyahanaddu soo jeediyeen.
5- waxaa loo furay shir maalqabeenadda
soomaaliyeed meel kasta oo ay dnida ka joogaan 8dii april2000waxaana la
hordhigay talooyinkii hore kloo soo gaadhay.
6- shirkii hogaamiyaasha qabaailka
soomaaliyeed waxaa la furay 2dii may 2000waxaana la hordhigay go'aanadii iyo
talooyinkii ka soo baxay kuwii hore,waxaana laga codsaday madaxdii qabaailka
inay xalliyaan wixii u dhexeeya qabaailka iyo inay soo xulaan ergooyinkii
kala mathili lahaa beelaha,dood dheer ka dib waxay go'aamiyeen in daarood
iyo hawiye wax kala tabanayaan aad bayna u xisaabtameen waxay isku afgarteen
inay lama huraan tahay in ay wada dhistaan dowlad ka dib waxaa soo baxay in
digil $mirifle wax ka tabanayaan labada beelba dood dheer ka dib waxaa la
go'aamiyay in labadooda oo wada jira ay sabeen ku xiraan digil$mirifle wayu
sameeyeen wixii kalena hoos hoos baa loo xaliyay.
markaas hogaamiyaasha beeluhu waxay soo
xuleen ergooyinkii uga qayb gali lahaa dhismaha dowladda, 15kii june 2000
ayuu furay madaxweyne ismaaciil cumar gelle ergooyinkii sidii bay ku soo
dhiseen dastuur iyo baarlamaan waxaana soo baxay jamhuuriyaddii c/qaasim
salad xassan uu madaxda ka ahaa waxaa la shardiyay in hogaamiye kooxeedyada
ay uga qayb kali karaan shirka ayagoo ku socda magaca beelophooda mooyee,
hogaamiye kooxeedyadii, puntland iyo somali land iyadoo keentay inay isku
meel ugha soo jeestaan dowladii c/qasim. dhowr bilood ka dib waxa itoobiya
lagu soo dhisay S.R.R.C waxaana ku midoobay dhamaan hogaamiye kooxeedyadda
marka laga reebo somali land waxaa caalamku ula dhaqmay siodii iyago dowlad
kale ah waxaana la siiyay awood dhaqaale iyo mid milatiri oo ay ku hor
joogsan karaan dowladda carta ilaa laga dhiso dowladda hadda jirta ee kenya
lagu soo dhisay ka dibna kala degtay xamar iyo jowhar markii cali c/lla
salax uu isugu keenay baydhabo ilaa ay hadana u kala guurto xamar iyo
asmara.
Halkaa waxaan ka fahmaynaa in
kaalinta hogaamiyaasha dhaqanku ku egtahay inay beeshooda ku soo xiraan
hogaanka siyaasadda waxaad moodaa inay yihiin shaqaalaha wazaaradaha oo kale
oon qabn karayn wax aanay siyaasiyiintu raali ka ahayn.
Hadii si dhab ah loo xadido hogaamiyaasha
beelaha waxay ku dhow yihiin hogaamiyaasha bulshooyinka hanti wadaaga ee
ururada bulshada sida madaxda ururada shaqaalaha, dhalinyarada iyo ardayda
oo ku eg inay fuliyaan siyaasadda dowladda.
Gudoomiyaha (SODIF) Somali diaspora forum
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
27, 2007
|