Kulan looga hadlayo Tacadiga Dumarka
Soomaaliyeed loo geysto oo qardho ka dhacay
Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo
agaasimayey isla markaana aay fulintiisa iska lahaayeen Ururka Garwado ayaa
waxaa gacan ka geystay Hay'ada Action Aid.

Waxaana ka soo qeyb galay Madax ka tirsan
Maamulka Gobolka Kan degmada , Dallada Dhallinyaradda,
Haween,Culumowdiin,Odayaal iyo weliba Marti sharaf ka socta Hay'ada Action
Aid.
Axmed Aadan Gaas xiriiriyaha Kulanaan ayaa hadal
dheer uu ugu horeyn halkaas ka jeediyey ayaa waxa uu kaga hadlayey
Marxaladaha uu NGOga Garwado soo maray tan iyo intii la aasaasay sanadii
1993-2007 isaga oo xusay in Kulanaan uu wax weyn ka tari doono bulshada reer
karkaar guud ahaan reer Qardho, Isla markaan Dr. Axmed waxa uu ka hadlay
Ujeedada Kulanka isaga oo xusay in Kulaankii uu yahay Kulan looga Hadlayo
Tacadiga Dumarka loo geyso.
Ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweyey
Gudoomiyaha Garwado Safiyo Axmed Kheyr oo ku dheeraatay waxqabadka ururkooda
safiyo ayaa waxa aay xustay in aay wax ka qabteen arimaha
Amniga,waxbarshada,Ka hortaga cudurada Faafa iyo weliba wax yaabo fara badan
ka dib Gud.Safiyo Axmed Kheyr ayaa waxa aay sidoo kale ka hadshay Tacadiga
Dumarka loo geysto iyada oo xusatay in Dumarka Soomaaliyeed aay la kulmaan
Tacadi fara badan isla markaana isugu jira Jirdil,Kufi,Dhac iyo weliba
Gudniinka Fircooniga ah
Gudoomiye K/Xigeenka Maamulka Degmada Qardho
Burhaan C/raxmaan X. Aadan oo isna halkaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu
xusay in Marka hore raga iyo dumarka aay dhinaca uga soo wada jeestaan
Tacadi walba oo dumarka
loo geyso isaga oo dhanka kale xusay in Maantay aay sharaf weyn noo tahay
in Maamul ahaan ayaa ka soo qeyb galaan kulankaas isaga oo dhanka kale ka
sheekey wax aay diinta islamka ka qabto Xuquuqda Dumarka isla markaan
sheegay in Illaah uu quraankiisa kariimka ah ku cadeyey.
Waxaa sidoo kale halkaas hadlo ka jeediyey
Masuulyiin ka tirsan Maamulka D.G.P.Land isu duwhaha wasaaradda Dowladaha
hoose iyo Horumarinta Gobolada Max'ed Muuse Ismaaciil iyo weliba
odayaal,Haween kuwaas oo dhammaantood isku raacay in Dumarka laga daayo
Dacadiga aay sheeganayaan isla markaana isku raacay in arintaas si wada jir
ah wax looga qabto. . Dhanka kale waxaa halkaas lagu soo bandhigay riwaayda
ka hadleysa Tacadiga dumarka loo geyso taas oo ka soo qeyb galyaashii aad
ugu faraxsiisay
Mrs.Aamiino oo iyadu wakiil ka aheyd Hay'ada
Action Aid ayaa waxa aay ka sheekeysay Dhibaatooyinka aay dumarka la kulman
iyada oo ka sheegesay Dhacdooyin Tacadi isugu jira kufi,Dil iyo weliba bara
kicin kuwaas oo ka dhacay Degaanada Soomaalida.
Faarax Jamac Boss (Gardheere) Gudoomiye ku
xigeenka G/Karkaar oo kulankii Maantay soo xiray ayaa waa uu ugu horeyn
Mahad balaaran u jeediyey NGO garwado oo howshaan waday isaga oo dhanka kale
sheegay in Maamul ahaa aay wada shaqeyn xoog leh la yeelanyaan Cid walba oo
horumarka bulshada wax ka qabaneysa isaga oo dhanka kale mar uu ka hadlayey
Tacadiga dumarka loo geysto sheegay in Illaah Quraanka kariimka ah ku
cadeyey Suurado badan Xaqa aay dumarka leeyihiin isla markaan loo baahan
yahay in Dumarku aaysan ka badbadin waxaa naga maqan xuquuq iyo weliba
tacadi ayaa na loo geystaa.
Kulankii ayaa waxa uu ku soo dhamaanay Jawi aad
u Degan iyada oo ka soo qeyb galyaashii Dhammaantood isku raaceen in
arimaahaan wax laga qabto.
C/weli Xasan Cabdi (gooni)
Qardho,Karkaar Region
gooni2@hotmail.com