Wararkii: Aug 27, 2007
Xarunta Wargeyska Ayaamaha ee Hawl-wadaag oo shalay ay galeen
ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG
Iyadoo shalay qaraxyo ka dhaceen isgoyska
Hawl-wadagaa ayaa waxaa Xarunta Wargeyska Ayaamaha oo ah wargeys
Maalinle ah oo ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa qaybtiisa Hawl-wadaag
waxaa shalay soo galay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku
hubeysnaa qoreyga AK 47, xiligaas oo ay xarunta ka socotay Hawlihii
Wargeyska, ayaa waxay ciidamadaasi argagax geliyeen shaqaalihii
halkaasi ka hawlgalayey waxaana xiligaasi ku sugnaa ilaa iyo lix ruux oo
qaar ka mid ah halkaasi loogu qabanayey hawlo, waxaana markiiba lagu
amray iyagoo qoryo lagu hayo in ay banaanka u baxaan, waxaana la
fariisiyey wadada laamiga ah, waxaana lagu yiri “Fariista dhulka oo
shaarka kor u qaada”, waxayna shaqaaluhu deg deg u qaateen amarkaasi,
hase yeeshee wadada ayaa xiligaasi cidlo ahayd, waxayna ciidamo ka dul
ridayeen rasaas oo aysan garaneyn cidda ay ku ridayaan, taas oo mar kale
aragagax weyn ku abuurtay qaar ka mid ah shaqaalaha.
Mid ka mid ah ciidamada ayaa ku amray
shaqaalahaasi in ay u dhaqaaqaan dhinaca saldhiga, iyagoo isku
diyaariyey in ay dhanka Saldhiga aadaan ayaa mid kale soo booday oo ku
amray in ay fariistaan oo aysan dhaqdhaqaaqin. Sidii ay u fadhiyeen oo
qoraxdii dhacday ayaa qaar ka mid ah ay sii argagaxaan, waxaana sidoo
kale ku wehliyey dad iyana laga qabqabtay jidka.
Mudo markii ay halkaasi fadhiyeen ayaa
askari kale oo ordahay ku amray in ay baxaan oo ay cararaan, markiibana
hal haleel ayay u carareen, waxayna qaarkood dib ugu soo laabteen
xarunta wargeyska, mudo kale ayay halkaasi ku jireen.
Isku soo wada duuboo, ciidamada Booliiska
waxay ahaayeen jireen kuwo Bulshada u naxariista una damqada dhowrana
goobaha dadku rayidku leeyihiin, iyadoo afhayeenka Ciidamada C/waaxid
Max’ed Xuseen uu sheegay in ciidanka Booliiska loo soo tababaray in ay
xaq-dhowraan bulshada una hiiliyaan.
Dhinaca kale markii ay socdeen dagaaladii u
dhexeeyey ciidmada Itoobiya iyo kuwa Dowladda oo isku dhinaca iyo
kooxaha ka soo horjeeda ayaa 21-kii April ee sanadkaan waxa uu madfac ku
habsaday xarunta Wargeyska Ayaamaha ku lahaa xaafadda NBC, waxaana
halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii damcay inay xarunta kaga
gambadaan madaafiicda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof kale oo isna
ka mid ahaa dadkii u soo cararay xaruntaasi.
Maxay tahay sababta ay ciidamada Kenya u soo galeen Xuduuda
Soomaaliya
Maaalintii shalay ahayd ayaa ciidamo aad u
tiro badan oo ku hubeysan dabaabaad oo ka tirsan Ciidamada wadanka Kenya
waxay 10Km u soo gudbeen gudaha dalka Soomaaliya.
Ciidankaas oo u socday raxan raxan ayaa
waxay galeen tuulooyin ay ka mid yihiin Amuume iyo Dhoobley.
Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay wateen
boorar la sheegay in ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Dowladda
Federaalka ayaa inoo ogolaatay in aanu soo galno xuduuuda”.
Haddaba warar kala duwan ayaa ka soo baxaya
soo gelitaanka ciidamada Kenya ee xuduuda Soomaaliya, qaar waxay
sheegayaan in ciidamadaasi halkaasi soo galeen kadib markii dhawaan la
sheegay in kooxo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka lagu arkay degmooyin
ka tirsan Gobalada Jubooyinka.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in
ciidamada Kenya ay halkaasi u soo galeen arrimo la xiriira dhinaca
ammaankooda kadib markii Dowladda Kenya lagu wargeliyey in halkasi ay
ka sameysanayaan saldhigyo kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka.
Dad kale oo aan kala xiriirnay dhinaca
deegaanka, ayaa waxay noo sheegeen in ciidamada Kenya ay ilaalinayaan
ceelal shidaal oo ay Dowladda Kenya ka qodoneyso dhul ay leedahay
Soomaaliya kuna teed-teedsan Badweynta Hindiya, waxaana arrintaani horey
u kashifay wargeyso ka soo baxa beesha Caalamka oo sheegay in Dowladda
Kenya ay shidaal ka baaraneyso dhul ay leedahay Soomaaliya.
Qaraxyadii ugu badnaa oo shalay ka dhacay Muqdisho
Waxaa shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay
qaraxyo iyo weeraro lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee
maalmahan ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Ilaa shan qarax iyo israsaaseyn ayaa waxay
ka dhacday Suuqa Xoolaaha, waxaana qaraxyadaasi iyo weeraradaasi ku
geeriyooday ilaa shan qof oo rayid ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay
dad gaaraya 10 qofood oo ay ku jireen ciidamada Dowladda federaalka.
Meelaha qaarkood ayaa waxaa lagu waramay in
uu ka dhacay dagaal ka fool ka fool ah, waxaana markii dambe ciidamada
Dowladda gacan siiyey kuwa Itoobiya, iyadoo la sheegayo in dadkaasi
halkaasi laga soo qabqabtay lagu soo xareeyey xarunta CID-da ee
Magaalada Muqdisho, sidoo kale saddex qarax ayaa ka dhacay Isgoyska
Hawl-wadaag, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka, waxaana ku dhintay qof iyadoo labo qof oo kale ku
dhaawacmeen.
Qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa goobta xiray
ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo joojiyey isku socodka gaadiidka
iyio dadka, iyadoo walibana xirxiray ganacsigii halkaasi ka socday.
Xalay oo la weeraray Hotel Madiina ee
Magaalada Muqdisho
Xalay fiidnimadii ayaa qarax iyo
is-raasaaseyn waxa ay ka dhacday Hotel Madiina ee Degmada Xamar-jajab oo
la sheegay in ay ku sugan yihiin ergay ka timid puntland oo ka
qaybgaleysa Shirka dib u heshisiinta Soomaaliyeed.
Ilaa iyo hadda lama garanayo khasaarihii
halkaasi ka dhashay, balse warar ayaa waxay sheegayaan in hal qof uu
dhaawac ka soo gaaray oo la sheegay in uu ahaa qof ay rasaastu ugu
tagtay meel ka durugsan goobta la weeraray.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weeraro iyo
qaraxyo lala beegsado Hoteelada ay degan yihiin ergooyinka, waxaa habeen
dhaweed la weeraray Hotel Lafweyn oo la sheegay in ay degan yihiin
ergooyin ka tirsan Shirka dib u heshiisinta, waxaana ku dhaawacmay ilaa
iyo labo qofood oo ka mid ah ergadii ka qaybgaleysay shirka dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed.
Gaari uu lahaa mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada Gobalka
Banaadir oo..
Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka
tirsan Dowladda Federaalka waxay dib u soo celiyeen Gaari laga dhacay
mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada shirka dib-u heshiisiinta
soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed Cumar Tootow. Gaarigaan oo ay
dhaceen ciidamo xirnaa dareeska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa
waxaa la sheegay in ay markii dambe meel cidlo ah uga tageen, kadibna
waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Waxaa maalmahan dambe Magaalada Muqdisho ku soo badanayey rag wata
dareeska ciidamada oo dhibaato u gaysanayey Bulshada, hase yeeshee
Dowladda Federaalka ayaa dhowr qabqabatay raggaasi
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
27, 2007
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon


|