SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUURIYA

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Suuriya Oo 39 Arday Guddoonsiiyey Abaal Marinno 

sawir1 (26)
Sawiradii xafladda halkan ka daawo...

Xaflada si wanaagsan loo agaasimay uuna qaban qaabadeeda lahaa xafiiska Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya ,laguna guddoonsiinayey ardayda Soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada dalka Suuriya Abaal marrino ayaa lagu qabtay Xarunta Naadiga Anasar, ee Xaafadda Masaakin ee magaalada Dimishiq .

Xafladan oo u jeedada laga lahaa ay ahayd in lagu abbaal mariyo ardayda Soomaaliyeed ee sanad dugsiyeedkii 2006-2007 kaalmo wanaagsasan ka kalay imtixaanaadkii ayaa waxa ka soo qayb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya Md. Maxmuud Muuse Taray, Guddoomiyaha Jaaliyadda C/raxmaan Aadan Cali ,Xoghayaha Jaaliyadda Sh. C/casiis Calas, Dr. Cumar Raabi ,Waalidiinta ardayda iyo dadweyne aad u tiro badan.

sawir1 (14)
Sawiradii xafladda halkan ka daawo...

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Ee Dalka Suuriya Md.C/raxmaan Aadan Cali ayaa waxa uu ka waramay sida ay waxbarashadu u tahay shay qaaliya ayna isugu mid u ahayn qofka aqoonta leh yo kan jaahilka ahi, wuxuuna tilmaamay in aqoon la'aantu ay tahay Iftiin la'aan, maanta aynu nahay ayuu yidhi bulshada ugu baahida badan in ay umadkoodu waxbartaan, si looga baxo dhibaatooyinka Soomali ku habsatay, wuxuuna ku booriyey waalidiintu in ay caruurtooda sii yaan wakhti badan si ay ula socdaan marxaladaha ay hadba marayaan xilliga dugsiyadu furan yihiin.

Shiikh C/casiis Calas oo isagu ah Xoghayaha Jaaliyadda ayaa isaguna waxa uu sheegay in Xafladan ay qabtaan sanad kasta ayna ugu talo galeen in lagu dhiiri galiyo Ardayda Soomalaiyeed ee guulaha ka soo hooyey imtixaanaadka si ay sanadkasta u sii laban laabaan dadaalkooda ,kuwa aan ka qayb galin abaal marinta sanadkanna ay ku daydaan oo ay dadaal muujiyaan, wuxuuna sheegay in ay xafladaha sidan oo kale ah ay jaaliyadda iyo shacabku iska kaashadaan si ubadka guulaha soo hooyey loo abbaal mariyo, niyadoodan kor loogu qaado.

Safiirka Soomaaaliya u fadhiya Dalka Suuriya Mudane Maxmuud Muuse Taray oo ardayda guddoonsiiyey abaal marinada ayaa sheegay in Arday kasta iyo muwaadinkasta uu halkiisa safiir ku yahay matalayana ummadda Soomaaliyeed , wuxuuna intaas ku daray in qofkasta wixii uu wanaag uu gaadho uu ku gaadhay magaca ummadda Soomaaliyeed laguna tilmaamayo in uu yahay Soomaali ee aan si gaar ah farta loogu fiiqayn guusha uu gaadhaan Soomaali u soo wada hooyatay, guul daraduna magac uu wato dusha looga tuurayo, wuxuuna Safiirka Soomaliya u fadhiya Dimishiq uu ku booriyey Ardayda Soomalayeed in ay magaca Ummaddooda kor u qaadaan iyaga oo halkooda Safiiro ku ah, dadaalkoodan sii laban laabaan si ay mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda u anfacaan.

sawir1 (32)
Sawiradii xafladda halkan ka daawo...

Ardayda Soomaaliyeed ee abaal marinta la guddoonsiinayey ayaa waxa ay soo bandhigeen qoraalo muujinaya halka ay waxbarashadoodu gaadhsiisan tahay, iyaga oo ka jeediyey xaflada khudbado mas'uuliyiintii iyo waalidiintii xaflada ka soo qayb gashay farxad galisay, ardayda Soomaaliyeed ee abaal gudkan la guddoonsiiyey ayaa waxa ay tiradoodu gaadhaysay 39,oo ka kala socday fasalada 1--12, gabdhaha abaal marinta la guddoonsiiyey ayaa waxa ay tiradoodu ahayd 23 , halka ay wiilashu ka ahaayeen 16 arday , waxa kale oo xafladan abaal marin lagu guddoonsiyey waalid lix caruur ah oo uu dhalay ay galeen kaalmo aad u wanaagsan

Fasalka Koowaad

  • Anas C/rashiid Maxmuud

Fasalka Labaad

  • Maxmed faarax Maxmed

Fasalka Sadexaad

  • Ilhaam C/casiis Calas

Fasalka Afraad

  • Safiya C/rashiid Maxamuud

Fasalka Shanaad

  • Farxiya Axmed Maxmed Cali(Raadsato)

Fasalka Lixaad

  • Yuusuf C/kariim Wardheere.

Fasalka Todobaad.

  • Afnaan Maxmed Xaaji

Fasalka Sideedaad

  • Zaynab Axmed Maxmed Cali(Raadsato)

Fasalka Sagaalaad

  • Sucaad Maxmed Abuubakar

Fasalka Tobnaad

  • Axmed maxmed Cusmaan

Fasalka koow iyo tobnaad

  • Saciidah C/llah Nuur Cabdi

fasalka laba iyo tobnaad

  • Shukriyah Yuusuf Cadow

Asad Caddaani Ibraahim
asadlaska@hotmail.com
Dimishiq Suuriya

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com