Aug 24, 2007
- Faahfaahinta weeraradii xalay (Jimce) ee Muqdisho.
- Ankunda oo ka deyriyay xaalada Somalia.
- Wariye lagu dilay gobalka Gedo.
- Sheekh Shariif oo beeniyay in Maxkamadaha ay ka dambeyaan dilalka
Muqdisho ka dhaca.
Faahfaahinta weeraradii xalay (Jimce) ee Muqdisho.
Weerar kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac sababay
ayaa xalay ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho, kuwaaso lagu qaaday ciidamada
Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee caasimada ku sugan.
Xalay abaarihii 9:30 fiidnimo waxa kooxo hubeysan
ay weerar loo adeegsaday bambaano ay ku qaadeen ciidamada Dowlada KMG ah oo ku
sugnaan qeybo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa labada dhinac waxa ay isku
adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada ay fureen rasaas
xoogan sida caadata u aheyd in muddo ah.
Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ayaa si weyn u hareeyay muddo saacado ah
agagaarka Isgoyska SOS, Shineemo Cabdi Waayeel iyo warshaddii hore ee
Barafuunka. Halkaasi oo fariisin u ah ciidamada dowladda sida uu shabelle u
sheegay Cabdi Salaan oo ka mid ah dadka deegaanka.
Deeqo Xasan oo kamid ah marwooyinka ku dhaqan xaafada SOS ee magaalada
Muqdisho ayaa saakay qadka telefoonka iigu xaqiijiyay in garaash ku yaala
xaafada SOS ay ku dhaceen madaafiic ay tuureen ciidamada Dowlada halkaasi laba
wiil oo ilaalo ka ahaa garaashka ku dhaawacmeen halka gawaari kor u dhaafeysa
toddobo la xaqiijiyay in burbur xoogan uu soo gaaray.
Deeqo waxay sheegtay in madaafiicda intooda badan ay soo tuureen ciidamada
Itoobiyaanka oo markii laga itaalka roonaaday ciidamada DF sida ay sheegtay
kusoo biiray dagaalka.
Dhinaca kale, weerar aad u abaabulnaa ayaa xalay saqdii dhexe lagu qaaday
Xeradii Guulwadayaasha iyo rugtii saraakiisha halkaasi oo fariisin u ah
ciidamada dowladda KMG ah.
Rasaas xoogan ayay labada dhinac is weydaarsadeen iyadoo ay kusoo biireen
dagaalka ciidamada Itoobiyaanka ee fariisimada ku leh xarunta wasaaradii hore ee
Gaashaandhiga.
Dagaalka labada dhinac xalay dhex maray ayaa la sheegay inuu socday muddo hal
saac iyo dhowr daqiiqo ah, iyadoo labada dhinacba aysan waxba kala harin.
Gaashaanle C/waaxid Max’ed Xuseen oo ciidamada dowlada dhinaca Warfaafinta u
qaabilsan ayaa Saxaafada u xaqiijiyay in labadii dhinac ee xalay dagaalamay
qasaaro soo gala gaartay.
C/waaxid waxuu xaqiijiyay in ciidamada booliska ay kaga dhaawacmeen labo
askari, isagoo sheegay in ay ka dileen kooxihii weerarka soo qaaday ilaa 7 ruux
oo sida uu sheegay Meydkooda halkaasi uu yaalo, dhawaana Saxaafada la tusi
doono.
Weerarada ka dhacay xiliya habeenii caasimada Somalia ee Muqdisho oo lala
beegsado ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada KMG ah ayaa habeenadii ugu
dambeeyay si tartiib tartiib ah usii xoogeysanayay taasoo inta badan ay qasaaro
kasoo gaarto dadweynaha shacabka ah ee caasimada ku dhaqan.
Ankunda oo ka deyriyay xaalada Somalia.
Captain Paddy Ankunda afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee dalka Somalia
ayaa raja xumo ka muujiyay xaalada iminka ay taagan tahay dalka
Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ay joogaan ciidamo ka socda Midowga
Africa.
Ankunka waxa uu yiri “xiligaan kama jirto Somalia nabad la ilaaliyo si lamid
ah meelaha kale ee colaadaha ka jiraan ee Afrika”.
Ankunka oo wareysi siiyay jariirada the Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda
ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inuu xiriir la sameeyay Xoghayaha QM Ban Ki-moon
isla markaan uu weydiistay inay soo dedejiyaan qorshayaal lagu nabadeynayo
Somalia.
Ankunda waxa uu ku dooday in Q.M ay ciidamo u dirto meel ay nabadi ka jirto,
waxaana la iska iloobay buu yiri ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay
keeneen Somalia, Q.M iyada ayaana cunaqabateysay Midowga Afrika ayuu yiri
Ankunda.
afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee dalka Somalia waxa kale oo uu sheegay
in wafdi ka socda Burundi ay imaan doonaan Somalia. dhowaan si ay u qiimeeyaan
halka ciidamooda la dhigi doono, taasoo buu yiri waxay war wanagsan u tahay
dadka Soomaaliyeed.
“Ciidamada Uganda ka socda ee xiligaan jooga Muqdisho, waxa ay qabteen arrimo
badan oo dhinaca gargaarka shacabka dhibaateysan u badan balse nabad aan
ilaalino ilaa hada waan garan la sanahay” ayuu yiri Ankunka
Hadalka Captain Paddy Ankunda afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee dalka
Somalia ayaa kusoo beegmaya xili ciidamada AMISOM ka socda ee Muqdisho jooga
aysan ilaa hada qaban waxyaabo ammaanka lagu sugayo oo la taaban karo iyagoo
ilaalo ka haya oo kaliya Airport Muqdisho, Dekada iyo xarunta Madaxtooyada Villa
Somalia.
Wariye lagu dilay gobalka Gedo.
Wariye Cabdiqaadir Mahad Macalin “C/qaadir Kaskeey” ayaa xalay ku geeriyooday
tacsiirad ay kooxo dableey ah ku fureen gaari uu la socday oo ka baxay magaalada
Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Allaha u naxariistee Wariye Kaskeey ayaa u geeriyooday rasaas ku dhacday,
iyadoo meydkiisa la keenay magaalada Baardheere oo saakay lagu aasay.
Wariyaahaan geeriyooday ayaa waxa uu u shaqeyn jiray dhowr Idaacadood, oo ay
ka mid yihiin Idaacadda Man-deeq (Beled-xaawo), Radio Banaadir (Mogadishu) iyo
Radio Daljir (Gaalkacayo)
Weriye Kaskey ayaa marka uu geeriyoonayay waxa uu ka yimid Muqdisho halkaasi
oo uu kaga soo qeyb-galay Tababar Saxaafadeed oo sare loogu qaadayey Aqoonta
Weriyayaal ka kala socday Warbaahinta madaxa bannaan ee ka furan magaalladda
Muqdishu iyo Goballadda dalka Somalia.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maalmihii la soo dhaafay kooxo
dableey ay ku soo badanayeen wadooyinka gobolka Gedo, kuwaasi oo dhibaato u
geysta had iyo jeer dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Dilka Weriyahaasi, ayaa waxay tiradda Suxufiyiinta sannadkan lagu dilay
gudaha dalka Somalia ka dhigaysaa 7-Weriye, oo aay ugu dambeeyeen Allaha U
Naxariistee Marxuuminta kala ah Cali Iimaan Sharma’arke iyo Mahad Axmed Cilmi oo
iyagu bishan 11-dii lagu dilay magaalladda Muqdsihu.
Sheekh Shariif oo beeniyay in Maxkamadaha ay ka dambeyaan dilalka Muqdisho
ka dhaca.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga
Somalia ayaa beeniyay in Maxkamadaha ay ka dambeeyaan dilalka abaabulan ee
waayadii ugu dambeeyay kusii baahay magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Maxkamadaha ay yihiin rag nabadeed aysan
marnaba dooneyn inay si qalad ah u galaan dhiiga qof muslim ah.
“Maxkamadaha islaamka ma ahan kuwo laaya dadka rayidka ah, waxaadna ku ogaan
kartaan in markii aan ka talin jirney Muqdisho aanu sidaasi dhici jirin" ayuu
yiri Sheekh Shariif oo si weyn u cambaareeyay dilalka ka dhaca caasimadda.
Sheekha ayaa ku eedeeyay dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho inay ka
dambeeyaan Madaxda sar sare ee Dowlada KMG ah iyo Saraakiisha ciidamada
Itoobiyaanka.
Guddoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga Somalia ayaa waxa uu wax
laga xumaado ku tilmaamay in dadkii rayidka ahaa ee laga barakiciyay magaalada
Muqdisho lagu tilmaamo argagixiso, isagoo sheegay in arinkaasi uu tahay mid
qaldan.
“Waxaa wax laga xumaado ah nin sheeganaya inuu mas’uul ka yahay shacabka
gobalka Banaadir, inuu shacabkii uu isaga qaxiyay hadana ku tilmaamo argagaxiso,
waana fakir ay wada qabaan dhamaan dadka ku bahoobay Dowlada Cabdulaahi Yuusuf
waana fakir uu kor ka maamulayo Meles” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xili
dhawaan madaxda sar sare ee DF ku eedeeyeen Maxkamadaha Islaamiga inay ka
dambeeyaan dilalka abaabul ee ka dhacaya Muqdisho.
Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
24, 2007
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon


|