SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Suudaan
Baaq nabadeed oo ay soo saareen Beelaha murusade iyo xaawaadle ee dalka suudaan

kulan ay isugu yimaadeen aqoonyahanada beelaha murusade iyo xaawaadle ee waxkabarta dalka suudaan ayaa waxay baaq ujeediyeen dadka walaalaha ah ee ku dagaalamayo gobalada dhexe iyagoo ku tilmaamay nasiibdaro in maanta dhiig sokeeyo ladaadiyo 

kulan koodaas waxay kasoo saareen qodobdan soo socda

1- in si shuruud la,aan ah loojoojiyo dhiiga dadka walaalaha ah ee macna darada ku daadanayo

2- in si deg deg ah lagu kala qaado ciidamada is hor fadhiyo

3-  waxaan si deg deg ah uga codsanaynayaa odayaasha iyo ugaasyada labada beelood inay u istagaan sidii  dhiigdanbe uusan udaadan isla markaana wixii jira looga wada hadli lahaa

4-in laga waantoobo dhiig sokeeyo oo danbe oo sii daata

5- in wax walbo lagu dhameeyo shareecada islaamka

dhamaan waxaan tacsi udiraynaa qooysaskii iyo eheladii ay wax yeelada kasoogaartay  dagaaladaasi

aqooyahanada ku saxiisan baaqan

xawaadle

1- mustafa canshuur cismaan

2- cali xuseen aadan

3- c/risaaq axmed cuumiye

4- maxamed faarax dhoore

5- c/wahaab xaaji mustafa

murusade

1- maxamed abuukar indha giirle

2- maxamed c/laahi maxamed

3- c/naasir geedi cabdi

4- abuukar salaad maxamuud

5- saacid cumar dhuxuloow

wabilaahi tawfiiq

 

Waxaa soo tebiyey:
mustaf canshuur 
bilaal999@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com