Muqdisho: qarax shalay subax lala beegsaday ciidamada
Ethiopian-ka oo ka dhacay uuqa Xoolaha.
Dad rayid ah ayaa saakay (Arbacadii) ku dhaawacmay weeraro bambaano oo ka
dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadaan ayaa lala beegsaday ciidamada Ethiopian-kaDowlada KMG ee Somalia
oo marayay xaafada Suuqa Xoolaha.
Dadweynaha deegaanka ayaa qadka telefoonka saakay iigu xaqiijiyay in qaraxaan
kadib ciidamada Ethiopian-ka ay fureen rasaas aan loo meel dayin taasoo qasaaro
ay kasoo gaartay dad shacab ah.
Maxamed Cali Cabdi oo kamid ah dadka deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa ii sheegay
in ciidamadaan ay wateen Taangiyo isla markaana ay ka yimaadeen xerada Maslax
una socdeen warshada Baastada oo fariisin adag ay ku leeyihiin.
Maxamed waxa uu sidoo kale sheegay inay arkeen askar kamid ah ciidamada
Itoobiyaanka oo qasaaro kasoo gaaray weerarkaasi lagu qaaday oo la xaqiijiyay in
bambo gacmeed loo adeegsaday.
Qaraxa kadib ayay ciidamada Ethiopian-ka bilaabeen inay xir xiraan dadkii u
dhawaa agagaarka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la sheegay in dadkii ku dhaawacmay
qaraxaasi oo shan qof lagu qiyaasay la geeyay isbitaalka Madiina si loogu
daaweeyo.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Ethiopian-ka weerar loogu geysto
xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo degmada Heliwaa ay noqotay
goobta ugu kowaad ee weerarada looga beegsado ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa
DF.
Sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo Muqdisho lagu dilay.
Sarkaal ka tiirsnaa ciidamada Dowlada Federaalka Somalia ayaa Arbacadii kooxo
hubeysan ay ku dileen xaafada Fagax ee magaalada Muqdisho.
Xasan Bisri oo kamid ah Saxafiyiinta madaxa banaan ee Muqdisho ku dhaqan isla
markaana degan xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa qadka telefoonka iigu
xaqiijiyay in sarkaalkaan ay dileen rag ku hubeysnaa bastoolada oo madaxa iyo
wadnaha kala dhacay rasaas xoogan.
“Marka la dilayay sarkaalkaan inta badan dadweynaha deegaanka wey jiifeen,
waxeyna aheyd xili hore, waxaana lagu ag dilay agagaarka daarta Colaad ee ku
taal isgooyska Fagax” ayuu yiri Xasan Bisri.
Xasan waxa uu sheegay in dhaawac uu ahaa sarkaalka balse markii la doonayay in
isbitaalka loo qaado ay ka baxday nafta, haatana la dhigay gurigiisa si loo
asturo kadibna loo duugo.
Afhayeenka booliska gobalka Banaadir C/waaxid oo aan la xiriiray ayaa ka
gaabsaday inuu ka warbixiyo sarkaalkaasi ciidamada ka tirsanaa ee saakay la
dilay, isagoo sheegay inay baarayaan sababaha dilka ka dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee ugaarsiga lagu hayo saraakiisha ciidamada dowlada ayaa
maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayay caasimada Somalia ee Muqdisho, iyadoo
bil gudaheed la dilay tiro 3 sarkaal gaaraysa.
Guriga Guddoomiyaha Wadajir oo la weeraray.
Aug 22: Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar abaabulnaa kusoo qaaday guriga
Guddoomiya degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow “Daaci” xili uu ku sugnaaa
gurigiisa.
Guddoomiyaha ayaa saakay Saxaafada u xaqiijiyay in qasaaro lixaad leh uu
gurigiisa kasoo gaaray weerarkaasi, isagoo sheegay in dhowr bambaano ay kusoo
dhaceen gudaha gurigiisa.
Guddoomiye Daaci waxa uu xusay in ciidamadiisa ay dagaal xoogan la galeen
kooxda weerarka soo qaaday, isagoo sheegay hadii aysan ciidamadiisa aheyn in
xalay la doonayay in la dilo.
Waxa uu sheegay in ciidamada isaga ilaaliya ay gacanta ku soo dhigeen dad la
tuhmayo oo uu ka mid yahay nin wade ka ahaa baabuur xilligaasi agmarayay Guriga
Gudoomiyaha iyo Ninkale oo la socday.
Waxa uu intaas raaciyay in weli ay ciidamadu wadaan baaritaano ay ugu jiraan
kooxo kale oo la tuhmayo in weerarkaas in ay lug ku yeelan karaan.
“waxaan ugu baaqayaa kooxaha weerarada ama ugaarsiga ku haya Guddoomiyaasha
degmooyinka gobalka Banaadir inay ka toobad keenaan isla markaana ay ogaadaan
hadii ay qof dilaan inaysan gaari doonin guusha ay ku tuhmayaan loona baahan
yahay wada hadal mar kasta” ayuu yiri Daaci.
K/xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca ammaanka Cabdifitaax Ibraahim
Shaaweey ayaa Saxaafada u sheegay inay ka xun yihiin weerarkaasi isla markaana
ay baaritaano xoogan ciidamada wadaan hada lana ogaan doono saacadaha soo socda
cida sida rasmiga ah ugu dambeysay weerarkaasi, isagoo ku goodiyay inay talaabo
aan horey loo arag ku qaadi doonaan cidii lagu helaa falkaasi.
Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo guriga Axmed Daaci weerar noocaan oo
kale lagu qaado, tan iyo markii xilkaas loo magacaabay, iyadoo horey weerar
loogu dilay Guddoomiyaal iyo K/xigeenadooda.
EU oo cambaareysay dilalkii oo geystay Howl-wadeenadii HornAfrik.
Warbixin ay soo saareen ururka Midowga Yurub aay si xoogan ugu cambaareeyeen
dilalkii dhawaan Muqdisho loogu geystay Agaasimada Idaacada HornAfrik Cali
Iimaan Sharmaarke iyo Wariye Mahad Axmed Cilmi.
Ururka waxuu sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalkaasi mas’uuliyiinta
warbaahineed loo geystay, waxuuna ku booriyay Dowlada Federaalka inay sameysay
baaritaano lagu ogaanayo cidii sida rasmiga ah ugu dambeysay dilalkaasi.
“Dowlada KMG ah ee Somalia waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaa
baaritaano eex la’aan ah oo ay ku ogaaneyso cida sida rasmiga ah ugu dambeyso
arintaan si sharciga loo horkeeno” ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixintaan oo ay ku saxiixdeen dowlada Portugal oo iminka heysta
madaxtinimada ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilalkaan loo
geystay labada saxafi ay hoosta ka xariiqeyso baahida deg deg ah ee dhinaca
ammaanka ah oo loogu baahan yahay Somalia xiligaan.
EU ayaa sidoo kale dib ugu celiyay taageerada uu u hayo dadaalada Dowladda
Somalia ay sare ugu qaadeyso xoriyadda hadalka iyo halganka warbaahin aan dhinac
u jan jeerin oo akhbaar sax ah ku dhisan.
11-kii bishaan ayaa allaha u naxariistee Weriye Mahad Axmed Celmi oo ahaa
Madaxii Idaacadda Capital Voice, ayaa lagu toogtay meel dibedda ka ah xarunta
Warbaahinta Horn Afrik iyadoo saacado kadib agaasimihii Horn Afrik Cali Iimaan
Sharmaarke waxa uu geeriyooday markii gaarigii uu saarnaa uu qarax la kacay,
isaga oo kasoo laabtay aaskii Mahad.
Guddoomiyaha degmada Buur-hakaba oo la xiray.
Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha degmada
Buur-hakaba ee gobalka Bay Maxamed Cabdi Xuseen Owqaareey.
Qaar kamid ah xubnaha maamulka degmada Buur-hakaba ayaa saakay Saxaafada u
xaqiijiyeen in qaar ka tirsan booliska DF ay saakay xafiiskiisa ka wateen
Gudoomiyaha Buur-hakaba Owqaareey, isla markaana aan la ogeyn ilaa xiligaan
sababaha guddoomiyaha loo xiray.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha maalmihii ugu
dambeeyay uu waday abaabulo uu kaga soo horjeedo siyaasada ay ku dhaqmeyso
Dowlada Federaalka, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in xariga Guddoomiyaha ay
ka dambeyso kadib markii uu gabaad siiyay rag ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga
ee degmadaasi.
Odoyaasha degmadaasi ayaa wada dagaalo ku aadan sidii xabsiga loogu soo deyn
lahaa guddoomiyaha, iyadoo saraakiisha booliska dowladana ay sheegeen inaysan
iyaga deyn karin guddoomiyaha oo amar ka sareeya uu xabsiga dhigay.
Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo xabsi la dhigo Guddoomiyaha
Buur-hakaba ee gobalka Bay Maxamed Cabdi Xuseen Owqaareey.
Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
23, 2007
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon


|