SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaali ma  Sidaan baa u Danbaysay !!!

Yoonis Aadan ( Cigalley )

 

wardhiigley@hotmail.com

 

Taariikhdu waa ma guurto, maduugowdo, dadku waxna waa ku daraan waxna waa ka dhimaan wixii mar soomarana waligeed  waa laga dheehdaa. Waxaa xaqiiq ah hadeynu nahay soomaali in aynu nahay dad ilbaxiin ah oo baraarujiyey Afrika  60 maadkii markii ay ku jirtay halgankii xurnimo doonka ahaay, iyadoo lagu luqeeyey heestii eheed ” Hobey Afrikaay hurudooy halyeeyadaadii hurudooy, haamaa la saartee  hurudooy” waxeynu nahay dad aqoon yahaniin ah oo ku taqasusey laamaha cilmiga oo dhan, waxeynu nahay dad geesi yaal ah oo ka gilgilsho gumeysiga, waxaana soo xasuusta heestii  eheed ” Ceesaantii mas iyo good madax shabeel leeftaa, malageedi baa galayee”  waana ayaan daro   47 sano ka dib in  dalkeenii uu gumeysi ku jiro maanta!!

 

Umada Soomaaliyeed waa umad gumeysi diid ah hadii taariikhda dib loo raaco, maantana  Soomaaliya aduunkoo dhan ayaa ka hiiliyey oo gacmaha qabtay  waana arin naxtin leh oo  fajac ah , Quwadaha waa is xoogaan  dhulalna waa leyska  qabsadaa laakiin maanta Qaramada midoobay ayaa jirto waana kaa aamustay, Carab waa kaa aamustay , Afrikana waa kaa aamustay.

 

Itoobiya waxaa dalka soo geliyey waa  Mareykanka, wexeyna itoobiya u tahay  Test  uu ku tijaabinaayo New World  Order  sida  dal loogu adeegsado dal kale , laakiin itoobiya waa ku dhiiqowday ka dib markii ay Maxaakiimtu ay bedeleen taatiikii  dagaalka , maantana wexey ka taagan tahay yaa kaa bixiyo.,  sidoo  kale USA wexey noosoo adeegsatay keynya.

 

 Waa murugo iyo tiiraanyo in maanta  isbitaalkii Martiini   oo ah halka ay ku jiraan ciidamadii kusoo naafoobay dagaalkii 77 in uu hor taagan yahay kaare itoobiyaan ah,  ayaga oo  is wey diinaayo maxey  lugaheygii iyo gacmaheygii ay  u go’een hadii  maanta  wadankeygii itoobiyaan ay heestaan, taasna waxaa i badey jaahil iga mid ah oo itoobiyaan soo geliyey  dalkii aan u soo naafoobay difaaciisa.

 

Safiirka itoobiya ayaa calan ka surtey Vila Somaliya isaga oo faragelin siyaasadeed ku hayo soomaaliya isaga ayaa amra  dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo mida bulsho ee kooxda dowlada sheeganayso, mar hadii nalaga guuleestey siyaasadii iyo milaterigii ayuu bilaabay inuu ku tunto sharafteenii isaga oo u hanjabaayo warbaahinta madaxa banaan  sida uu ku yiri Raadiyowga  Shabeele hadii aydaan joojin wararka aad sheegeysiin waxaan idin ku soo fasaxayaa dad aan idin ka cel celinaayo!!!

 

 Waxaana xigtey in la xiro  raadiyaha shabeele  wariyaashii ka shaqeynaayeyna xabsiga loo taxaabo, mudo yar kadibna waxaa la dilay wariyihii Capital Voice Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi  iyo Agaasimihii  Idaacada Horn Afrik  Allaha u naxariistee  Cali Iimaan Sharmaarke  ayaga oo gudanaayo howlahooda suxufinimo, sabata loo dilayna  waa maxaad uga hadashaan xasuuqa , barakicinta , xariga iyo dhaca umada lagu haayo.

 

Safiirka itoobiya markii uu joogay xiligii  dowladii Aadan Cade , tii Cabdi Rashiid iyo tii Maxamed Siyaad waa ladaba geli jirey cid alla iyo cidii uu la kulmana dacwad ayaa lagu soo oogi jirey, laakiin maanta howlo  aan quseyn ayuu faraha kula jiraa, waana inuu ku ekaadaa howlihiisa dibolomaasiyadeed walow maanta  aysan muuqan wax dowlad layiraahdo,  dalkana waxaa  ka jiro gumeysi iyo shacbi halgamaayo.

 

Nimankaan shaarka dowlada loosoo galiyey wax wanaag , sharaf, nabad  iyo horumar ah  oo ay u keeneen ummada ma jirto, balse wexey u keeneen gumeysi soo jireen ah,  iyo xasuuq, dhac, barakicin, xarig, kufsi oyo bahdilid aan ka eheen. Waa marka aynu usoo daadegno xaqiiqda.

 

 Bini aadamka waxa ugu qaalisan waa sharafta, mar hadii sharaftaadii lagu tuntay oo gabdhahaagii la kufsanaayo oo wijiga laga feedaayo oo derbiga madaxa loo saarayo, culumadeeniina masaajidyada lagala baxaayo laguna sameenaayo bahdil ku saleysan hab diineed, waana tii ugu xumeed ee ibni aadamka soo marto mar hadii lagaala  dagaalaayo diintaada.

 

Umadaan kala  guuratay ,umadaan aan isku hiilineyn, aaway dareenkii soomaalinimo, aaway dareenkii qaranimo, aaway dareenkii wadaninimo, aduunka waxaa laga dhaa dhiciyey ayagaa isku maqan. Waana arin  mudo dheer  laga soo shaqeynaayey, in  nala geliyo Iskadaba Wareeg ( Round competition ) mar hadey umadi gasho Iskadaba Wareeg  waa adagtahay sidey uga baxdo, waxaana lagaa soo galay labada duleel ee Qabiilka iyo Jahliga,  inta aad u arkeyso cadow   walaakaaga soomaaliga ah  isticmaarku wuu kaa faa- iideysanaa, wuxuuna kaa tirtirayaa dareenkii wadaninimo iyo dareekii aad ku dareemi leheed ama aad ku arki leheed gumeysiga.

 

Aqoon daridu waxey cadow u tahay  sharafta bini aadamka ( ignorence is the enemy of human dignity ) waxaa nalaga burburiyey akhlaaqdii ( the character is destroyed) waxaana dhuntay sharaftii ( the dignity is lost ) akhlaaqda  iyo  sharafta oo luntay  ee aaney u muuqan  midnimadu waxa ay tahay, soomaalinimadu waxa ay tahay ee uusan u dareemeynin  waxa la yiraahdo  ( the identity of nationality) taasna waxaa sabab u ah jahliga.

 

 Hadaba waxaa loo baahanyahay  baraarug xag qaranimo iyo soomaalinimo si  loo soo celiyo  kalsoonideenii, dalkana looga saaro gumeysiga, waayo xuriyadeenii baa laqaatey , dhulkeenii baa laqaatey aduunkiina waa naga hiiliyey, waa na yasay oo na xaqirey, weligaana  xuriyad banaanka lagaaga keenay haku seexan waa in dhiig loo daadiyaa.

 

Itoobiya  waa cadwga soomaaliya, taariikhiyan ayayna cadow ula tahay, xal siyaasadeed wax kuma lahan ee iska dhicin bey wax ku leeyihiin, tigreey bixitaankeeda waxaa inaga xiga naf badan oon u hurno iyo maal badan.

 

Geedka gobanimadana  wuxuu ku baxaa dhiiga dadka , miraha gobonimadana cid  hadiyad loo siiyey ma jirto ee waa in dhiig loo daadiyaa,  sharciga ayaana dhigaayo in leyska dhiciyo  cadow kuugu soo duulay.

 

 

By:- Yoonis Aadan ( Cigalley )

 

wardhiigley@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com