Wararkii: Aug 22, 2007
-
Ciidamada Itoobiya oo rasaas ku furay dad rayid ah.
-
Qaar ka mid ah Beelaha ka qaybgalaya shirka oo sheegay
haddii uusan Max’ed Dheere raagelin ka bixin hadalkii….
-
Dowladda Mareykanka oo looga digay in ay hawlgalka
Soomaaliya u bedesho…..
-
C/llaahi Yuusuf “Hadalka Cali Geedi, anigu ma maqal
laakiin hadduu jiro….”
-
Sheekh Cali Dheere “Mar keliya ayaa laga adimi doonaa
Masaajidda khudbad keliyana waa laga akhrin Doonaa”
Xulka Qaranka Soomaaliya oo ku soo aaday xulka Swaziland
is reeb-reebka Koobka Adduunka.
Ciidamada Itoobiya oo rasaas ku furay dad rayid ah.
Waxaa maalintii shalay ahayd qarax lala beegsaday gaari ay
lahaayeen Ciidamda Itoobiya, qaraxaas kadib ayaa ciidamada
Itoobiya waxay fureen rasaas waxaana ku geeriyooday saddex
qof oo ahaa dad rayid ah oo ka dhawaan goobta u qaraxu ka
dhacay.
Dhacdadaan oo ka dhacday Suuqa Xoolaha ayaa wararka qaar
waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay sdoo kale
kaxeysteen dhowr kale, sidoo kale warar ayaa waxay
sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay soo gaartay khasaare,
waxayn dadka qaarkiis sheegeen in ay kaga dhinteen qaraxaasi
ilaa iyo sadde askari, sidoo kale qarax ka dhacay agagaarka
Warshadda Caanaha shalay subaxnimadii ayaa waxaa lala
damacsanaa Gaari ay lahaayeen Ciidanka Dowladda Federaalka,
balse qaraxaasi waxa uu qaraxaasi khasaare gaarsiyey dad
rayid ah oo ka dhawaan goobta uu qaruxu ka dhacay.
Inkastoo ay weli ka socdaan Magaalada Mulqdisho qaraxyada
lala beegsanayo ciidamada Dowladda iyo Kuwa Itoobiya, ayaa
haddana waxaa socda hawlgalada ay Ciidamda Dowladdau ku
baarayeen Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Beelaha ka qaybgalaya shirka oo sheegay
haddii uusan Max’ed Dheere raagelin ka bixin hadalkii….
Qaar ka mid ah ergooyinka ka qaybgalaya shirka dib u
heshiisinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay gudiga dib u
heshiisiinta qaranka u gudbiyeen warqad qoraal ah oo ay kaga
dalbanayaan in Max’ed Dheere uu si dhaqsi leh raagelin uga
bixiyo hadalki dhawaan ka soo yeeray ee ahaa in dadka u
qaxay inta u dhexeysa Siinka Dheere ilaa iyo Afgooey ay
yihiin Agagixiso, waxayna ergooyinku ku tilmaameen warkaasi
mid sii kala fogeynaya ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan ku jirnaa xili dib u heshiisiin ee ma aheyn in
mas’uul u hadalkaas oo kale ku hadlo” ayay yiraahdeen
ergooyinka ka qaybgalaya shirka oo sheegay in haddiisan usan
Max’ed Dheere raagelin deg deg ah ka bixin ay dib ugu laaban
doonan gobaladoodi.
Ergooyinka waxay kaloo sheegeen in hadalka ka soo yeeray
Max’ed Dheere uu yahay mid burburinaya shirka dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed, waayo ayay yiraahdeen, waxa uu ka
hadlay waxyaabo Qatar gelin kara shirka dib u heshiisiinta.
Dhinaca kale odoyaal ka tirsan Beelaha ayaa iyagu waxa ay
hadlka Max’ed Dheere ku tilmaameen mid aan u daneyneyn
Ummadda Soomaaliyeed, waxayna yiraahdeen “In Ma’ed dheere uu
dad ka qaxay dagaaladii Muqdisho ka dhacy uu ku tilmaamo
argagixiso, balse waxay ahayd in uu soo booqdo dadkaasi, oo
u soo ogaado xaaladooda, bal in ay yihin argagixisi iyo in
kale”.
Dowladda Mareykanka oo looga digay in ay hawlgalka
Soomaaliya u bedesho…..
Iyadoo loo ololeynayo in hawgalka Soomaaliya uu noqdo
mid hoos yimaada Qaramada Midoobey ayaa waxaa arrintaan
si aad ah ugu ololeynaya dowladda Mareykanka oo dooneysa
in ciidamo hoos taga Qaramada Midoobey loo diro
Soomaaliya, maadaama ciidamadii laga sugayey Midowga
AFrika ay ka baaqsadeen n ay Soomaaliya tagaan.
Dowladda Mareykanka ayaa waxay haatan kulamo la leedahay
wadamo dhowr ah oo ay ka qalqaalineyso in Soomaaliya loo
soo diro cidamo ka socda Qaramada Midoobey, hase yeeshee
wadamo ay ka mid yihiin K/Afrika, Masar ayaa iyagu uga
digay Dowladda Mareykanka in ciidamo ka tirsan Qaramada
Midoobey loo diro Soomaaliya.
“Horey ayay Soomaaliya u soo aragtay Cidamo ka tirsan
Qaramada Midoobey oo uu horkacayey Mareykanka, waana la
ogaa wixii u ku dhamaaday hawlgalkaasi, waxaana ku
dhintay kumanaan kun oo Soomaal ah” ayay yiraahdeen
dalalkaani oo u soo jeediyey Dowladda Mareykanka in
Soomaliya loo diro ciidamo ka tirsan.
C/llaahi Yuusuf “Hadalka Cali Geedi, anigu ma maqal
laakiin hadduu jiro….”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa waxa laga weydiiyey hadalka dhawaan ka soo yeeray
Ra’isul Wasaare Cali Max’e Geedi ee ahaa in dowlddu ay
sameyn doono Qad Cagaaran, waxa uuna yiri madaxweynuhu
isaga oo hadalkasi ka jawaabaya “Anigu ma maqal, laakiin
haddii uu jiro waa mid aan ka tarjumeyn siyaasadda
Dowladda Federaalka”.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in
arrintaasi ay sid ugu dhaqsiyaha badan uga wada hadali
doonaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, isagoo
sheegay in Shacabka Soomaliyeed u baahan yihiin nabad
balse aysan u baaneyn in dhibaato kale lagu sii
siyaadiyo.
“Dowladda waxay la dagaalameysaa kuwa nabad diidka ah ee
aan ogoleyn in dalka Dowlad ay ka jirto” ayuu yiri
Madaxweyne C/llahi Yuusuf oo sheegay in shacabka
Soomaaliyeed looga baahan yahay in ka shaqeeyaan nabdda
dowladdana ay ku gacan ku siiyaan.
Sheekh Cali Dheere “Mar keliya ayaa
laga adimi doonaa Masaajidda khudbad keliyana waa laga
akhrin Doonaa”
Agaasimaha guud ee
Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha ee Dowladda Federalka
Diinta Sheekh Cali Maxmuud (Sheekh Cali Dheere) oo
shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa
waa uu sheegay in Dowladda ay sharciyo u soo saari
doonto Masaajidda Dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in
dhawaan Masaajidda ay noqon doonaan kuwo dhan kasta iska
socda.
“mar qura ayaa laga adimi doonaa, Sidoo
kalana khudbadda Jimcaha ayaa Masaajidda laga wada
akhrin doonaa mid khudbad isku mid ah” ayuu yiir Sheekh
Cali Dheere oo sheegay in arintaan ay wasaaradda
Aw-Qaafta iyo Arimaha Dinta uga danleedahay sidii loo
mideyn lahaa masaajidda shacabkana khilaafka looga saari
ahaa.
Mar la weydiiyey Sheekh in arrintaani
wataan dowlado kale, ayaa waxa uu yiri “Waa wax caalamul
Islaami ka jira, waayo wasaaradda arrimaha Diinta iyo
Aw-Qaafta, waa in ay la socotaa xaaladda Masaajidda ku
sugan yihiin
Kulankii saddexaad oo ay yeesheen xulka qaranka
Soomaaliya
Kulankii saddexaad ayay xulka qaranka Soomaaliya maalinti
shalay ahayd yeesheen waxayna la cayaareen xulka wadanka
Tanzania oo iyana horey looga soo badiyey labo kulan oo ay
yeesheen.
Cayaartaan oo ka tirsaneed tartanka Bariga yo Bartamaha
AFrika ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada, ayaa waxay xulka
qaranka Soomaliya soo bandhigeen cayaar ay si aad ah u
jecleysteen dadkii daawanayey, waxayna cayaartu ku soo
gebagabowday waqtigii loogu talagalay barbaro 2-2, waxaana
labada gool xulka soomaaliya u dhaliyey C/casiis Hoomey.
Kulanki ugu horeeyey xulka soomaaliya waxa uu la yeeshay
xulka wadanka Rwanda, waaana xulka Somalia looga badiyey
2-0, sidoo kale waxay kulankii labaad la yeesheen xulka
wadanka Burundi waxayna cayaartasn ku soo gebagabowday 6-0
oo looga badyey soomaaliya.
Xulka Qaranka Soomaaliya oo ku soo aaday xulka Swaziland
is reeb-reebka Koobka Adduunka.
Waxaa la sameeyey isku aadka Koobka Adduunka ee 2010-ka oo
ay martgelineyso wadanka K/AFrika, waxaana isku aadkaani uu
ka dhacay xarunta CAF ee magaalada Qahira, waxayna Soomaliya
ku soo began tahay xulka wadanka Swaziland.
Kulankaan oo noqon doona is arag hore iyo is-arag dambe ayaa
waxaa is-araga hore ka dhici doona dalka Jabuuti, maadaama
xiligaan Soomaaliya nabadgelyadeeda la isku haleyn Karin,
waxayna cayaartasi dhiceysaa 12-ka October, kulanka labaadna
waxa uu ka dhici doonaan dalka Swaziland bisha November.
Xulka Soomaaliya ayaa dhawaan la xuli doonaa, waxaana la
magacaabi doonaa tababarayaashii laylin doona, iyadoo xulka
Soomaliya looga baahan yahay diyaargarow adag, maadaama waxa
uu haray tahay mudo 40 cisho ah.
Amiin Yuusuf Khasaaro