Dhalinyarada Muqdisho oo 88% isaga soo qaxay caasimada.
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia
waxaa ka dilaacay bilooyinkii lasoo dhaafay qax aad u weyn, taasoo ay wadaan
dhalinyarada ku dhaqnaa caasimada.
Gawaarida aada gobolada dalka Somalia iyo Diyaaradaha ayaa waxaa buux dhaafiyay
dhalinyaro aad u fara badan oo maalinba maalinta ka dambeysa sii saa’idaya
kuwaasoo sheegaya inay ka baxsanayaan ciidamada Dowlada KMG oo xiritaan iyo
jirdil u geysta.
“Xabsiyada magaalada Muqdisho oo ay Dowlada
gacanta ku heyso waxaa buux dhaafiyay dhalinyaro faceena ah oo aan waxba
galabsan, kuwaasoo iyagoo mehradahooda jooga ama guryahooda laga qafaashay
iyagoo aan waxba galabsan” sidaasi waxaa yiri Maxamed Xasan Cali oo kamid ah
dhalinyarada Muqdisho kasoo qaxday.
Maxamed waxuu sheegay in asxaabtiisa intooda
badan xiligaan ay ku jiraan xabsiyada dowlada, isla markaana inta badan jirdil
fool xun ay u geysteen ciidamada Dowlada, waxuuna sheegay in isaga laba mar la
xiray lacago laaluusha ahna lagu soo furtay sidaasi darteedna uu isaga soo
cararay Muqdisho.
Boosteejooyinka gawaarida laga raaco ee Muqdisho
ayaa lagu arkayaa dhalinyaro aad u fara badan oo doonaya inay ka tagaan
caasimada iyagoo sheegaya inay naftooda kala baxsanaay ciidamada Dowlada, oo
iyagoo aan waxba galabsan xiraya isla markaana aan deyneyn ilaa lacago laga
bixiyo.
Arrimahaan ayaa ilaa iminka aysan ka hadlin
mas’uuliyiinta Dowlada KMG ah ee Somalia, kuwaaso ka dhaga fareysta eedeymaha
kasoo yeeraya dadweynaha ku dhaqan Muqdisho.
Addis-Ababa: sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo tooreey lagu dilay.
Wararka naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia
ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia tooreey
lagu dilay.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Max’ed Cismaan sida la xaqiijiyay ayaa
maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa caasimada Ethiopia, isagoo halkaasi keenay
qoyskiisa oo kala soo qaxay magaalada Muqdisho.
Sarkaalkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa mid aad u taabadcsan siyaasada
Dowlada Federaalka xiligaan ay ku shaqeyneyso, isagoo dhowr mar meelaha fadhi ku
dirirka ah oo ay Soomaalida iskugu yimaadana ku afgalaadeeyay beelaha Hawiye ee
Muqdisho degan iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamiga.
Nin Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa inuu habeen hore luuq u galay
sarkaalkaan oo magaalada ka yimid isla markaana usoo socday gurigiisa oo ku
yaala xaafada Makanaay, halkaaso ninkii soomaaliga ahaa tooreey uu dhuunta ka
galiyay.
Meeydka Sarkaalka boliiska ayey Ciidamada
Itoobiyaanka qaadeen,waxaase baxsaday ninkii dilay oo la baadi goobayo sida ay
Waagacusub u sheegeen Soomaalida Makanaay iyo Booli.
Falkaan ayaa laga cabsi qabaa inuu waxyeelo
gaarsiiyo kumanaanka Soomaalida ee Addis ababa ku nool,kuwaas oo aan badankood
sharci deganaansho ku lahayn dalkaas .
Dadweynaha ku dhaqan Addis Ababa ayaa manta iyo
shalay si weyn ugu hadlay dilka sarkaalkaan loo geystay, iyadoo ay cabsi ku
abuurtay arintaan mas’uuliyiinta DF oo ilaalo la’aan dhex mushaaxa addis ababa.
Isku soo duuboo, falkaan ayaa noqonaya midkii ugu
horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Addis Ababa, iyadoo ciidamada Ethiopian-ka
ay dar dar ugu jiraan sidii ay soo qaban laheeyn ninkii dilka geystay.
DF oo isku khilaafsan indho shareerka laga furayo haweenka
Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa isku khilaafsan indho shareerka ciidamada
Dowlada ay sida xooga ah ugu furayaan haweenka xijaaban ee ku dhaqan goobaha ay
ciidamada dowlada kaga sugan yihiin Somalia.
Wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrimaha
gurcan oo ay ciidamada Dowlada sida xooga ah kaga qaadayaan haweenka xijaaban
indho shareerka ama niqaamka.
Wasiir K/xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo diinta dowladda KMG ah Isaaq
Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in wasaaradiisa oo arintaan u xilsaaran dowlada
aysan marnaba raali la aheyn arinta ay sameynayaan ciidamada, waxuuna xusay in
arintaan ay wataan mas’uuliyiinta sar sare ee DF iyo rag ka tirsan saraakiisha
ciidamada ay ka amar qaataan.
“Wasaaradeyda marnaba amar kuma bixin in haweenka Alle dartii u xijaabtay
inay ciidamada xoog kaga qaadaan indho shareerka, waaana arin cuqubo u keeni
karta dowlada isla markaana aanan habooneyn in lagu dhaqmo” ayuu yiri Wasiir
K/xigeenka.
Wasiir K/xigeenka waxuu arintaan ka dhawaajiyay kadib markii ciidamada
dowlada KMG ah ee ilaalada ka ah xarunta Madaxtooyada Baydhaba ay xaaskiisa ku
amreen inay indho shareerka iska bixiso, isagoo sheegay in qasab ay ugu dafeen.
Waxa uu cabashadiisa horgeeyay Baarlamanka oo uu sheegay in Baarlamanka uu
cadeeyo in uu jiro sharci mamnuucaya in haweenka ay qaataan Indho shareerka,
isagoo sheegay in baarlamanka uu ka doonayo in arintaasi ay ka hadlaan.
“Aad baan shalay u carooday, arintaana waxaan hor dhigayaa Madaxweynaha iyo
Ra’iisul-wasaaraha hadii ay raali ka yihiina waxa dhacaya, markaas bur iyo biyo
ayaa loo kala bixi doonaa” ayuu yiri Wasiir K/xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo
diinta dowladda KMG ah Isaaq Maxamed Maxamuud.
Wasiir K/xigeenka waxa u sheegay in ay muhiim tahay in haddii baaritaano ku
aadan haweenka uu yimaado ay baaraan haween kale si looga fogaado waxyaabo
badan.
Sarkaal sare ayaa isna sheegay in ciidamada lagu amray inay ka qaadaan
haweenka indho shareerka wata hadii ay diidaaana ay xoog kaga qaadaan, isagoo
tilmaamay inay arrimo ammaan awgeed ay u sameynayaan arintaan.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada DF ayaa intii ay yimaadeen Muqdisho iyo
Baydhaba waday inay haweenka xijaaban isla markaana wata indho shareerka ay xoog
kaga qaadaan indho shareerka iyagoo qaarkoodna jirdil foon xun u geysta.
Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlay cafiskii ay u fidiyeen Maxkamadaha Islaamiga.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somalia Cabdulaahi
Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee
magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay cafis
dowladiisa ay sheegtay inay u fidisay ragii ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamiga
Somalia.
Cabdulaahi Yuusuf oo caan ku ah marka uu
qudbadeynayo inuu inta badan hadaladiisa kusoo daro erayo ay ka mid yihiin
Argagaxiso iyo Al-qaacida, ayaa yiri “Dowlada KMG ah ee Somalia cafis ayay u
fidisay ragii ka haray Maxkamadihii aan ka itaalka roonaanay, isla markaana wey
ku noolaan karaan gudaha caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia, hana ka
toobad keenaan falalkii Argagaxisnimada ahaa oo ay ku jireen”.
“Haddii ay ka faa’iideysan waayaan ragaan
Argagaxisnimada ku dheeraaday, lagama yaabo inay mar dambe cafis helaan, waxaana
lasoo hortaagi doonaa sharciga, sharciga cid ka weyn ma jirto” ayuu yiri
Madaxweyne Yuusuf.
Dowlada Federaalka Somalia ayaa mar walba
sheegtay inay cafis u fidisay ciidamadii u dagaalamayay Maxkamadaha Islaamiga,
iyadoo laakin si hoose u sheegta inay qaban doonto cid ka tirsanaa
Mas’uuliyiinta Maxkamadaha hadii ay aragto.
Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul-wasaare Geedi ayaa
inta badan fagaarayaasha ka sheega in dowladoosa ay tahay mid nabadeed balse
marka loo eego dagaalada ay Muqdisho ka wado, iyo wararka lidka ku ah
xasiloonida Muqdisho ee kasoo yeeraya ayaa u muujinayaan in dowlada aysan rabin
nabad ka islaaxda caasimada iyo guud ahaan Somalia.
Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia ayaa dadweyne aad u fara badan ka xir xira
maalin kasta caasimada Somalia ee Muqdisho, taasoo sababta in dhalinyarada ay
isaga soo qaxaan caasimada Somalia ee Muqdisho.
Si kastaba, xaalada caasimada Somalia ee Muqdisho
ayaa xiligaan nabad daro baaxad weyn ay ka taagan tahay, iyadoo dadweynahana ay
sheegayaan in ciidamada DF ay dhac bareer ah maalin kasta u geystaan.
Maxkamada Hargeysa oo sedex sano iyo sagaal bilood xarig ku riday
hogaamiyaasha Xisbiga Qaran.
Xaakinka Maxkamadda Hargeysa Siciid Yusuf Cabdi ayaa ku dhawaaqay in dacwad
socotay afar saacadood kadib, Gudoomiyaha Xisbigga Qaran iyo ku xigeenadiisa
lagu xakumay sedex sano iyo sagaal bilood oo xariga iyo inaysan ka qeybgeli
Karin doorashooyinka dalka Somaliland shanta sanadood ee soo socota.
Hay'ada u dooda xaquuqul insaanka ee Somaliland ugu
wayn laguna magacaabo Shuronet ayaa xukunkaas cambaareysay,waxayna sheegtay in
hogaamiyaasha aysan heysan qareena oo ay afkooda isku difaacayeen.
Xukunka ay Maxkamadda Hargeysa ku riday
hogaamiyaashaas siyaasadeed ayaa dareen horleh ka abuuray Somaliland laakiin
waxay ila xog ogaala sheegayaan inay jirto rajo siyaasadeed laga yaabo in lagu
sii daayo cafis Madaxweyne .
Hogaamiyaasha Xisbigga Qaran ayaa xabsiga Mandhere
loo dhaadhiciyay wada hadalo mudo socday oo fashilmay ka gadaal,lamana oga halka
xaalkooda ugu dambeyn caga dhigan doono.
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ee lagu
magacaabo Saleebaan Gaal ayaa hore sida axsaabta Qaran mudo loogu xiray Xabsiga
Mandheere,ka dib markii uu ku dhiiraday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed lidi ku ah
Xukumadda Somaliland.
Aadan Sheekh oo baaq u diray kooxaha qaraxyada ka sameeya Muqdisho.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”
Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia ayaa baaq u jeediyay kooxaha kasoo horjeeda
dowladiisa oo qaraxyada ka dhanka ah dowlada ka sameeya caasimada Somalia ee
Muqdisho.
Sheekh Aadan Madoobe waxa uu xusay in dowlada KMG
ah ay tahay mid nabadeed isla markaana sida uu yiri aysan dooneyn dhiig ku daata
Muqdisho iyo meel kale oo kamid ah Somalia.
Aadan Madoobe waxa uu tibaaxay in xaalada dalka
Somalia maanta marayaa tahay meel wanaagsan isagoo carabka ku dhuftay in ay
nabadgalyo ka soo iftiimeyso Muqdisho oo ahayd saldhiga dagaalada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa aysan
cidna dambi u heysan isla markaana xiligaan ay dooneyso nabad ay ka islaaxiso
Somalia, waxuuna yiri “Kooxaha qaraxyada ka sameeya Muqdisho hasoo fariistaan
miiska wada hadalka, xabad inaysan waxba tarin ku ogaada waxii dalka ka dhacay”.
Sheekh Aaden Madoobe ayaa sheegay in howlaha ka
socda magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa isaga soo jiitay ,wuxuuna sheegay in
howlgallada ciidamada dowladu yihiin kuwa amaanka dib loogu soo celinayo aysana
jirin cid si gaar ah loogu uraagsanayo.
Sheeka wuxuu mahadcelin balaaran ujeediyay ciidamada DF oo uu sheegay in ay
yihiin geesiyiin isla markaana ay Soomaaliya ka xoreeyeen kooxo doonayay in ay
Argagixiso hoy uga dhigaan.
Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe waxaa
aad u cambaareeyay siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaasoo sheegay in Sheekh Aadan
Madoobe uu yahay nin u adeega cadowga dalka isla markaana hadalkiisa uu yahay
mid la iska yiri oo kaliya oo aan qalbiga jirin.
Weerar xalay lagu qaaday fariisimada ciidamada DF ee degmada Heliwaa
Kooxaha wax iskaabinta Muqdisho ayaa xalay weerar
qorsheysnaa kusoo qaaday fariisimo ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ku
lahaayeen degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.
Kooxahaan weerarada soo qaaday ayaa qaraxyo aan horey loo arag ka geystay
fariisimada ciidamada Dowlada, iyadoo ciidamadana lagu soo waramayo inay aqoon
waayeen goob laga xigo oo ay ku kala firdhadeen xaafadaha degmadaasi.
Ka hor inta aaneey bilaaban tiro hoobiyeyaal ah oo lagu tuuray fariisimo
ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa
la maqlay ilaa 4 qarax oo loo adeegsaday bam gacmeedyo oo lagu weeraray ciidamo
ka tirsan dowladda oo marayay inta u dhaxeysa suuqa xoolaha iyo isgoyska
H/wadaag.
Hoobiyaashaan ayaa sida ay ku waramayaan dadka deegaanka ayaa qasaaro u
geystay ciidamada Dowlada, iyadoo dadweynaha qaarkood ay sheegayeen inay
arkayeen ciidamada qaarkood oo dhaawacadooda laga soo bixinayo fariisimadooda.
Weerarkaan hoobiye oo dhacay abaaro sagaalkii fiidnimo xiliga Muqdisho
waxuuna istaagay daqiiqado ka dib, iyadoo aan la soo sheegin wax jawaabo ah oo
ay ka bixiyeen ciidamada dowladda.
Ciidamada Dowlada ayaa isku fidiyay xaafadaha u dhow dhowaa goobaha xalay la
weeraray, iyagoo saakay markii uu waaga baryay baaritaano ka sameeyay xaafado
kamid ah degmada Heliwaa.
Muuse Cali oo kamid ah dadka degan xaafada SOS ee degmada Heliwaa ayaa qadka
telefoonka saakay iigu sheegay in dhalinyaro degnaa xaafada oo uu ku qiyaasay
dhowr iyo soddon qof saakay ay wateen ciidamada Dowlada, isagoo sheegay inaysan
aqoon goobta ay geysteen dhalinyaradaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar hoobiyaan ah lagu qaado ciidamada
Dowlada tan iyo markii ay soo caga dhigatay dowlada magaalada Muqdisho, iyadoo
weerarkii xalayna lagu tilmaamo mid aad u culus oo noociisa oo kale maalmihii
lasoo dhaafay aan ka dhicin Muqdisho.
Odoyaasha Hawiye oo ka carooday dilalka ka dhacaya Muqdisho.
Baaq ay soo saareen odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayay aad
ugu cambaareeyeen weerarada iyo dilalka abaabulan ee ka dhacay muddooyinkii ugu
dambeeyay caasimada Somalia ee Muqdisho.
Odoyaasha ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalka ka dhaca Muqdisho oo
loo geysanayo dadka waxtarka u leh dalka iyo dadka, iyagoo sheegay inay aad u
cambaareynayaan kooxaha geysanaya dilalkaasi.
Afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed
Diiriye Cali oo baaqaan soo gaarsiiyay Saxaafada ayaa yiri “Hadii aan nahay
odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye aad baan ugu soo horjeednaa
waxyaabaha ammaan darada ah ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana ugu baaqeynaa
kooxaha dilalka wada inay ka toobadkeenaan oo arrimaha ay hayaan faraha kala
baxaan”.
Nabadoonka ayaa waxa uu ku baaqay in wax aan macno laheyn aan lagu dilin
dadka, isla markaana la dhowro sharafta iyo walaaltinimada.
Nabadoon-ka waxa uu xusay in iyaga aysan mas’uul ka aheyn qaraxyada ka
dhacaya Muqdisho oo loogula soo horjeedo ciidamada dowlada iyo kuwa
Ethiopian-ka, waxuuna sheegay inay iyaga yihiin odayaal nabadeed oo aysan aheyn
odoyaal dagaal.
“Marnaba raali kama nihin in ciidamada Ethiopian-ka ay sii joogaan caasimada
Somalia ee Muqdisho, waana in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga baxaan, waxaana
inay heshiiyaan la doonayaa waa Soomaalida dhexdeeda ee ma ahan Ethiopian iyo
Somalia sidaasi ha u fahmaan” ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.
Mar la warsaday waxa uu u joogo xiligaan Muqdisho maadaama ragii uu lamid
ahaa gaar ahaan Ugaas Cabdi Daahir ay isaga baxeen dalka, waxa uu yiri “Aniga
lagama yaabo inaan dalka ugu baxo cadowga kusoo duulay, hadii ay I dilaana
waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo sharafta dalkiisa iyo dadkiisa u dhintay,
waxaana ku sugnaanayaa inta nafta ay igu jirto halkaan aan joogo”.
Si kastaba, baaqaan kasoo baxay odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha
Hawiye ayaa kusoo aadaya xili ugaarsi xoogan uu ka taagan yahay Muqdisho kaasoo
lagu dilayo dadka wax galka ah, aqoonyahanada, saraakiisha iyo waxgaradka.
Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
21, 2007
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon


|