100-Milyan oo Caruur ah ayaa ku
dac-darraysan Dunida..!!
Waxaa la yiraahdaa:- Labada Waalid
ruuxa kaliya ee ay u oggol-yihiin inuu iyaga ka
wanaagsanaado, kana nolol iyo magac-sarreeyo waa Ubadka ay
iyagu dhaleen , ee uu iyaga jirkooda Alla ka soo jaray,
magacooda iyo summaddoodana wata.
Waalidiintu waxay Awooddooda iyo
wax-qabadkooda oo dhan isugu geeyaan korinta, ababinta,
daryeelka iyo xannaanada Ubadka; si ay hadhow Ubadku u
noqdaan kuwii anfaca naftooda, waalidkood, dadkood, dalkooda
iyo diintoodaba. Murti Carbeed ayaa waxay ahayd:- "
Caruurteenna waa Beerkeenna oo dhulka soconaya..", walow ay
mar-mar dhacdo nuxurka Murtida ah:-"Nin aad dhashay kuma
dhalin".
Waxaa mararka qaarkood dhacda Ubadka oo
dayacma, taladuna ay Waalidka farahooda ka baxdo. Faqri,
Jahli, Bur-bur qoyseed ama Waalidka oo ay ajashiisu gasho
iyo sababo kale ayay dayacaaddu ku imaan karaysaa; waxayna
natiijadu noqotaa Ubadkii oo ku daata Waddooyinka, halisyo
wejiyo badan lehna la kulma.
Xafiiska xagga wararka(News) ugu
qaabilsan Qarammada Midoobay(UN) ayaa warbixin uu dhowaan
soo saaray kaga dayriyay halista isa soo taraysa ee Caruurta
ku dayacan Waddooyinka Dalal badan(Ciyaal-Suuq). Wuxuu
xafiisku hoosta uga xariiqay Dadyowga Dunida : in ay
Arrintan fiiro gaar ah u yeeshaan,kuna baraarugaan; siiba
markii ay soo korortay tirada caruurta dib-jirka ah ee la
fara-xumeeyo.
Caruurta ku dayacan Waddooyinka, waxaa
ka mid ah kuwa seexda wadda-lugeedyada iyo Suuqyada ee
iibiya Wargeysyada iyo Alaabooyinka yar-yar, dawarsada,
wax-xada, ama sidii kale ee ay nolol-maalmeedkooda ku heli
karayaan ku kaca.
Arrimaha Caruurta waddooyinka ayaa
waxay noqotay Mushkilad ay dalal badani ka sheeganayaan oo
u maara-waayeen. Dawlado aan yarayn, oo ay xitaa ku jiraan
kuwa dalalka horumaray ayaa cabanaya.
Tirakoob la hor-keenay Shirweynihii
daryeelka Caruurta Carbeed ee la qabtay sannadkii 2003-da,
ayaa waxaa lagu soo bandhigay:- in guud ahaan tirada
Caruurta Adduunka ee ku dayacan Waddooyinka iyo Seyladaha
dalal kala geddisan ay isu-gayntoodu kor u dhaafayso
100-Milyan oo Canug.
40-Milyan oo tiradaas ka mid ah, waxay
ku nool yihiin Laatiin Ameerika; 30-milyan waxay joogaan
Qaaradda Aasiya; 20-Milyanna Afrika ayay daadsan yihiin;
25-Milyan oo kale waxay ku kala firarsan yihiin dunida
inteeda kale.
Daraasaddan ayaa intaas ku daraysa :-
in tiro ka badan Laba-Milyan oo Caruurta Dunida ka mid ah ay
joogto ula kulmaan fara-xumayn kaga timaada
:-Ma-xishoodayaal iyo Iimaan-laawayaal aan Allah aqoon,
kuwaas oo Dabinno xaaraan ah u dhigta Ubadka soo koraya.
Caruurtaas la fara-xumeeyo hal-Milyan
oo ka mid ah waxay ku nool yihiin Qaaradda Aasiya. 300-kun
oo kalena waxay joogaan dalka Maraykanka oo isagu lagu
tilmaamo inuu yahay kan dunida ugu horumarsan.
Waxaan is-weydiiyay:- Tolow tan iyo
muddadii uu Dalku burbursanaa, intee ayay la ekaan karaysaa:
dayaca, dacdarrada, dulmiga iyo daryeel la'aanta haleeshay(
loo geystay ) Ubadka Soomaaliyeed...?!!.
Imisaa Ubad la dilay ?!!. Meeqa ayaa
dadyow iyo Diimo kale loo iib-geeyay ?!!.Intee ayay Baduhu
liqeen ?!!. Tiro intee la eg ayuu weli Jahligu ragaadinayaa
?!!.Curyaannimo iyo Bukaan-socodnimo intee ayay u
sugnaatay..?!!. Intee ayaa la agoonteeyay..?!!. iwm.
Waa Su'aalo aan jeclahay in uu
Jawaabteeda iyo xal u heliddeedaba is-weydiiyo Masuul,
Aqoon-yahan iyo wax-garad kasta oo Soomaaliyeed.
Wq/Muxyaddiin M.Kaalmoy
- kalmoi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
21, 2007
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon


|