Walxaha Qarxa Oo Laga Soo Buuxiyey Bac Madow Oo Ku Qarxay
Agagaarka Madasha Shirka.
Qarax sababay dhimashada hal nin oo rayid ah ayaa saaka ka
dhacay agagaarka xarunta shirka dib uheshiisiinta qaran ee
xerada gaadiidka booliska ee degmada c/casiis ee magaalada
muqdisho .
Qaraxan ayaa dhacay saaka subaxnimadii hore xili lagu
qiyaasay 7;30 daqiiqo ee xiliga caasimada muqdisho islamrkaana
la sheegay inuu ahaa walxaha qarxa oo laga soo buuxiyey bac
madoow islamrkaana laga hagayey rimuudka taasoo ku qaraxday meel
aan sidaa uga dheerayn goobta shirka loogu tala galay .
Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegay in la rabay in lagu
waxyeeleyo baabuur cabdi bile ah oo ay saar-nayeen tiro
ciidamada dowlada KMG ah oo kusii jeeday saldhiga bari ee
degmada c/casiis ,waloow baabuurkaasi xili uu dhaafay meeshaas
uu qarxay bamkani ka buuxay bac madowda .
Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo dhalinyaro
ah oo arday ah oo kusii jeeday goobta ay wax ka baranayeen oo
aan sidaasi uga sii fogayn goobta uu shilku ku qabsaday .
Maaha markii ugu horasay ee qarax noocan oo kale ah lala
beegsado agagaarka madasha shirka islamrkaana ay ku
waxyeeloobaan dadka rayid ah asbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd
kadib markii qarax xoogan uu ka dhacay ex-shinemadii hore ee
xadra-muud oo dhabarka ku haysa madasha shirka taasoo ay dad
badani ku dhawacmeen .
Odayaal Iyo Waxgarad Ku Baxay Goobihii Gacan ka Hadalku Ku
Dhexmaray Labada Beelood Ee Xawaadle Iyo Murursade.
Dagaalkii lagu hoobtay ee dhowaanahanba ka soconayey degaanka
gal-gudud iyo hiiraan ayaa waxaa qaylo dhaan kadib ku baxay
odayaasha iyo waxagaradka kasoo jeeda labada beelood ee dirirtu
ku dhex martay degaanka wabxo iyo maxaas.
Dagalaadan oo ahaa kuwo iska soo daba noqday mudooyinkii ugu
dambeeyey islamrkaana ay ku nafwaayeen in ka badan 20-qofood oo
isugu jira dad rayid ah iyo maato ayaa waxaa dagaalkani salka ku
hayaa ceel biyood oo ka qodan deegaanka wabxo oo ay labada
belood ay ku andacoonayaan in mid waliba ceelka gaarkeeda u
leedahay .
Sidoo kale waxgaradka kasoo jeeda guurtida dhaqanka beesha
hawiye ayaa shalay kulan ay ku yeesheen madasha shirka ku baaqay
in si shurud la,aan ah dagaalkaas loo joojiyo islamrkaana u
magacabay gudi beeleed oo ka kooban 15-qof in loo diro
degaankaasi.
Garabka maxamed xasan xaad oo kamida odayaasha dhaqanka
beesha hawiye islamrkaana kasoo jeeda labada beelood mid kamid
ah ayaa ah ayaa sheegay inay degaanka dagaalku ka dhacay ay u
diri doonaan gudi nabadoono ah oo ka kooban 15-xubnood oo uu
hogaaminayo garaad Fiidoow oo kasoo jeeda beesha degta gobolka
hiiraan .
Nin Ganacsade Ah Oo Maanta Lagu Diley Suuqa Weyn Ee
Bakaaraha
Nin Ganacsade ah ayaa maanta dabley ku hubaysnaa baastoolado
ay ku dileen gudaha suuqa weyn ee bakaaraha gaara ahaan
agagaarka suuqa sarifka ee loo yaqaano cakaara .
Ganacsadahan ayaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen goob
joogayaal xiligaa dilka loo gaysanayey marxuumka ka ag dhowaa
ayaa waxay tibaaxeen in marxuumka labo xabadood madaxa lagala
beegsaday islamrkaana lagala baxay markuu dhacay lacag aan
cadadkeeda la sheegin oo ahayd sida ay sheegayaan goob
joogayaashasi lacag dollar ah .
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilkan loo gaystay
marxuumkan ganacsadaha ahaa iyo weliba cida ka dambaysa dilka
ninkan balse wararka qaar ayaa tibaaxaya inay ahayd fal
burcadnimo oo laga dhacayey marxumka lacagta uu xiligaa watey .
Dilalka isugu jira bur-cadnimada iyo kuwa qorsheysan ee salka
ku haya siyaasada ayaa kusoo badanaya caasimada muqdisho xili ay
ku sugan yihiin ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira kuwo
shisheeye iyo weliba soomaali waloow aysan jirin cid wax
qabanaysa amaanka caasimada oo faraha kasii baxaya .
Waxgaradka Kasoo Jeeda Beesha Hawiye Oo Ku Baaqay In La
Joojiyo Falalka Dilka Ah Ee Ka Socda Casimada Muqdisho.
Odayaasha iyo waxgaradka dhaqanka beesha hawiye ayaa baaq iyo
qaylo dhaan kasoo saaray dilalka kala duwan ee ka dhacaya
caasimada muqdisho iyagoo ku baaqay in la joojiyo dilalkaasi .
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beesha hawiye Axmed Diiriye
ayaa waxa uu sheegay in dilalka ka dhacaya caasimadda ee loo
geysanayo dadka , aqoonyahanada, saraakiisha iyo waxgaradka ay
tahay mid wax weyn u dhimeysa sharafta iyo hanaanka beelaha
Hawiye, isagoo farta ku fiiqay in dadka ugu badan ee dilalka loo
geystaa ay ka soo jeedaan beesha Hawiye islamrkaana ay wiiqayso
aqoonta iyo waxgarnimada beeshu ay leedahay waa siduu hadalka u
dhigaye .
Axmed diiriye oo saxafada la hadleyey isagoo ku sugan
muqdisho ayaa tibaaxay in dadka lagu laayo macno daro
islamrkaana aan loo baahnayn in dhiiga si macno daro ah loo
daadiyo taasina ay islaamnimada ka fog tahay waa siduu sheegaye
islamrkaana la ilaaliyo walaaltinimada iyo wada noolaanshaha .
Si kastaba ha ahaatee afhayeen axmed diiriye ayaa ku baaqay
in si shuruud la,aan ah loo joojiyo dilalka ka dhacaya magaalada
muqdisho .
Maxamed Dheere Oo Hanjabaad Mar kale Usoo Jeediyey Odayaasha
Dhaqanka Beesha Hawiye.
Maxamed cumar xabeeb (maxamed Dheere ) oo ah gudoomiyaha
gobolka banaadir ahna duqa caasimada dowlada KMG ah ayaa
hanjabaad kulul usoo jeediyey odayaasha dhaqanka beesha hawiye
islamrkaana ku eedeeyey dhibaatooyinka amaan darro ee ka jira
caasimada muqdisho inay iyagu ka dambeeyaan waa siduu hadalka u
dhigaye.
Gudoomiyaha gobolka banaadir maxamed dheere ayaa maanta mar
uu shir jaraa,id ku qabtay xaruntii hore ee booliska
soomaaliyeed ee loo yaqaanay Commando Bulusiya ee magaalada
Muqdisho waxuu uu ku sheegay in dhibaatada amaan daro ee ka
jirta caasimada ay masuul ka yihiin odayaasha dhaqanka beesha
hawiye islamrkaana uu si gaara farta ugu fiiqay garabka ugu weyn
ee ay ku midaysan yihiin odayaasha dhaqanka beeshaasi ee ay
madaxada u yihiin Max'ed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye.
" arheey waxaan u sheegaa in marka ugu dambeysa dabka ay
wadaan uu iyaga taaban doono , maxaa yeelay kuwii ka horreeyay
oo arintaan aas aasay waa kuwa ka soo hadlaya dalka Eritrea iyo
Meelo ka fog fogba , ka dib markii uu gaaray dabka, iyagana waa
gaari doonaa, maalinta dambena waxaad arki doontiin, iyagoo ama
ku dhintay ama banaanka ka soo hadlaya, Dab ninkii shidana isaga
ayuu gubaa" ayuu yiri Max'ed Dheere
Maxmed dheer oo ah duqa caasimada muqdisho ayaa carabka ku
adkeeyey in ay odayaasha dhaqanka beesha hawiye ay dabka ka
shidan muqdisho ay iyagu shidayaan islamrkaana ay ka dambeeyaan
dhibatooyinka amaan daro ee ka jira caasimada muqdisho waa siduu
hadalka u dhigaye .
Hadalkan kasoo yeeray maxamed dheere ayaa kusoo beegmaya xili
ay maalinkii shalay ahaa xafiiska gobolka banaadir ee uu madaxda
ka yahay lagu tuuray bam gacmeed islamrkaana uu gaystay khasaare
nafeed oo uu ku dhawacmay nin kamida xafiskiisa dowlada hoose ee
gobolka banaadir .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com