SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

mitid dirira soomaaliyeey magacu waa guule 

Hassan Garaad
abwangaraad@hotmail.com

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan xasan garaad warsame oo ka mid ah dadka sida weyn kuga soo horjeeda gumeysiga qabsaday wadanka soomaaliya kaas oo ku taamayey kumanaan sano ka hor in uu mustaqbalka mar uun qabsado muslimiinta geeska africa ee soomaaliya halka waligiiba aw gumeysanayay gobolada soomaali galbeeg hadana waxa uu qabsaday cirifkii ugu dabeeyey muqdisho hadaba soomaalidu waa la dagaalameen cadowgooda waana dagaalamayaan waana dagaalami doonaan inta ay ka soo ceshanaayaan madaxnaani doodii ! laakiin yaan darrada ugu weyn ayaa waxa ay tahay koox diirka soomaali uga eg laakiin qaluubta itoobiyaanka ah ayaa waxa ay meeshii dhulka soomaaliya ka mid ah oo cadowgu qabsadoba waxa ay ka taagayaan calan ka itoobiyo iyagoo leh waxaan nahay dowlad soomaali ah waxa uu ka taaganyahay calanka itoobiya talisyadii ugu waa weynaa ee soomaaliya iyadoo taas bedelkeedana uu dhulka yaalo calanka wadanka soomaaliya hadaba ayaa la rabaa in aay ka qaadaan dhulka?waakan abwaan garaad gabaygiisii guubaabada ahaa!!! uuna ugu magac daray [ mitid dirira soomaaliyeey magacu waa guule 

  1. Hadba dunida duul wax ismudoo miigan maa kacaye
  2. Dabadeedna maan guul darow dib u macaashaaye
  3. Taa waxaan metaal uga dhigaan maanta qirayaaye
  4. Dowladdaan maqaarsaan ka iyo midig shisheeyaadka
  5. Markii horaba lagu soo unkoon maxabo loo haynin
  6. Dowladdaan dadkeedaba metelin cadowga mooyaane
  7. Meel ay tagtaba dowladdaan loo mash xaradeynin
  8. Maanya muruq gumeystaha raggaa ugu maciinaaya
  9. Wadan madax banaani leh raggii murug u soo hooyay
  10. Minhaad laysku xugunshiyo raggii maamulkiba diiday
  11. Masjidyada raggii wada xiree culumadii miirtay
  12. Masuul inaan ku sheegoon iraa madax daleed weeye
  13. Amaan cadow u daba mayr noqdaa yeey i soomarine
  14. Moortar lagu halaagiyo inaan miirada u aasno
  15. Oo aan ismiidaaminaa murunla weeyaane
  16. Mitit dirira soomaaliyey magacu waa guule! 
  17.  
  18. U midooba soomaaliyey maanta cadowgiina
  19. Muslinimo ku dhalad iyo islaam miiran baanahaye
  20. Macbuudkaa allaan mahadi naa meel aan joognabaye
  21. Gaalada na maagtayu waleysa naga macaasheyne
  22. Meyd kooda duur joogto wey maraqsandoontaaye
  23. Maangaabka raacana sharciga waa la marihaahe
  24. Mashin lagu dilyaa iyo wadani gowrac mariyaaba
  25. Mar in uu shalaayiyo salkiis murugo weeyaane
  26. Waxbayaanan hadal igu mirtiyo maanso sii wadine
  27. Nafya maal dad huraybaa xoriyad maala sharafteede
  28. Mitit dirira soomaaliyey magacu waa guule 
  29.  
  30. Waqtigii jahaad lagu mutow muwdku waa jibaye
  31. Mugdi kuma jiroo howshu waa marin colaadeede
  32. Waa magacya reebtii ma naxe geesi noo maraye
  33. Mujrimkiyo amxaaradu intey xamar dhex meereyso
  34. Marastiyo ilmaha naga intey taangi marineyso
  35. Intey calanka yaga moosayaan mudanayaankooda
  36. Egerteena maandeeq intuu cadowgu maalaayo
  37. Miciyaha intuu darahayee malabsan dhiigeeda
  38. Waa lagama maarmaan xaqbaa maarta loo cabiye
  39. Maslaxaba dhamaatoo kalyey xaajadii mariyey
  40. Moortar lagu halaagiyo inaan miinadda u aasno
  41. Oo aan ismiidaaminaa muranla weeyaane
  42. Mitit dirira soomaaliyeey magacu waa guule 
  43.  
  44. Yaa mudan waryaa maali jiray muruqya yow xooga?
  45. Yaw muslima xoriyadeeni bey murun ku dheeheene?
  46. Maskax iyo aqoon iyo waryaa mira tacliineed leh?
  47. Oo dunida miisaan ka culus noo meteli doona?
  48. Yaa magaca soomaal dartiis dhiibi kara maalka?
  49. Oo madax banaanidi dhuntiyo muunadiba raadsha?
  50. Mayalkiyo islaam nimada bey megensaneysaaye
  51. Yaa midig wax gowrici kartiyo mowqaf iyo diin leh? 
  52.  
  53. Muulaha illaahuba ma simin muumin iyo gaale
  54. Mowdka dadan neceyn baa milkiya guul macaan badane
  55. Oo madaxbanaaniyo gobnimo soo morooqsadaye
  56. Alle dadow maciinaan cidkale midig ka dooneyne
  57. Oo mahadya qayr iyo nimciyo gaara meel saraye
  58. Mardhaw in ay toobiyo jabtiyo maalmo baa haraye
  59. Iyagoon midkii dhaawacmiyo qaadan karin meydka
  60. Iyagoo ilmirigleynayoo wada maxaabiisa
  61. Oo murugsan oo yaaban baa laydin maranshiine
  62. Hardan dadan u marin gobanimadu waa ka miriqdaaye
  63. Mitit dirira soomaaliyeey magacu waa guule

Hassan Garaad
abwangaraad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com